24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

Qodobka 1-aad: Man United ayaa lacag rikoor ah 250-milyan oo euro ah xagaagii dhawaa Real Madrid ka aqbashay inay Grathe Bale ku qaadato balse cayaaryahankan Wales-ka ah isaga ayaa heshiiskan diiday markii uu ogaaday in tababare Zidane iyo Ronaldo kooxda isaga tagayaan.

Qodobka 2-aad: Chelsea iyo Bayern Munich ayaa kusoo biireen loolanka loogu jiro saxiixa Adrian Rabiot oo diidan kooxdiisa PSG inuu heshiis cusub u saxiixo xili qandraaskiisa sii dhamaanayo.

Qodobka 3-aad: Inter Milan ayaa ku guuleesatay in kabtankaneeda Icardi ka saxiixdo heshiis gaarayo ilaa 2023 wuxuuna sanad walbo qaadan doonaa 5m ilaa 6m euro ah mushaar u dhaxeeyo una dheer yihiin gunooyin iyo xuquuqo kale lacago uu ku helaayo.

Qodobka 4-aad: Luke Shaw ayaa si hordhac ah loo ogaaday labada kulan ee ugu soo horeyso Man United cayaareyso inuusan ka qayb qaadan karin sidoo kalena dhaawaciisa uusan halis weyn ahayn.

Qodobka 5-aad:  Goolhaye Thibaut Courtois ayaa kusoo bilaaban doono kulanka sabtiga nagu soo fool leh Real Madrid la cayaareyso naadiga Athletico Bilbao sida macalin Julen Lopetegui  uu xaqiijiyay.

Qodobka 6-aad: Tababare Ernesto Valverde ayaa ka dalbaday maamulka Barcelona inay siiyaan waqti ku filan ka hor inta uusan saxiixin heshiis cusub oo u ogolanaayo Camp Nou sanado dheeraad ah inuu kasii shaqeeyo.

Qodobka 7-aad: Pavel Nedved oo ah madaxweyne ku xigeenka Juventus ayaa sheegay in kooxdiisa ay waqo qorshe adag ay ku dooneyso 2019 inay Paul Pogba iyo Marcelo kusoo xero galiso.

Qodobka 8-aad: Leon Bailey oo ka tirsan naadiga Bayer Leverkusen ayaa doortay inuu ku biiro naadiga Chelsea bisha Janaayo xili kooxaha Liverpool iyo Arsenal xiiso u qabaan saxiixa Jamacian-kan.

Qodobka 9-aad: UEFA ayaa dooneyso inay tartan cusub oo heer naadi ah soo kordhiso laga bilaabo 2021 UEFA waxay dooneysaa sedex tartan in kooxaha Yurub u tartamaan ayadoo haatan Champions League iyo Europa Leag kaliya kooxaha Yurub u tartamaan.

Qodobka 10-aad: Tababraha kooxda Everton Marco Silva ayaa ka walaacsan in ku dhawaad 9-cayaaryahan ka maqnaan doonaan kooxdiisa kulanka ay West Ham wajahayaan todobaadka dambe waxayna cayaartooydaas kala yihiin hil Jagielka, Andre Gomes, Idrissa Gana Gueye, James McCarthy, Michael Keane, Yerry Mina, Seamus Coleman, Theo Walcott iyo Richarlison .

Qodobka 11-aad: Kooxda Lazio ayaa kabtankeeda  Lucas Leiva heshiis cusub ka saxiixeyso sidoo kalena marka uu qandaraaskiisa dhamaado maamulka kooxda ayaa lagu dari doonaa.

Qodobka 12-aad: Kooxda AC Milan ayaa dooneyso Leandro Paredes inay dib Serie A-da ugu soo celiyaan waxayna kooxda Zenit xidigan dul dhigtay 30-milyan oo euro ah.

Qodobka 13-aad: Kooxda Barcelona ayaa suuqa Yurub ka baadi goobeyso daafac garabka bidix oo lagu nasiyo Jodri Alba waxayna bartilmaameed ka dhiganeysaa Alberto Moreno, Nacho Monreal iyo Felipe Luis.

Qodobka 14-aad: Kooxda Juventus ayaa ku dadaaleyso sidii ay bisha Janaayo kusoo qaadan laheyd weeraryahanka naadiga RB Leipzig iyo xulka Jarmalka Timo Werner waxaan lagu heli karaa 45-milyan oo euro ah.

Qodobka 15-aad: Tartanka UEFA Nations League caawo xulalka waa weyn cayaarayaan iyo kulamada saaxiibtinimo jiraan:

UEFA Nations League – League A:: group 2: Iceland ? – ? Belgium (9:45 fiidnimo xiliga geeska Afrika)

UEFA Nations League – League A:: group 4: Spain ? – ? Croatia (9:45 fiidnimo xiliga geeska Afrika)

Cayaar saaxiibtinimo – Colombia? – ? Argentina (3:00 habeenino saqda dhexe xiliga geeska Afrika)

Cayaar saaxiibtinimo – El Salvador? – ? Brazil (3:05 habeenino saqda dhexe xiliga geeska Afrika)

Fadlan Share Garee Sidoo Kalena Fikirkaaga ka dhiibo qodobkii kusoo jiitay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR