24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

Qodobka 1-aad: Marcelo oo aqbalay ganaax €750,000 iyo xabsi afar bilood ah kadib markii uu bixin waayay €490,000 canshuur ahaan looga rabay gudaha Spain balse 30-jirkan xabsi ma galaayo.

Qodobka 2-aad: Man United ayaa dooneyso bisha Janaayo inay £100m  kusoo qaadato daafaca naadiga Real Madrid iyo xulka France Raphael Varane.

Qodobka 3-aad: Goolhaye Hugo Lloris ganaax £50,000 ayaa la dul dhigay iyo 20-bilood inuusan gaari wadi karin kadib markii lagu helay asigoo qamri cabsan inuu gaari kaxeeyay.

Qodobka 4-aad: Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa xalay cayaar kulan sagootin ah oo lambarkiisa 14-aad xulka Liberia meel lagu dhigaayay waxaana kulankan 2-1 ku badiyeen xulka Nigeria cayaar Weah la badalay daqiiqadii 79-aad.

Qodobka 5-aad:  Man United ayaa gabi ahaanba joojisay wada hadaladii Paul Pogba qandaraaska loogu kordhin lahaa waxayna middaan fududeen kartaa in bisha Janaayo uu kooxda isaga tago.

Qodobka 6-aad: Kooxda AC Milan ayaa qorsheeneyso bisha Janaayo inay qiimo jaban ku qaadato cayaaryahan Ander Herrera ama si bilaash ah xagaaga dambe ku qaadato.

Qodobka 7-aad: Naadiga Atletico Madrid ayaa walaac ka qabto in cayaaryahankeeda Lucas Hernandez ku biiro kooxda Man United oo mushaar sare u bandhigtay waxaana qandaraaskiisa lagu jebin karaa 72-milyan oo euro ah.

Qodobka 8-aad: Halyee Andrea Pirlo ayaa kusoo laaban rabo cayaarista kubada cagta asigoo dalab heer sare ah ka helay naadiga dalka Australia ka dhisan.

Qodobka 9-aad: Ilkay Gundogan ayaa iska diiday xiiso kaga imaanayo dhanka Barcelona wuxuu ku faraxsan yahay waqtiga uu naadiga Man City ku qaadanayo.

Qodobka 10-aad: Inter Milan ayaa dooneyso inay bisha Janaayo gacanta kusoo dhigto labadan cayaaryahan ee Mexican-ka ah Harvin Lozano iyo Hector Herrera.

Qodobka 11-aad: Sami Khedira ayaa heshiis cusub kooxdiisa Juventus u saxiixay wuxuuna meesha ka saaray xagaagan inuu magaalada Turin isaga tagaayo wuxuuna qalinka ku duugay heshiis gaarayo ilaa 2021.

Qodobka 12-aad: Man United ayaa dhigeeda Barcelona ka dul qaadi rabto soo xero galinta agaasime Monchi oo horey u sheegay inuu shaqada wacan ee uu Roma ka haayo joojin doono.

Qodobka 13-aad: Marco Asensio ayaa sheegay inuusan marnaba ku fikirin kooxdiisa Real Madrid isaga tago kuna faraxsan yahay doorkiisa cusub uu xulka Spain iyo Real Madrid haatan ku leeyahay.

Fadlan Share Garee Sidoo Kalena Fikirkaaga ka dhiibo qodobkii kusoo jiitay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR