16 Sano Kadib Garoonka Stadium Mogadishu Oo Diyaar U Ah In Uu Marti Galiyo Kulamada Xulka Qaranka Somaliya.

Kadib muddo dheer oo la sugay garoonka dib loo dayactiray ee Stadium Muqdisho ayaa ugu dambeyntii Lagu ciyaaray kulan kaas oo dhacay bilowgii bishii July.

Tartanka heerka 1-aad ee Kubada cagta Dalka ayaa haatan diyaar u ah in ay ku ciyaaraan garoonka iyo waliba xulka qaranka Soomaaliya, iyo dhacdooyinka kale.

Garoonka Muqdisho waxaa la dhisay 1977 wuxuuna si dhakhso ah u noqday garoon caan ah oo lagu ciyaaro kulamo waaweyn halka uu sidoo kale marti galiyay munaasibado badan oo waaweyn ka hor intii uuna dhicin 1990.

Nasiib wanaag hoos u socodka garoonka ayaa la joojiyay sanadkan iyada oo gabi ahaan dib u dhis lagu sameeyay loona dhisay si casri ah haatana diyaar u ah in mar kale lagu ciyaaro kubada caagta.

Dib u dhiska garoonka waxa ka qayb qaatay dalka Shiinaha kadib markii dowlada Somaliya la saxiixatay heshiis dib loogu dhisayo garoonka waxana uu garoonka haatan qaadayaa taageerayaal dhan 60 kun oo taageere.

Xulka qaranka Somaliya ayaa sidoo kale markii ugu horaysay muddo 16 sano ah ku ciyaari doona garoonkooda iyada oo xulka lagu naanayso xiddigaha Badda ay sanadihii ugu dambeeyay dalal kale ugu ciyaarayeen garoonkooda.

Markii ugu dambaysay ee uu xulka qaranka Somaliya ciyaaro is reeb-reebka koobka adduunka Qatar 2022 waxa ay ku ciyaareen Djibouti oo ay gurigooda ugu ciyaarayeen.

Cabdiqani Saciid Carab oo ah gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa tilmaamay in mar kale garoonka dib loogu furi ciyaraha in uu yahay horumar weyn oo uu dalku gaadhay waxa uu sidoo kale sheegay in xidhiidhka kubada cagta Adduunka ee FIFA ay siinayso dhaqaale ay ku furaan xafiisyo cusub oo xidhiidhka kubada cagta Somaliya ah.

Waxaa la rajeynayaa in ugu dambeyntii lagu ciyaaro kulamada xulka qaranka Somaliya ee heerka caalami taas oo dawlada ka caawinaysa in ay lacag u uruurta maadama markii hor ay xiddigaha ku bixin jirtay kharashka ay ku gaynayso dalka Jabuuti.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR