Home » Archives by category » CAYAARAHA

Xulka Qaranka Algeria Oo Macasalaameeyay Koobka Qaramada Afrika Iyo Senegal Oo Algeria Ka Cidhibtirtay AFCON 2017.

Xulka qaranka Algeria ayaa si rasmi ah u macasalaameeyay tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon kadib markii ay laba dhibcood oo kaliya ka heleen saddex kulan oo ciyaareen waxayna kulankii ay rajadoodu ku xidhnayd barbaro 2:2 ah la galeen xulka qaranka Senegal halka Tunisia oo Algeria ay tartamayeen ay 4:2 ku garaacday Zimbabwe taas oo Algeria sabab ugu noqotay in ay xili horeba shandadaha ka soo xidh xidhaan Gabon.

Xulka qaranka Algeria ayaa mucjiso u baahnaa si ay baaqi ugu sii ahaadaan tartanka qaramada Afrika kadib marki ay hal dhibic oo kaliya ka soo heleen labadii kulan ee ugu horeeyay. Algeria ayaa la ciyaaraysay xulka qaranka Senegal oo xili horeba boos ka helay wareega sideed dhamaadka AFCON 2017, waxayna Riyad Mahrez iyo asxaabtiisa Algeria doonayeen in ay waxkasta u sameeyaan si ay sideed dhamaadka ugu soo bixi karaan.

DAQIIQADII 10 AAD GOOOOOOOOOL! Algeria ayay farxad u ahayd in ay xili horeba gool ka heleen Senegal kadib markii uu  SLIMANI u dhaliyay goolka ay dhiiro galinta badan ka heleen  laakiin isla daqiiqad Tunisa ayaa goolka furitaanka ka heshay kulankii Zimbabwe taas oo wali Algeria ku qasbaysay in ay dadaal badan sameeyaan, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Algeria hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 44 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Rajadii Algeria ayaa markale dhulka ku dhacday kadib markii xulka qaranka Senegal ay dhamaadkii qaybtii h–e ee kulankan uu P. DIOP u saxiixay goolka barbaraha wuxuuna ahaa gool sii qalbi jabiyay jamaahiirta Algeria waxayna qaybtii h–e ku dhamaatay babraro 1:1 ah.

DAQIIQADII 52 AAD GOOOOOOOOOOOL! Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu markale SLIMANI xulka qarankiisa Algeria u dhaliyay goolka labaad ee a doonayeen in ay guul ku gaadhaan wuxuuna xidiga Leicester City ciyaarta markan ka dhigay 2:1 ay Algeria markii labaad hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 54 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Algeria ayaa markale ku fashilantay in ay natiijada fiican ee ay haysatay difaacato waxaana laba daqiiqo kadib goolka labaad Senegal u saxiixay SOW kaas oo markiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay barbaro 2:2 ah kaas oo xanuun kale ku sii abuuray Algeria.

DAQIIQADII 77 AAD Algeria ayaa ugu dhawaatay in ay la timaado goolkeeda saddexaad waxaana saddexley ugu dhawaaday in uu dhamaystirto SLIMANI kaas oo kubbad gool cadaan ah loo fishay kula soo baxay goolka Senegal laakiin darbada uu u baahnaa in uu shabaqa ku gaadho ayaa birta sentimitir u maray ! Alla muxuu gool qasaaray ahaa!.

Kulanka Senegal iyo Algeria ayaa ahaa kulan xiiso badan oo kubbad qurux badan ay labada xul qaran soo bandhigeen isla markaana ay fursado badan ku abuurayeen, wuxuuna ahaa kulan si wayn uga duwanaa kulamadii la soo ciyaaray koobka qaramada Afrika.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2:2 ah kaas oo sabab u noqday in xulka qaranka Algeria uu si rasmi ah uga hadho taranka qaramada Afrika ee Gabon ka socda. Algeria iyo Zimbabwe ayaa Group B ka hadhay halka Senegal iyo Tunisia ay u soo baxeen wareega sideed dhamaadka AFCON 2017.

NATIIJOOYINKII GROUP B:

Algeria 2-2 Zimbabwe

Tunisia 0-2 Senegal

Algeria 0-2 Tunisia

Senegal 2-0 Zimbabwe

Zimbabwe 2-4 Tunisia 

Senegal 2-2 Algeria

QAABKA LOOGU KALA BAXAY GROUP B:

Senegal -7 dhibcood iyo saddex kulan

Tunisia -6 dhibcood iyo saddex kulan

Algeria – 2 Dhibic iyo saddex kulan

Zimbabwe -1 Dhibcid iyo saddex kulan

Let’s block ads! (Why?)

AFCON 2017: Xulalka Senegal iyo Argeria oo isku garab dhacay, xilli xulka Tunisia uu dardaray Zimbabwe

(Libreville) 24 Jan 2017 – Kulamo ka tirsan qeybta (B) ee koobka qaramada Afrika 2017 ayaa la ciyaaray, iyadoo xulalka Algeria iyo Zimbabwe ay ku hareen heerka guruubyada tartankan.
Segenal oo noqotay dalkii ugu horreeyey ee u gudba wareegga siddeed dhamaadka tartanka ayaa barbaro 2-2 la galay xulka Algeria.
Xulka Algeria oo doonayey inuu guul uun gaaro si uu rajo uga yeesho u soo bixitaanka wareegga xiga ayaa waxaa labo gool u dhaliyey Islam Slimani, laakiin labo gool oo ay xulka Segenal []

Xulka Qaranka Tunisia Oo Guu Wayn Ka Gaadhay Zimababwe Iyaga Oo Iska Xaadiriyay Wareega Sideed Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika Ee AFCON 2017.

Xulka qaranka Tunisia ayaa u soo baxay wareega sideed dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay 4:2 ku xasuuqeen Zimbabwe isla markaana ay Algeria awoodi wayday in ay soo dhaafto Senegal. Tunisia ayaa xulka qaranka Senegal kula biirtay wareega sideed dhamaadka AFCON 2017 waxayna Senegal ka soo wada baxeen Group B.

Xulka qaranka Tunisia ayaa u dagaalamayay sidii ay Senegal ugula biiri lahaayeen wareega sideed dhamaadka ee kulankii ugu danbeeyay Group B ee tartanka qarmaada Afrika. Waxaa si xoogan booska labaad ee Group B ugu tartamayaya xulalka qaramada Tunisia, Algeria iyo Zimbabwe oo fursada ugu liidatay haysatay wuxuuna xulka qaranka Tunisia shaqadiisii ugu waynayd qabtay 45 kii daqiiqo ee ugu horeeyay kulankii ay Zimbabwe iskaga horyimaadeen.

DAQIIQADII 10 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Tunisia ayaa xili horeba hogaanka ciyaarta la wareegtay kadib markii uu goolka furitaanka u saxiixay SLITI kaas oo xulka qaranka Zimbabwe xaalada ku sii xumeeyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Tunisia hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 22 AAD  xulka qaranka waqooyiga Afrika ka yimid ee Tunisia ayaa helay goolkooda labaad ee kalsoonida waxaana markan shabaqa soo taabtay MSAKNI kaas oo markiisa ciyaarta u badalay 2:0 ay Tunisia rajadeeda sare ugu qaday isla markaana ay xaalada dhib badan ku baday Zimbabwe.

DAQIIQADII 36 AAD Xulka qaranka Tunisia ayaa ciyaarta dilay kadib markii ay heleen goolkooda saddexaad ee ay kaga yaabsadeen Zimbabwe waxaana markan liiska gool dhaliyaasha kulankan ku biiray KHENISSI kaas oo natiijada ciyaarta ka dhigay 3:0 bilaa jawaab ay Tunisia hogaanka ku sii dheeraysatay.

DAQIIQADII 43 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Zimbabwe ayaa iska soo yaraysay goolasha saddexda ahaa ee shabaqooda lagu riday waxaana goolkooda furitaanka u dhaliyay MUSONA kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:1 ay wali Tunisia hogaanka ciyaarta ku hayso.

DAQIIQADII 45 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Xulka qaranka Tunisia ayaa daqiiqadii ugu danbaysay ee qaybtii h–e ee kulankan soo ceshaday hogaankii saddexda gool ahaa waxaana Zimbabwe goolka afraad ka dhaliyay KHAZRI wuxuuna qaybtii h–e ee ciyaarta ku soo xidhay 4:1 ay Tunisia ugu soo baxsanayd wareega sideed dhamaadka koobka qaramada Afrika.

DAQIIQADII 58 AAD GOOOOOOOOOOL! Qaybtii danbe ee ciyaarta Zimbabwe ayaa saamayn fiican samaysay waxayna markale heshay goolkeeda  labaad ee ay ku soo yaraysay goolasha ay Tunisia isku ilaalinaysay waxaana goolka labaad ee Zimbabwe dhaliyay NDORO wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:2 ay wali Tunisia hogaanka ciyaarta ku haysato.

Si kastaba ha ahaatee, xulka qaranka Tunisia ayaa awooda in ayna wax gool kale ah la iman Zimbabwe si ay u xaqiijistaan booskooda wareega sideed dhamaadka koobka qaramada Afrika waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4:2 ay Tunisia ugu awood sheegatay Zimbabwe.

NATIIJOOYINKII GROUP B:

Algeria 2-2 Zimbabwe

Tunisia 0-2 Senegal

Algeria 0-2 Tunisia

Senegal 2-0 Zimbabwe

Zimbabwe 2-4 Tunisia 

Senegal 2-2 Algeria

QAABKA LOOGU KALA BAXAY GROUP B:

Senegal -7 dhibcood iyo saddex kulan

Tunisia -6 dhibcood iyo saddex kulan

Algeria – 2 Dhibic iyo saddex kulan

Zimbabwe -1 Dhibcid iyo saddex kulan

Let’s block ads! (Why?)

XULKA SERIE A: Waa kuwee 11-ka kabiir ee todobaadkan ugu fiicnaa horyaalka Talyaaniga

(Roma) 23 Jan 2017 – Waxaa todobaadkan la dheeley kulankii 21-aad ee horyaalka Talyaaniga iyadoo ay dheceen ciyaaro adkaa sidii kulankii AC Milan ay kaga adkaatay Napoli iyo midkii ay Juve ku garaacday SS Lazio.
Haddaba, waa kee xulka Serie A ugu wanaagsan todobaadkan, sida uu u arko qoraaga isboorti ee ku xeelka dheer ciyaaraha Talyaaniga ee Dave Taylor.
Ciprian Tatarusanu [Fiorentina]
Giorgio Chiellini [Juventus]
Raul Albiol [Napoli]
Federico Fazio [Roma]
Dries Mertens [Napoli]
Blerim Dzemaili [Bologna]
Federico Chiesa [Fiorentina]
Juan Cuadrado [Juventus]
Alessandro Matri [Sassuolo]
Lorenzo Insigne [Napoli]
Gonzalo Higuain [Juventus]
Xarfaanta []

”AC Milan waa naadiga ugu wayn Talyaaniga” – Gerard Deulofeu

(Milano) 23 Jan 2017 – Gerard Deulofeu ayaa AC Milan ku tilmaamay “kooxda ugu wayn Italy” isagoo sheegay inuu rajaynayo inuu Arbacada Coppa Italia ku wajoho kooxda Juventus.
Laacibkan garab-weerarka ah ee reer Spanish ayaa ugu dambayntii soo dhamaystiray kasoo wareegistiisii Everton, isagoo maanta caafimaadka u maray kooxda Rossoneri kahor intii aanu la hadlin hilinka Milan Channel.
“Muhim ma aha halkii aan ka dheelo bidix ama midig, waxaan doonayaa inaan dheelo,” ayuu Deulofeu ku yiri Milan TV.
“AC Milan waa kooxda ugu sharaf []

WARBIXIN: Min Imisa Kulan Ayay Marcelo Iyo Luka Modric Ka Maqnaan Doonaan Kooxdooda Real Madrid Kadib Dhaawcyadii Soo Gaadhay?

Real Madrid ayaa maanta warbixin caafimaad ku xaqiijisay in Luka Modric iyo Marcelo ay dhaawacyo ka soo gaadheen kulankii Malaga ee horyaalka La ligaha, waxayna warbixinta caafimaad muujisay in dhaawcyada Marcelo iyo Modric ay kala halis badan yihiin isla markaana ay muddo kala duwan garoomada kaga maqnaan doonaan. Xaalada Dhaawacyada Madrid ayaa noqotay mid sii xumaaday kadib markii Marcelo iyo Modric ay ku biireen miiska daawaynta ee Los Blacnos.

Haddaba  su’aasha ay jamaahiirta Real Madrid iswaydiinayso ayaa ah, kulamada la filayo in Marcelo iyo Luka Modric ay seegi karaan kadib dhaawacyada soo gaadhay. Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa kulamada ay suurtogalka tahay in Marcelo iyo Modric ay seegi karaan iyada oo dhawaca Modric aanu ahayn mid halis ah isla markaana uu xil horeba garoomada ku soo laaban karo halka Marcelo uu muddo bil ah garoomada ka  maqnaan doono.

Kulamada Uu Marcelo Seegi Karo:

Marcelo ayaa ugu horayn seegi doona kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey wareegiisa sideed dhamaadka ee ay Real Madrid arbacada booqan doonto Celta Vigo,wuxuuna sidoo kale seegi karaa labada kulan ee afar dhamaadka Copa Del Rey haddii ay Real Madrid soo dhaafto Celta Vigo.

Kulamada La Ligaha waxa la filayaa in xidiga ree Brazil uu seegi doono kulamada  Real Sociedad (January 29), Celta Vigo (February 5), Osasuna (February 11), Espanyol ( February 18) iyo Valencia (February 22). Halkan hoose kaga bogo kulamada uu Marcelo seegi karo iyo taariikhda la ciyaari doono.

Copa del Rey: Kulana lugta labaad e Celta Vigo (January 25 ) Waxa kale oo uu seegi doonaa labada kulan ee afar dhamaadka Copa Del Rey haddii ay Real Madrid ka soo gudubto kulanka Celta Vigo waxaana kulamadan la ciyaari doonaa ( February1 & Febuary 8).

LaLiga: Real Sociedad (January 29), Celta Vigo (February 5), Osasuna (February 11), Espanyol ( February 18) iyo Valencia (February 22).

Champions League: Kulanka lugta kowaad ee  Napoli (February 15).

Kulamada Uu Luka Modric Seegi Karo:

Lama filayo in Luka Modric uu waqti dheer maqnaan doono laakiin waxa uu seegayaa kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey ee ay Los Blancos la ciyaari doonto Celta Vigo waxaana suurtogal ah in uu soo laato kulanka Real Sociedad ee ay Real Madrid ciyaari doonto horyaalka La Ligaha.

 

Copa del Rey: Kulanka Lugta labaad ee Copa Del Rey ee Celta Vigo ( January 25)

LaLiga: Real Sociedad (January 29; Kulankan ayaa la fili karaa in Modric oo taam u noqdo)

Let’s block ads! (Why?)

RASMI: AC Milan oo dhammaystirtay saxiixa Gerard Deulofeu… (Xiddiga oo durba sameeyey tababarkiisii ugu horreeyey ee Rossoneri) + SAWIRRO

(Milano) 23 Jan 2017 – Laacibkii garabka uga ciyaari jiray kooxda Everton ee Gerard Deulofeu ayaa dhameystiray heshiis amaah ah oo 6 bilood ah oo uu ugu wareegay kooxda AC Milan ee Talyaaniga.
Deulofeu ayaa dhaliyay 8 gool 75 kulan ciyaareed oo uu la soo qaatay kooxda Everton.
Ciyaaryahan Deulofeu oo 22 jir ah ayaa booska xulashada safka hore ka waayay shaxda Everton ee uu hor kacayo tababare Ronald Koeman, taas oo ku  qasabtay in uu doorto kooxda uu hoggaamiyo tababare Vincenco []

RASMI: Liverpool Oo Kansashay Heshiiskii Amaahda Ahaa Ee Lazar Marković Uu Ku Joogay Sporting Lisbon Iyo Xidigan Oo Hull City Ku Biiray.

Kooxda Liverpool ayaa kansashay heshiiskii amaahda ahaa ee Lazar Marković uu ku joogay kooxda horyaalka Portugal ka dhisan ee Sporting Lisbon kadib markii horumarkiisu uu fiicnaan waayay ee uu waayay waqti fiican oo uu kaga soo muuqda kowaada kowaad. Laakiin Liverpool ayaa go’aansatay in Lazar Marković uu heshiis kale oo amaah ah inta xili ciyaareedkan ka hadhay uu ugu biiro kooxda Hull City ee horyaalka premier leaque-ga.

Kooxda Hull City ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Liverpool kala soo wareegtay xidiga xulka qaranka Serbia ee Lazar Marković kaas oo tan iyo xili ciyaareedkii h–e amaah kaga maqnaa Anfield. Lazar Marković ayaa markii uu Liverpool ku soo biiray loo arkayay mid ka mid ah da’yarka Yurub ugu fiican balse horumarkiisii aan hoos udhacay tan iyo markii uu Benfica ka soo wareegay ee uu Liverpool ku soo biiray.

📑 | We are delighted to confirm the signing of Lazar Marković on loan from @LFC until the end of the season #WelcomeLazar pic.twitter.com/bQcahvAwWi

— Hull City (@HullCity) January 23, 2017

Qoraalka Hull City ay ku xaqiijisay heshiiska Markovic ayaa la soo dhigay barta tiwitterka ee kooxdeeda waxaana lagu yidhi: “Waxaanu ku faraxsanahay in aanu xaqiijino saxiixa Lazar Markovic oo aan amaah kagala soo wareegnay Liverpool ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan”.

Sidoo kale Liverpool ayaa wanaag u rajaysay xidigeeda ahaamda ugu biiray Hull City.Lazar Marković ayaa wax badan ku soo kordhin kara kooxda xili ciyaareedkan heerka labaad ka dagaalamaysa ee Hull City oo hadda haysata macalinka fiican ee Marco Silva kaas oo saamayn fiican kooxdan ku sameeyay. Markovic ayaa Liverpool sanadkii 2014 kaga soo biiray Benfica wuxuuna kooxdeedaka soo muuqday 33 kulan isaga oo dhaliyay 3 gool oo kaliya.

Let’s block ads! (Why?)

Miyay Liverpool U Dhibtoonaysaa Dhaawicii Philippe Coutinho & Joel Matip Iyo Maqnaansha Sadio Mane? Jurgen Klopp Ayaa Ka Hor Kulanka Southampton Su’aashan Ka Jawaabay.

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulanka lugta labaad ee Leaque Cupka wareegiisa afar dhamaadka iyaga oo kulankii lugta kowaad guuldaro 1:0 ah kala soo laabtay kooxda Southampton. Jurgen Klopp ayaa wax laga waydiiyay haddii qaab ciyaareedkii fiicnaa ee kooxdiisu uu ku xumaaday maqnaanshihii dhaawac ee Philippe Coutinho oo dhawaan ka soo laabtay dhaawac uu todoba usbuuc la maqnaa iyo waliba ganaaxii FIFA iyo dhaawacii Joel Matip isku raacay. Sidoo kale Klopp ayaa wax laga waydiiyay in maqnanasha Sadio Mane ee koobka qaramada Afrika uu kooxdiisa waxyeeleeyay.

Ugu qorayn Klopp oo qiraya in ay u darsadeen adeegii Sadio Mane ayaa yidhi: “Waxaanu waynay Sadio, Waxaanu waynay Philippe, waxaanu waynay Joel Matip. Inta ugu badan ee aan jecelahay Sadio, ma aha sababta dhibaatadu in aanu waynay Sadio. Waxaanu samaynay qaladaad kale, ma aha in aanan dhalinayn goolal ku filan, waxaanu dhalinay goolal ku filan in aanu kulamada ku guulaysano”.

Sadio Mane is currently away on international duty with Senegal at the Africa Cup of Nations

Laakiin Klopp ayaa markale eedayn u soo jeediyay difaaca kooxdiisa wuxuuna sheegay in ay doqoniimo tahay haddii hal difaac oo kaliya uu suuqa uu kala soo wareegaa uu xalin karo isla markaana aanu la soo wareegin wuxuuna sheegay in guud ahaan difaaca kooxdiisu uu yahay dhibaatada haysata kooxdiisa.

Klopp oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Markasta waxaad ka hadashaan difaaca ama ciyaartoy, aniguna waxaan ka hadlaa difaaca kooxda oo dhan. Haddii ay ahaan lahayd in hal ciyaartoy la soo iibsado oo ay xalinayso, doqon ayaan noqon lahaa haddii aan samayn waayo, laakiin sidaa uma sahlana”.

Klopp ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay shir dheer wada galeen kadib guuldaradii Swasnea City isla markaana ay diyaar u yihiin inta xili ciyaareedka ka hadhay wuxuuna yidhi: ” Laakiin waxaanu ciyaarnay kulankan, mana aha mid fiican, laakiin sidoo kale waa qayb nolosha ka mid ah. Waxaanu qaadanay shir waqti dheer ah kadib ciyaarta, sidaa daraadeed waxaan diyaar u ahay inta ka hadhay xili ciyaareedka. Waxaanu ka soo baxnay waqti aad cidhiidhi u ah”.

Let’s block ads! (Why?)

Sky Sports Oo Soo Saaray Qiimaynta Todobaad Laha Ah Ee Power Raking Ee Xidigihii Ugu Bandhiga Fiicnaa Kulamadii 22-Aad Ee Premier Leaque-ga, Ayaa Hogaaminaya Liiskan?

Sidii aad nooga barateen xili ciyaareedkan waxaanu si joogto ah idiinku soo gudbinaa qiimaynta xili ciyaareedkan kubbada cagta Ingiriiska ku cusub ee ee Sky Sports Power Rakings kaas oo todobaad kasta oo horyaalka Premier Leaque-ga la ciyaaro lagu qiimeeyo bandhiga ciyaartoyda kooxaha horyaalka Ingiriiska. Wax kasta oo muhiim u ah kubbada cagta ayaa xidigaha lagu qiimeeyaa taas oo lagu soo saaro xidigaha ugu bandhiga fiicnaa halka qaybta labaad lagu soo xulo koox kasta gudaheeda xidgaha ugu qiimaynta fiicnaa ee badhiga ugu wanaagsan sameeyay.

Haddaba Sky Sports ayaa hadda soo saaray qiimaynta Sky Sports Power Rakings ee kulamadii 22 aad ee horyaalka premier Leaque-ga waxaana hogaaminaya gool dhaliyaha Tottenham ee Harry Kane kaas oo sii xejistay booska kaalinta kowaad ee qiimayntii tan ka horaysay.

Kane ayaa dhibcaha ugu badan helay laakiin waxaa si lama filaan ah kaalinta labad u soo galay goolhayha kooxda Everton ee Joel Robles kaas oo helay qiimaynta labaad ee ugu badan kulamadii 22 aad ee horyaalka premier leaque-ga kadib markii uu kulankii afraad oo xidhiidh ah shabaqa kooxdiisa ka ilaaliyay in wax gool ah laga dhaliyo wuxuuna soo dalacay lix kaalmood.

Waxaa kaalinta saddexaad qiimayta todobaadkan ee Power Rakings ku jira Alexis Sanchez kaas oo kooxdiisa ka caaawiyay in ay Burnley guul ka gaadho waqti danbe. Sanchez ayaa markale qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kulankii Burnley. Laakiin Andy Carroll oo laba gool dhaliyay ayaa 30 kaalmood sare u soo kacay wuxuuna soo galay kaalinta 6 aad.

Andy Carroll scored twice against Middlesbrough

QIIMAYNTA SKY SPORTS POWER RAKINGS EE KULAMADII 22-AAD EE HORYAALKA PREMIER LEAQUE-GA IYO XIDIGAHA KU SOO BAXAY:

QIIMAYNTA SKY SPORTS POWER RAKINGS EE KOOX KASTA XIDIGII UGU QIIMAYNTA FIICNAA KULAMADII 22 AAD EE PL:

Let’s block ads! (Why?)

RASMI: Xiriirka Ingiriiska oo dhaqan xumo ku eedeeyay tababare Arsene Wenger

(London), 23 Jan 2017   –Xiriirka FA-ga Ingiriiska ayaa dhaqan xumo ku eedeeyay tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger kaddib markii uu riixay oo uu tuuray garsoorihii 4′ ee ciyaartii shalay Arsenal la dheeshay Burnley.
Warbixin lagu daabacay bogga internet-ka xiriirka FA-ga ayaa lagu caddeeyay in falkaasi Wenger ku kacay daqiiqaddii 92′ ee kulankii Burnley uu ahaa dhaqan xumo.
Haatan Wenger ayaa haysta illaa 26 January 2017 inuu kaga jawaabo waxa lagu soo eedeeyay.
Gool FM

Presume an @FA ban and fine is coming for []

Manchester United oo iibinaysa funaanad lagu daabacay Rikoorkii Rooney

(Manchester), 23 Jan 2017  –Kooxda Manchester United ayaa bilowday iibinta funaanado gaar ah oo MU ah kuwaas oo leh midabo kala duwan  dhabarka dambena looga daabacay xusuusta Wayne Rooney ee 250-ka gool ee uu ku jebiyay Rikoorkii xidiggii ugu goolasha badnaa taariikhda Manchester United ee Sir Bobby Charlton oo rikoorkiisii 249 gool la jebin kari waayay muddo 40 sanadood ah.
Xisaabta 250 ayaa loo ekeysiiyay saddexda xaraf ee hore ee magaca (Roo)  kaas oo noqonaya 250ney, waxaana funaanaddani Online-ka (store.manutd.com) kaga iibsan []

RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Ingiriiska Ee FA-ga Oo Dacwad Ku Soo Oogay Arsene Wenger Kadib Dhacadii Casaanka lagu Siiyay Kulankii Burnley.

Xidhiidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa dacwad ku soo oogahay tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger kadib dhacdadii uu macalinka ree France ku luglahaa ee kulankii Burnley taas oo keentay in kaadhka cas loo taago isla markaaa taarboonka la saaray. Arsene Wenger ayaa wajihi kara ganaax garoomada ah kadib markii uu qirtay in uu qalad wayn sameeyay.

Arsene Wenger ayaa raali galin ka bixiyay ficilkiisii xumaa ee uu ku riixay garsooraha afraad ee kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Burnley wuxuuna Arsene Wenger ayaa riixay garsoore Anthony Taylor oo ahaa garsoorihii kaydka Emirates Stadium ku qornaa waxaana Wenger la siiyay kaadhka cas iyada oo Jonathan Moss uu arinta soo faro galiyay isla markaana waxa uu taaraboonka u diray macalinka ree France oo markii danbe qaladkiisa qirtay.

War rasmi ah oo ka soo baxay FA-ga ayaa shaaciyay in Arsene Wenger lagu soo dacweeyay fal dhaqan xumo ah waxaana qoraalka lagu yidhi: ” Arsene Wenger waxaa lagu soo dacweeyay dhaqan xumo kadib kulankii Arsenal ay la ciyaartay Burnley ee axadii January 22,2017. Waxaa lagu soo eedeeyay in daqiiqadii 92 aad  uu erayo cay ah ama erayo aflagaado ah uu u isticmaalay sarkaalka afraad, waxaana lagu sii eedeeyay casaankii laga siiyay goobta farsamada, habdhaqankiisii goobta tunnelka iyo in uu jiidhkiisu gaadhay garsooraha afraad oo ah dhaqan xumo”.

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ayaa shaaciyay waqtiga uu Arsene Wenger haysto in uu kaga jawaabo dacwada dhaqan xumada ah ee lagu soo oogay waxaana qoraalka la sii raaciyay: ” In uu dacwada kaga jawaabo waxa uu haystaaa ilaa January 26,2017 marka ay saacadu tahay 6:00pm”.

Arsene Wenger oo kadib kulankii Burnley ka shalaynaya ficilkii uu casaanka ku qaatay isla markaana uu garsooraha afraad ku riixay ayaa yidhi: “Waxaan ka shalaynayaa wax kasta. Waxaa waajib igu ahayd in aan iska aamuso oo aan guriga tago may ahayn in aan taas sameeyo. Taas waan ka raali galinayaaa. Coquelin waxa uu sheegay  in aanu aanu isaga taaban laakiin anigu maan arkayn. Daacad ahaantii aniga aragtidayda u maan arkayn in ay rekoodhe tahay”.

Arsene Wenger clashes with fourth official Anthony Taylor before being sent to the stands

Wenger oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaa waajib igu ahayd in aan iskaantaroolo, inkasta oo ay waqti mashquul ah. Anigu wax rekoodhe ah kamaan arkayn dibada, laakiin waxay ahayd in aan iska aamuso xataa haddii aan niyadjabsanahay”.

Let’s block ads! (Why?)

Maalka Shiinaha oo la soo hor dhigay Dani Alves isagoo lug ka jaban!

(Turin), 23 Jan 2017   –Sida uu qoray Wargeyska ‘France Football’ garabka Midig ee kooxda Juventus Dani Alves ayaa noqonaya laacibkii ugu dambeeyay ee Maalka Shiinaha loo soo bandhigo iyadoo saddex kooxood oo Shiinees ah ay doonayaan.
Alves oo 33 jir ah, haatanna weli kooxdiisa kaga maqan dhaawac ka gaaray lugta ayuu Wargeysku sheegay in ay xiiseynayaan saddexda kooxood ee kala ah; Hebei China Fortune, Shanghai SIPG iyo Tianjin Quanjin.
Kooxda SIPG oo uu tababare u yahay Villas-Boas ayaa waxay diyaar ula []

MAQAAL: Wax Ka Ogow Kooxaha Xili Ciyaareedkan Waqtiga Dhimasadha Ee Dhamaadka Kulamadii Premier Leaque-ga Goolasha Ugu Badan Dhaliyay.

Xili ciyaareedkan waxaa loo soo joogay goolal badan oo dhaliyay waqtiga dhimashada ee dhamaadka ee horyaalka Premier Leaque-ga looga yaqaan ‘Fergie time’, laakiin kooxaha ayaa ku kala nasiib fiican in natiijo xun oo ay la kulmi lahaayeen ay dhinaca iskaga dhigaan dhamaadka kulamadii Premier Leaque-ga. Waxaa indhaha kubbada cagta aduunka soo jiidatay qaabkii cajiibka ahayd ee ay sida deg dega ah iskugu badashay ciyaartii Arsenal iyo Burnley ku dhex martay Emirates Estadium.

Markasta oo ay dhacdo gaar ahi indhaha soo jiidato waxaa dib loogu laabtaa xogta dhacdadaas ay isku midka yihiin waxayna ciyaartii Arsenal iyo Burnley keentay in dib loogu laabto xogta kooxaha xili ciyaareedkan goolasha ugu badan dhaliyay waqti dhamaadka ciyaarta.

Haddii aan dhawr eray ku soo koobno dhamaadkii kulankii Arsenal iyo Burnley- Daqiiqadii 91 aad Arsenal ayaa 1:0 hogaanka ciyaarta ku haysay, daqiiqadii 92 aad Burnley ayaa keensaday goolkii barbaraha waxayna ciyaarta ka dhigtay barbaro 1:1 ah laakiin daqiiqadii 97 aad waxay ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay Arsenal guusha ku gaadhay, waxayna ahayd xaalad jaho wareerar ah oo si wayn looga hadlay.

Haddaba miyayna fiicnayn in aad in aad wax ka ogaato kooxaha xili ciyaareedkan horyaalka Premier leaque-ga goolasha ugu badan dhaliyay waqtiga 80 daqiiqo ka danbeeya ilaa waqtiga dheeriga ah ee dhamaadka ciyaarta?. Sidaan filan karo waa xog uu qof kastaaba xiisayn karo, waxaanad kaga bogan kartaa qormadeena hoose.

Arsenal ayaa xili ciyaareedkan ah kooxda goolasha ugu badan dhalisay dhamaadka kulamadii Premier leaque-ga, waxayna inta badan uga mahad celinayaa xidiga madaxa balaayada ku qaba ee Olivier Giroud  kaas oo bishii November goolkiisii xili ciyaareedkan ugu saamaynta badnaa guul kaga horjoogsaday Manchester United isaga oo kulankii Old Traffrod goolkii barbaraha ee Gunners dhaliyay xili ayna kooxda Mourinho jawaab celin karin. Giroud ayaa markale  kulankii Bournemouth iyo West Brom  goolal dhaliyay daqiiqadihii ciyaarta ugu danbeeyay.

Guud ahaan Arsenal ayaa 12 gool dhalisay waqtiga 80 ka daqiiqo ka danbeeya ee kulamadii Premier Leaque-ga halka 6 gool ay dhalisay 90 ka daqiiqo kadib, mana jirto koox kale oo lix gool dhalisay 90 ka daqiiqo ee ciyaartu marka ay dhamaadaan. Laakiin kooxaha Chelsea, Everton iyo Manchester City ayaa min 10 gool dhaliyay waqtiga ka danbeeya 80 ka daqiiqo laakiin Man City ayaa 5 gool dhalisay waqtiga ka danbeeya 90 ka daqiiqo.

Alexis Sanchez celebrates Arsenal's winning goal

Haddaba Akhriste Halkan si buuxda ugaga bogo kooxaha xili ciyaareedkan goolasha ugu badan horyaalka Premier Leaque-ga ka dhaliyay waqtiga 80 ka daqiiqo ka danbeeya iyo waliba 90 ka daqiiqo waqtiga ka danbeeya ee daqiiqadaha dheeriga ah ee ciyaarta lagu daro:

Kooxda Goolasha  80ka daqiiqo kadib Goolasha  90ka daqiiqo kadib
Arsenal 12 6
Chelsea 10 2
Everton 10 2
Man City 10 5
Crystal Palace 9 2
Man Utd 8 2
Tottenham 8 2
Swansea 7 2
Bournemouth 6 2
West Ham 6 3
Liverpool 5 3
Sunderland 5 1
Burnley 4 3
Leicester 4 1
Southampton 4 1
Watford 4 2
West Brom 4 2
Hull 2 2
Stoke 2 1
Middlesbrough 1 1

Let’s block ads! (Why?)

David Beckham oo soo booqday xarunta kooxdiisii hore ee PSG

(Paris), 23 Jan 2017   –Xidiggii hore ee Ingiriiska David Beckham ayaa saakay booqasho gaaban ku yimid xarunta naadigiisii hore ee Paris Saint-Germain, waxaana bogga Internet-ka kooxdaasi lagu soo bandhigay Beckham oo haya funaanaddiisii hore ee PSG ee lambarka 32′.
Beckham ayaa waqti gaaban kula qaatay xarunta tababarka kooxda PSG saaxiibadiisii hore ee ay isku kooxda ahaayeen Thiago Silva, Javier Pastore, Marco Verratti, Maxwell iyo Blaise Matuid waxaana tani ku soo aadaysaa ka hor kulankooda berri ay la ciyaari doonaan Bordeaux []

Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Wareega Afraad Ee Emirates FA Cupka Oo La Shaaciyay, Ayaa Qaban Doona Kulamada Kooxaha Waa Wayn?

Muddada u dhexaysa Jimcaha January 27  iyo Axada January 29 ayaa la ciyaar doonaa 16 kulan oo ka tirsan tartanka Emirates FA Cupka wareegiisa Afraad oo ay ku loolami doonaan 32 kooxood. Waxaana loo tartamayaa sidii loogu soo bixi lahaa wareega shanaad ee 16 ka kooxood. Haddaba waxaa la shaaciyay garsoorka dhex dhexaadin doona kulamada wareega afraad ee FA Cupka.

Halkan Kaga Bogo Dhamaan Kulamada Wareega Afraad Ee FA Cupka, Taariikhda & Waqtiga La Ciyaari Doono iyo Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona oo dhamaystiran:

1 Tottenham Hotspur v Wycombe Wanderers FC
 3pm, Saturday 28 January
Garsoore:  Roger East

2 Derby County FC v Leicester City FC 7.55pm, Friday 27 January
Garsoore:  Mark Clattenburg

3 Oxford United FC v Newcastle United FC 3pm, Saturday 28 January
Garsoore:David Coote

4 Sutton United FC v Leeds United AFC 2pm, Sunday 29 January
Garsoore: Stuart Attwell

5 Liverpool FC v Wolverhampton Wanderers FC
 12.30pm, Saturday 28 January
Garsoore: Craig Pawson
Kaaliyaasha:  Harry Lennard & Mark Scholes
Garsooraha Afraad:  Jonathan Moss

6 Southampton FC v Arsenal
 5.30pm, Saturday 28 January
Garsoore:Kevin Friend
Kaaliyaasha:  Peter Kirkup & Simon Beck
Garsooraha Afraad:  Tim Robinson

7 Lincoln City FC v Brighton & Hove Albion
 3pm, Saturday 28 January
Garsoore: Andrew Madley

8 Chelsea v Brentford FC
 3pm, Saturday 28 January
Garsoore: Michael Oliver
Kaaliyaasha:  Steve Child & Adam Nunn
Garsooraha Afraad:  Lee Collins

9 Manchester United FC v Wigan Athletic FC
 4pm, Sunday 29 January
Garsoore: Neil Swarbrick
Kaaliyaasha:  Stuart Burt & Sian Massey-Ellis
Garsooraha Afraad:  Tony Harrington

10 Millwall FC v Watford FC
 12noon, Sunday 29 January
Garsoore: Martin Atkinson

11 Rochdale AFC v Huddersfield Town FC
 3pm, Saturday 28 January
Garsoore: Oliver Langford

12 Burnley FC v Bristol City FC
3pm, Saturday 28 January
Garsoore: Andre Marriner

13 Blackburn Rovers FC v Blackpool FC
 3pm, Saturday 28 January
Garsoore: Peter Bankes

14 Fulham v Hull City 
12.30pm Sunday 29 January 17 (12:30)
Garsoore:Paul Tierney

15 Middlesbrough FC v Accrington Stanley FC
 3pm, Saturday 28 January
Garsoore: Anthony Taylor

16 Crystal Palace FC v Manchester City FC
 3pm, Saturday 28 January
Garsoore: Michael Jones
Kaaliyaasha: Darren Cann & Andrew Halliday
Garsooraha Afraad: Andy Davies

Let’s block ads! (Why?)

WARBIXIN: Kadib Kaadhkii Casaa Ee Loo Taagay Granit Xhaka, Halkuu Kaga Jiraa Liiska Xidiga Arsenal Ee Kaadhadka Ugu Badan Ee Cas Qaatay Kulamada Premier Leaque-ga?

Habdhaqanka xidiga khakda dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Switzerland ee Granit Xhaka ayaa su’aal wayn laga keenay kadib markii uu kaadhka cas oo toos ah qaatay kulankii Burnley wuxuuna noqday xidiga shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ugu casaan qaadashada badan tan iyo bilawgii xili ciyaareedkii h–e. Xhaka ayaa xili ciyaareedkii 2015/16 kooxda  Borussia Monchengladbach saddex jeer ka qaaday kaadhka cas wuxuuna sidoo kale urursaday 13 kaad oo digniin ah.

Xhaka flies in with a two-footed challenge on Steven Defour in the second half

Arsenal's Granit Xhaka is sent-off by referee Jon Moss during Sunday's match

Laakiin dhaqanka kaadh casaan qaadasho ee  Granit Xhaka ayaa halkiisa ka sii socday isaga oo xalay qaaday kaadhkiisii  labaad ee casaan ah isaga oo Arsenal u saftay 19 kulan oo aanu si buuxda u wada ciyaarin. Arsenal ayaa Xhaka xagaagii kula soo wareegtay  £35 milyan oo gini wuxuuna Wenger doonayay in uu ku xaliyo dhibaatada khadka dhexe ee kooxdiisa balse habdhaqankiisa ayaa noqday mid walwal leh.

The Swiss international was sent off by referee Jon Moss earlier in the season against Swansea

Arsenal ayaa hogaanka 1:0 kaga haysay Burnley markii uu Xhaka qalad xun ku galay Steven Defour kadib markii uu kubbada lumiyay taas oo keentay in garsoore Jon Moss uu markii labaad xili ciyaareedkan kaadhka cas u taago 24 jirkan ree Switzerland wuxuuna sidoo sidoo kale Jon Moss ahaa garsoorihii kulankii Swansea City iyo Arsenal kaadhka cas u taagay Xhaka.

The Swiss midfielder (right) made a cynical challenge to prevent the winger breaking away

Haddaba waa kuwee Xidigaha Arsenal ee kaadhadhka ugu badan ee Casaanka ah soo qaatay? Halkuu Haddaba Granit Xahaka kaga jiraa liiska xidigaha Gunners ee kaadhadka cas soo qaatay?

Patrick Vieira's ongoing spat with Roy Keane epitomised Arsenal's nasty streak in the 1990s

Halyaygii Arsenal ee Patrick Vieira oo Arsenal u soo saftay 279 kulan ayaa ah xidiga taariikhda Premier Leaque-ga  ee kooxda Arsenal tirada ugu badan la siiyay kaadhka cas wuxuuna qaatay 8 jeer laakiin Granit Xhaka oo 19 kulan oo kaliya ciyaaray ayaa ku biiray liiska ciyaartoyda Arsenal ee min labada jeer loo taagay kaadhka cas, waana xidiga tirada kulamada ugu yar ku qaaday kaadhka cas ee Gunners ugu badan kulamada PL. Liiska oo dhamaystiran halkan kaga bogo.

Let’s block ads! (Why?)

RASMI: Barcelona Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Xaalada Dhaawicii Sergio Busquets Looga Dhex Qaaday Kulankii Eibar.

Barcelona ayaa soo saartay warbixinta caafimaad ee sida wayn loo sugayay ee xaalada xidiga kooxdeeda ee Sergio Busquets kaas oo garoonka laga dhex qaaday kulankii Eibar. Busquets ayaa 8 daqiiqo oo kaliya ka ciyaartay kulankii Barcelona ay 4:0 kaga soo adkaatay kooxda Eibar waxaana qalad xun oo dhaawac u keenay u gaystay xidiga ree Argentina iyo kooxda Eibar ee  Nicolás Escalante.

Dhaawaca soo gaadhay Sergio Busquets ayaa wadno xanuun ku noqday Luis Enrique iyo jamaahiirta kooxdiisa Barcelona waxayna si wayn uga war sugayeen waqtiga ay Barcelona soo saarto warbixinta caafimaad ee natiijada baadhitaankii uu Busquts maray.

Sergio Busquets ayaa ka mid ah xidigaha kooxda Barcelona ugu muhiimsan wuxuuna xili ciyaareedkan saftay 27 kulan oo ka mid ah 32 kii kulan ee ay kooxda Balaugrana ka soo ciyaartay tartamada oo dhan. Laakiin cabsidii waynayd ee laga qabay in Busquets uu waqti dheer  ka maqnaan doono garoomada ayaa hoos u dhacday taas oo ah war u fiican Luis Enrique iyo kooxdiisa.

Brutal foul from Escalante on Busquets

Warbixinta Caafimaad ee Barcelona ayaa lagu yidhi: ” Kadib markii uu axadii dhaawac ku soo gaadhay kulankii Ipurua ee guusha 4:0 ah lagaga soo gaadhay Eibar, Sergio Busquets waxa uu maray baadhitaano lagu ogaanayay inta ay xaqiiqdii dhibaatadu leegtahay”.

Gonzalo Escalante propina un brutal pisotón a Sergio Busquets durante el Eirbar-Barcelona, partido de LaLiga Santander 2016-2017 disputado en el Estadio de Ipurúa.

Qoraalka Barcelona oo sii socda ayaa lagu yidhi: “Xidiga khadka dhexe waxa garoonka laga dhex qaaday daqiiqadii 8 aad ee qaybtii h–e ee kulanka kadib markii uu tartan kala kulmay Nicolas Escalate. Natiijooyinka isniintu waxay xaqiijiyeen in Busquets uu ka murgucday seeda sare ee canqawgisa midig. Ciyaartoygu wuu maqnaan doonaa soo laabashadiisuna waxay ku xidhaan doontaa ka soo kabsashadiisa”.

Nooca dhaawaca ay Barcelona shaacisay in uu soo gaadhay Busquets ayaa loo maqnaan karaa ilaa laba usbuuc oo kaliya taas oo keenaysa in xidiga ree Spain uu garoomada ku soo laaban doono xili ka horaysa sidii la filayay. Cabsidii laga qabay in dhaawaca Busquets uu sidan ka halis badan yahay ayaa meesha ka baxday waxayna wararka ay warbaahinta Catalonia ka soo baxdaa sheegayaan in Busquets uu laba todobaad kadib garoomada dib ugu soo laaban doono waana war uu jeclaysanayo tababare Luis Enrique oo xili muhiim ah ay kooxdiisu ku jirto.

Let’s block ads! (Why?)

DEG-DEG: Christian Pulisic Oo Niyad Jabiyay Liverpool Heshiis Cusubna U Saxiixay Kooxdiisa Dortmund

War degdeg ah oo ay haatan daabacday Borussia Dortmund ayaa lagu xaqiijiyay in weeraryahanka xulka qaranka mareykankan iyo kooxdaasi ee Christian Pulisic oo heshiis cusub oo waqti dheer ku sii heynaya uu u saxiixay kooxdaasi.

Warkaan ayaa niyad jab ku noqonaya macalinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp kaasoo si weyn u doonaay xidigaan heerka caalami ee 19 jirka ah ee garabka ka ciyaara.

Liverpool ayaa horay looga soo diiday labo dalab oo ay ka gudbisay xidigaan waxaana loo sheegay inuusan wiilkaan yari iib aheyn.

Warka ay soo saartay kooxda re jarmal ayaa lagu yiri “Borussia Dormund waxay jeclaan laheyd iney ku dhawaaqdo iney heshiiska u kordhisay xidiga da’da yar ee Christiano Pullisic kaasoo heshiis waqti dheer ah qalankia ugu duugay kooxda”.

Let’s block ads! (Why?)

Shabakada Ciyaaraha Goal Oo Soo Xulatay Shaxda Ciyaartooyd Ugu Fiicnaa Kulamadii Todobaadkaan Epl

Shabakada ciyaaraha caalamiga ah ee Goal.com ayaa todobaad waliba soo xulata shaxda kooxdoodii ugu fiicneyd ee horyaalka Premier league iyagoo ku qiimeeya qaab ciyaareedkii ay ciyaartooydaan soo bandhigeen kulamadii la ciyaariyay waqtigaas.

Iyadoo markale ay hogaanka horyaalka dheereysatay kooxda Chelsea oo ku qabatay sideed dhibcood kadib guuldaradii soo gaartay Liverpool iyo barbarihii ay galeen City iyo Tottenham.

Hadaba ayaa kasoo muuqda shaxdii todobaadkaan ugu fiicneyd horyaalka ingiriiska ee shabakada ciyaaraha Goal.com ? Halkaan ka arag.

THIBAUT COURTOIS | CHELSEA | Courtois wuxuu shabaq nadiif ah kala baxay 13 kulan ilaa haatan waana intii ugu badneyd ee uu abid kala baxo horyaalka Premier League mudadii sadexda sano aheyd ee uu joogay.

Daafacyada:SEAMUS COLEMAN (EVERTON ) HARRY MAGUIRE (Hull CIty) LAURENT KOSCIELNY (ARSENAL ) AARON CRESSWELL (WEST HAM UNITED ).

Khadka DHexe: ANDER HERRERA ( MANCHESTER UNITED) AARON RAMSEY ( ARSENAL ) JACK WILSHERE (BOURNEMOUTH ).

Weerarka: FERNANDO LLORENTE ( SWANSEA CITY ) ROBERTO FIRMINO ( LIVERPOOL ) ANDY CARROLL ( WEST HAM UNITED ).

Let’s block ads! (Why?)

DEG-DEG: Real Madrid Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Modric Iyo Marcelo Iyo Zidane Oo Dhabarjab La Kulmay

Luka Modric iyo Marcelo ayaa la kala kulmay dhaawacyo  muruqa iyo seekda ah sida ay u kala horeeyaan waxaana sidaasi maanta xaqiijiyay kooxdooda Real Madrid.

Labada xidig ayaa la badalay kulankii ay kooxdooda guusha  2-1 ka ah ee horyaalka  La Liga ay gurigooda uga gaareen Malaga markaasoo ay kasoo laabteen labo guuldaro oo xiriir ahaa oo kasoo gaaray Sevilla iyo Celta Vigo laakin guushaasi ayaa kasbatay in kooxda  Zinedine Zidane ay weyso labo xidig oo kale oo muhiim u ah kooxdooda iyadoo ay horay uga maqnaayeen Gareth Bale, James Rodriguez, Dani Carvajal, Pepe, Danilo iyo Fabio Coentrao.

Real ayaa warbixinta Marcelo ku tiri “Kadib baaritaano maanta lagula sameeyay ciyaariyahankeena Marcelo isbitaalka Sanitas La Moraleja University Hospital, waxaa lagu ogaaday inuu soo gaaray dhaawac heerka labaad ah oo muruqa lugtiisa bidix ah, soo kabashadiisa waa la qiimeyn doonaa”.

Dhanka kale warbixinta Luka Modric ayaa iyana u daabacneyd “Kadib baaritaano maanta lagula sameeyay Luka Modric isbitaalka Sanitas La Moraleja University Hospital, waxaa laga soo helay dilaac ku yimid muruqa lugta midig, soo kabashadiisa waa la qiimeyn doonaa”.

 

Let’s block ads! (Why?)

“Dadka Ingiriiska Waxaa Ceeb Ugu Filan Ineysan U Riyaaqin Gooldhaliyaha Ugu Sareeya Taarikhda England Iyo Kooxda Ugu Weyn Wadankaan”

Hadal ma dhibaha ree Sweden iyo kooxda Manchester United ee Zlatan Ibrahimovic ayaa markale weerar ku qaaday saxaafada ingiriiska iyo dadka wax ka sheega kabtanka kooxda Manchester United iyo xulka qaranka ingiriiska ee Wayne Rooney.

Rooney ayaa si weyn dhaleceyn ula kulmay xili ciyaareedkaan isagoo waayay booskiisii koowaad ee xulka qarankiisa iyo kooxda United ba waxaana jiray inu min bilowgii xili ciyaareedkaan ilaa haatan diirada u saarnaa saxaafada ingiriiska oo si kulul u canbaareynayay kabtankooda ilaa ay arinta soo fara galiso xaaskiisa Coolen Rooney.

Si kasto, Rooney ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sareeya xulka qaranka ingiriiska iyo kooxda Manchester isagoo labadaasi rikoorba ka jabiyay Sir Bobby Charlton oo mudo dheer heestay rikooradaas.

Zlatan ayaa yiri “Cid waliba waa ay taqaanaa Wayne waxa uu yahay, laakin dadka wadakaan joogo uguma riyaaqaan sidii looga baahanaa, ma arko weeraryahano badan oo isaga lamid ah, ii sheeg hadii ay jiraan, ii sheeg magacyadooda, ma jiraan ? waa ciyaariyahan dhameystiran, waad ogtahay waxa uu yahay”.

“Waxaa halkaan soo maray weeraryahano waa weyn, ciyaartooy aad u sareeya wayna jabin waayeen rikoorkaan, waa gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda ugu weyn wadankaan iyo xulka qaranka ingiriiska, waan ku faanayaa inaan isaga garoon lasoo galay oo aan marqaati ka ahaa inuu rikoorkaas jabiyay”.

Let’s block ads! (Why?)

RASMI: Dortmund Oo Ku Garaacday Real Madrid Saxiixa Zlatan-ka Cusub Ee Alexander Isak

Borussia Dortmund ayaa ku dhaw iney lasoo wareegto mucjisad akooxda AIK Alexander Isak oo lagu naaneeso Zlatan Ibrahimovic ka cusub iyagoo kula soo wareegaya lacag dhan €10 milyan oo eyros oo u dhiganta £8.65 milyan oo pound waxayna saxiixa 17 jirkaan aadka loo qiimeeyo ku garaaceen kooxda Real Madrid.

Dortmund ayaa heysta qaar kamid ah da’yarta ugu fiican qaarada yurub iyadoo maalgelin fiican ku sameysay xidigaha da’yarta ah ee ay lasoo wareegto kadibgna lacag fiican ka sameysay iib geyn tooda waxaana kooxda kamid ah haatan xidigaha cajiibka ah ee Christian Pulisic (18 jir), Ousmane Dembélé (19), Julian Weigl (21) iyo Raphaël Guerreiro (23).

Isak iyo wakiiladiisa ayaa axadii joogay magaalada Dortmund si ay u dhameuystiraan heshiiska da’yarkaan uu ugu soo dhaqaaqayo kooxdaan jarmalka ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay DOrtmund ayaa lagu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno lasoo wareegitaanka Alex Isak oo nooga soo biiray AIK ee dalka Sweden”.

Waxaan la fahansan yahay in dhibaatadii Martin Odegaard ku qabsatay Real Madrid ay sabab u aheyd inuu xidigaan iska diido iyadoo la wada og yahay in da’yarka Norwegian ka ah ee aadka loo qiimeeyo uu ku dhibaatooday kooxda Real Madrid uu ugu danbeyna amaah ugu biiray kooxda Heerenveen dalka Netherlands bishaan.

Isak ayaa dhaliyay 10 gool oo horyaalka wadankaasi ah kadib 24 kulan uu u ciyaaray kooxda AIK intii lagu guda jiray xili ciyaareedka 2017 isagoo labo gool ka dhaliyay kulankii Djurgarden derbu maalintii ay ku beegneyd dhalashadiisii 17aad wuxuuna noqday xidigii ugu yaraa ee xulka qaranka Sweden gool u dhaliya markuu shabaqa kasoo taabtay xulka qaranka Slovakia 12 January isagoona markaas jabiyay rikoor wadankaas u yaalay 105 sanadood.

Let’s block ads! (Why?)

Chelsea iyo Man United oo dhaqaale xoog leh ku doonaya Gareth Bale

(London)23 Jan 2017. Manchester United and Chelsea are weighing up bids of up to €200 million to land Real Madrid winger Gareth Bale in the summer transfer window, Don Balon reports.
Manchester United iyo Chelsea waxa ay miisaamayaan sidii ay dhaqaale gaaraya €200 million ugula soo wareegi lahaayeen  garabka Real Madrid Gareth Bale.
Kooxaha Premier League-ga kama walaacsana dhaawaca dhawaantan hareeyey Wales-ka.
Walisa ma wacada in Los Blancos ogolaan doonto in ay iibiso.
Yeelkeedee, wey ka go’antahay Chelsea iyo United in ay la wareegaan Bale.
 
Gool []

Xhaka iyo Mata oo hoggaaminaya shaxda kooxda ugu xun usbuuca ee Premier League

(England) 23 Jan 2017 – Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa qallinka u qaadatay oo shax ka sameysay kooxdii ugu xumayd Premier League usbuucan.
Man United ayaa bar-baro waqti dambe ka tuugtay Stoke, Man City iyo Tottenham ayaa is mari waayay, Chelsea ayaa guul raaxo leh ka gaartay Hull City, Liverpool ayaa loo qubeeyay halka Arsenal ay faro cidi leh uga baxsatay Burnley.
Xhaka oo kaarka cas loo taagay kulankii kooxdiisa Arsenal ay dirqiga kaga baxsatay Burnley iyo Mata oo gool iska dhaliyey []

Loolanka Gareth Bale, Costa Iyo Shiinaha, Sanchez Oo Baxaya, Numberka Griezmann Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Kooxaha Ugu Waaweyn Qaaradda Yurub Maanta

Maalin Wanaagsan Dhamaan Akhristayaasheena Sharafta leh, waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee laga qoray dhamaan kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta inagoo aqbaar yar kaa siin doona dhamaan qormooyinka.


LOOLANKA GARETH BALE


Manchester United Iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaya saxiixa Gareth Bale iyagoo qorsheynaya iney dabal 200 Malyan ah ka gudbiyaan xidigaan heerka caalami sida ay qortay Don Balon.

Gareth wuxuu ku socday qaab fiican, balse dhaawacyo ayaa hareeyay mudooyinkii dambe, si kastaba kooxaha horyaalka Ingiriiska ayaa doonaya iney mar kale ka dhigaan xiddiga ugu qaalisan aduunka.


ALEXIS SANCHEZ IYO MIRELAM PJANIC


Arsenal ayaa u bandhigi doonta Juventus iney qaadato Alexis Sanchez isla markaana ay soo wareejiso Mirelam Pjanic sida ay daabacday Don Balon.

Weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez ayaa saxiixay 15-gool kulamadiisa horyaalka Ingiriiska waxaana lala xiriirinayaa inuu isaga tagi doono kooxda ka dhisan London iyadoo uusan wali saxiixin heshiis cusub xilli xagaaga 2018 uu dhacay heshiiskiisa.


AMAAHDA LAZAR MARKOVIC


Liverpool ayaa u ogolaan doonta xidigeeda Lazard Markovic inuu amaah lix bilood ah ugu biiro Hull City sida ay qoreyso ESPN.

Xidigaan reer Serbia ayaa haatan amaah ku jooga kooxda Sporting, balse wuu ku fashilmay inuu nafsadiisa u cadeeyo kooxdiisa si ay usoo ceshato.

 


ZLATAN-KA CUSUB EE SWEDEN


Borrusia Dortmund ayaa qarka u saaran iney dhameystirto saxiixa weeraryahanka reer Sweden iyo kooxda AIK Alexander Isak sida ay qoreyso The Guardian.

17-jirkaan lagu tilmaamo inuu yahaya Zlatan-ka cusub ayaa u muuqday isbuucii h–e mid ku biiraya Real Madrid balse haatan wuxuu kusii dhawaanayaa inuu 10 Malyan oo Pound ugu biiro Dortmund.


DIEGO COSTA IYO SHIINAHA


Inkastoo dhawaan la shaaciyay in kooxda ka dhisan galbeedka London aysan iibin doonin Diego Costa, hadana Times ayaa ku warantay in Blues ay diyaar u tahay iney 130 Malyan ku iibiso.

Costa ayaa ah hogaanka ugu sareeya ee kooxda Blues madama uu si fiican ula qabsaday nolosha England. xidigaan reer Spain wuxuu dalabyo aan laga jeesan karin ka helay China, sidoo kalana Jorge Mendes ayaa lagu wargaliyay in xidigaan ay u haboon tahay inuu yimaado bariga fog.


NELSON SEMEDO IYO EPL-KA


Chelsea ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro daafaca midig ee Benfica Nelson Semedo sida ay qoreyso jariiradda Portugal kasoo baxda ee A Bola.

Manchester United ayaa la fahansanaa iney xiiso u qabto 23-jirkaan heerka caalami kaas oo lagu qiimeeyo 35 Malyan Oo Pound madama uu Jose Mourinho doonayo inuu xoojiyo daafaciisa dambe.


MANCHESTER CITY IYO AUBAMEYANG


Manchester City ayaa qarka u saaran iney soo rogaal celiso xiisahii ay u qabtay weeraryaanka Borrusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang sida ay qoreyso Express.

Citizens ayaa ku fashilantay iney xagaagii lasoo dhaafay heshiis ka saxiixato xidigaan madama ay aad u xiiseynayeen, balse mar kale ayey isku dayi doonaan si uu badal buuxa ugu noqdo Sergio Aguero.


WAYNE ROONEY IYO SHIINAHA


Wayne Rooney ayaa fursad u heysta inuu u wareego horyaalka Shiinaha iyadoo isbuucii la siin doono aduun dhan 1 Malyan sida ay qortay The Sun.

Hogaamiyahaan qaranka England iyo Manchester United ayaa sabtidii looga istaagay Old Trafford madama uu noqday gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxdaan.


SIDA BECKS, CONTANA IYO CR7


Manchester Unite ayaa dooneysa iney soo xerogaliso Antoine Griezmann sidoo kalana waxey doorbideysaa inuu xidigaan xirto numberka qaaliga ah ee (7) kaas oo ay ku najaxeen Contana, Becks iyo CR7 sida ay qortay Mirror.

Atletico Madrid xidigeeda heerka caalami ee qaranka France ayaa saaxiib dhaw la ah Paul Pogba, waana mid ka mid ah xidigaha ugu waaweyn oo uu doonayo Jose Mourinho.


EMRE CAN IYO SERIE A-DA


Juventus ayaa eeganeysa wiilka Liverpool Emre Can kaas oo ay dooneyso iney keento magaalada Turin sida ay qortay Corriere dello Sport.

Bianconerri ayaa aad u dooneysa iney khadka dhexe isbadal kku sameyso iyadoo aad u raadineysa Emre Can oo aan boos fiican ka heysan shaxda Jurgen Klopp.


KOOXAHA EPL-KA IYO IVAN PERISIC


Manchester United, Chelsea iyo Liverpool ayaa diyaar u wada ah iney ku dagaalamaan saxiixa garabka weerarka xulka Croatia iyo Inter Milan Ivan Perisic sida ay qortay Gazzetta dello Sport.

27-jirkaan heerka caalami ayaa lagu qiimeeyaa 40 Malyan Oo Pound waxaana haatan cad iney sadex kooxood oo Premier League ah ku dagaalamayaan.


PARIS OO AFDUUBATAY KESSIE


Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran iney Manchster United iyo Chelsea ka afduubato kubad sameeyaha kooxda Atalanta ee dalka talyaaniga Franck Kessie sida ay qortay Gazzetta dello Sport.

20-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid noqday xidigaha ugu muhiimsan Serie A-da, wuxuuna dhaliyay 6-gool, 16-kulan oo uu kasoo muuqday horyaalka talyaaniga.


BARCELONA, LOPEZ IYO SIDIBE


Barcelona ayaa wali wada dooneysa xidigaha Maxime Lopez iyo Djibril Sidibe kuwaas oo ka kala tirsan Marsielle iyo Monaco sida ay qortay jariiradda Catalonia kasoo baxda ee SPORT.

Wakiilo ka socda Barcelona ayaa tagay France si ay u daawadaan labadaan xidig kulankii ay Marsielle iyo Monaco ku yeesheen xagaagii h–e.

Let’s block ads! (Why?)

Goolasha Sergio Ramos Ayaa Ka Saameyn Badan Kuwa Karim Benzema Iyo Alvaro Morata, Sabab?

Hogaamiyaha Real Madrid Sergio Ramos ayaa kooxdiisa 8-dhibcood oo aysan cidi la wadaagi karin farta ka saaray Real Madrid kulamada horyaalka La Liga, waana xiddiga ugu saameynta badan ee dhibcaha fiican u keenay kooxdiisa inkasto Ronaldo uu 13-gool dha…

Mourinho: Rooney wuu ka huleeli karaa Manchester United bisha Janaayo

(Manchester) 23 Jan 2017. Jose Mourinho kama hor joogsan doono Weyne Rooney in uu dhaqaale xoog leh ka shaq shaqdo China.
Tababbaraha reer Portugal waa uu dareensan yahay in lacagaha faraha badan ee China ay ku adag tahay ciyaaryahanada in ay diidaan.
Mar la weydiiyey in Rooney ay soo jiidan karto aduunka waalidda ah ee China Super League kaddib markii uu jabiyey rikoorkii gool dhalinta United, Mourinho meesha kama uusan saarin.
Kooxaha Guangzhou Evergrande iyo  Beijing Guoan waxa ay diyaar u yihiin ay ku []

Firmino, Herrera Iyo Ramsey Oo Hogaaminaya Liiska Shaxda Kooxda Ugu Fiican Horyaalka Ingiriiska Isbuucaan

Kulamadii 22-aad ee horyaalka Ingiriiska ayaa la ciyaaray iyadoo ay kasoo baxeen natiijooyin kala duwan waxaana guulo haleeli waayay labada Manchester, Liverpool iyo Tottenham Hotspur, halka ay guulo gaareen labada kooxood ee reer London Arsenal iyo Ch…

Suarez: Dhaawaca Busquets waa khasaaro weyn

(Catalonia) 23 Jan 2017. Luis Suarez waxa uu sheegay in Barcelona uu maqnaanshaha Sergio Busquets muhiim ugu yahay sida Andres Iniesta.
Barcelona waxa ay 4-0 uga taqalustay Eibar xilli uu dhaawac canwaqga ah soo gaaray Sergio Busquets.
Busquets waxaa laga saaray kulanka daqiiqadii 10-aad dhaawaca soo gaaray awgiis
Iniesta qudhiisa kulanka waxa uu ku seegay dhaawac taas oo uu wal wal ka muujiyey Suarez.
“Waan garaneynaa in Sergio yahay koox wadaag aad muhiim u ah oo sidoo kale caawiya xakameynta kubadda.”
“Waa khasaaro weyn  [Maqnaashihiisa] isla []

Kooxda Usbuuca Premier League oo la soo saaray…(Yaa kooxdaada kaga jira?)

(England) 23 Jan 2017. Goal ayaa qallinka u qaadatay oo shax ka sameysay kooxdii ugu fiicnayd Premier League usbuucan.
Man United ayaa bar-baro waqti dambe ka tuugtay Stoke, Man City iyo Tottenham ayaa is mari waayay, Chelsea ayaa guul raaxo leh ka ga…

Antonio Conte Oo Fariin Qiiro Leh U Diray Hull City Iyo Xidigooda Dhaawaca Halista Ah Soo Gaaray Ee Ryan Mason

Tababare Antonio Conte ayaa fariin qiiro leh u diray ciyaariyahanka khadka dhexe kooxda Hull City Ryan Mason kaas oo laga saaray ciyaarta markii ay isku dhaceen Gary Cahill kulan ay Blues 2-0 ku garaacday Hull City ciyaar ka tirsaneed horyaalka Ingiriiska kana dhacday Stamford Bridge.

Ryan Mason ayaa sideed daqiiqo lagu qarash gareeyay ka hor inta aan isbitaalka loola cararin waxaana daqiiqadii 21-aad lagu badalay David Meyler, taasina waxey qasabtay in qeybta h–e ciyaarta lagu daro 9-daqiiqo.

Diego Costa iyo Gary Cahill ayaa kala dhantaalay Hull City inkastoo aan wali war rasmi ah laga soo saarin Ryan Mason, hadana Conte fariin qiiro leh ayuu u diray ciyaariyahanka iyo kooxdiisa isagoo ka wakiil ah kooxda Chelsea oo dhan.

“Qof walba oo ka tirsan Chelsea wuxuu doonayaa inuu wanaag u rajeeyo [Mason]” ayuu yiri Antonio Conte oo ka hadlayay shirkii jaraaid ee ka dib ciyaarta. “Waxey aheyd qalad xun oo uu la galay Gary. kadib qeybtii labaad uma aysan aheyn wax fiican Gary, balse waxaan go’aansaday inuu sii ciyaaro kulanka”

“Wuxuu ahaa mid xun shilkaan, qof walba oo Chelsea ah ayaa rajeynaya iney arkaan Mason oo soo kabsaday isla markaana garoomada si dhaqso leh ugu soo laabtay”

Dhanka kale tababaraha Hull City Silva ayaa ka hadlay xaaladda uu wiilkiisa ku sugnaa kadib ciyaarta wuxuuna xaqiijiyay in Isbitalka loo qaaday.

“Waxaan qiyaasayaa inuu waqtigaan baaqi kusii ahaan doono Isbitaalka. Waxaan rajeynayaa ineysan noqon mid qaas ah oo qatarteeda leh, balse waan arki doonaa, ma garan karo hadii uu soo jeedo. dhaqtarka wuxuu ii sheegay iney isbtaalka jogaan waana sugi doonaa warkiisa”

Let’s block ads! (Why?)

Sidee loo kala horreeyaa gool dhalinta horyaalka Serie A???

(Italy) 23 Jan 2017. Inter Milan ayay neefta ku soo noqotay kaddib guulo ay gaareysay kulamadii ugu dambeeyay, halka ay Juventus shalay dar-dartay kooxda Lazio.
Haddaba yaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Serie A kaddib goolkii uu shalay Higuain u dhaliyay kooxdiisa Juventus.
Mauro Icardi (Inter Milan) 15-gool iyo 7-caawin.
Andrea Belotti (Torino) 14-gool iyo 3-caawin.
Edin Dzeko (Roma) 14-gool iyo 2-caawin.
Gonzalo Higuaín (Juventus) 14-gool, wax caawin ah ma sameyn.
Gool FM.

Muxuu Tababare Luis Enrique Ka Yiri Dhaawacii Halista Ahaa Ee Xalay Soo Gaaray Sergio Busquets?

Tababaraha Barcelona Luis Enrique ayaa niyadda u dajiyay Jamaahiirta Barcelona ee ka walwalsan dhaawaca kubad burburiyahooda reer Spain Sergio Busquets kaas oo laga qaaday garoonka kulankii ay kooxdiisa 4-0 ku garaacday Eibar ciyaar ka tirsaneed horyaalka La Liga.

Busquets ayaa la badalay daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta kadib markii uu dhaawac xun kasoo gaaray canqawga waxaana qaladkaas u geystay Gonzalo Escalante oo ka tirsan Eibar.

Goolal ay kala dhaliyeen wiilkii badalka kusoo galay Denis Suarez, Lionel Messi, Luis Suarez Iyo Neymar Junior ayaa guul weyn siiyay kooxda ka dhisan Catalonia.

Si kastaba tababare Luis Enrique ayaa ka hadlay xaaladda Sergio Busquets iyo iney tabi doonana xiddiga reer Spain kulamada soo aadan.

 

“Dhaawaca Busquets qatar uma ahan sidii aan ku fakareynay, waxaana soo saari doonaa natiijo aad u fiican” Ayuu yiri Luis Enrique kadib ciyaarta.

“Sergi Roberto, [Ivan Rakitic] iyo [Javier Mascherano] ayaa ciyaari kara booska [Busquets]. wax cabasho ah ma muujin doono madama aan heysto ciyaartoydaas”

“Waan jeclahay sida uu Ivan Rakitic ugu adag yahay booskaas. waa mid si gaar ah u wanaagsan, sidoo kalana waan jeclahay Arda Turan. Dhamaan waxey ka qeyb qaadan karaan waxyaabo faa’ido u ah kooxda”

 

Let’s block ads! (Why?)

Gerrard oo ugu baaqay Liverpool in ay la soo wareegto Virgil van Dijk

(Liverpool) 23 Jan 2017. Steven Gerrard waxa uu ugu baaqay Liverpool in ay la soo saxiixato Virgil van Dijk oo si weyn loola xiriirnayo.
Laacibka reer Holland waxa sare u kacay sumcadiisa tan iyo kolkii uu ku soo biiray Southampton 2015.
Waxaa hada ku raad jooga oo qiimenaya dhinacyo dhawr ah.
Liverpool waa ka mid kuwa qiimeenaya 25 jirka, walow uusan Jurgen Klopp wali si buuxda u soo hadal qaadin xilli mushaakil daafac ka jiro Anfield.
Gerrard oo bisha Febraayo noqon doonaa tababbaraha kuliyadda Liverpool []

Diego Costa oo 100 kulan buuxsaday, Cesc Fabregas oo barbareeyey Rooney iyo RIKOODHADII kale ee laga diiwaan geliyey guushii ay xalay Chelsea ka gaartay Hull City

(London) 23 Jan 2017 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa hoggaanka horyaalka Premier League sii dheereysatay kaddib markii ay guul ka gaartay Hull City.
Goolka hore ee Chelsea ayaa yimid dhammaadkii qeybta hore ee ciyaarta waxaana kubbad uu garab kala soo xarooday Victor Moses daqiiqadihii lagu daray qeybtii hore ee dheesha ayaa waxaa si wacan u dhammaystiray Diego Costa, Blues oo 1-0 ku hoggaaminaysa ciyaarta ayaana la kala nastay.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa la []

Messi iyo Suarez oo garbaha isku haya gool dhalinta La Liga….(Kaalintuu ku jiraa Cristiano Ronaldo??)

(Spain) 23 Jan 2017. Weeraryahannada MSN ee Messi, Suarez iyo Neymar ayaa xalay shabaqa wada tagay ciyaartii ay 4-ta gool uga adkaadeen naadiga Eibar.
Cristiano Ronaldo ayaan wax gool ah u dhalin kooxdiisa Real Madrid kulamadii ugu dambeeyay.
Haddaba sidee loo kala horreeyaa gool dhalinta La Liga:
Luis Suarez (Barcelona) 15-gool iyo 5-caawin.
Lionel Messi (Barcelona) 15-gool iyo 3-caawin.
Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 12-gool iyo 2-caawin.
Iago Aspas (Celta Vigo) 11-gool iyo 3-caawin.
Willian José (Real Sociedad) 9-gool iyo 2-caawin.
Antoine Griezmann (Atl Madrid) 8-gool iyo 4-caawin.
Gool FM.

Steven Gerrard Oo Tilmaamay Halka Ciyaariyahan Ee Ka Dhiman Liverpool Si Ay Guulaha U Joogteyso

Steven Gerrard ayaa dareensan in Liverpool ay tahay iney u dhaqaaqdo soo xerogalinta daafaca Southampton iyo qaranka Holland Virgil van Dijk xilli kooxda ka dhisan Anfield Road si ba’an loola xiriirinayo ayuuna kusoo aaday hadalka kabtankii h–e kooxda.

Daafacii h–e Celtic ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka Ingiriiska waana xiddiga ugu muhiimsan kooxda ka dhisan St Merry wuxuuna xagaagii 2015 kusoo biiray kooxda Saint.

Awoodiisa ciyaareed ayaa sababtay in lala xiriiriyo kooxo badan oo horyaalka Ingiriiska ka dhisan, balse Liverpool waa koox si weyn loola xiriirinayo.

Reds waxey todobaadkaan guuldaro 2-3 ah kala kulantay Swansea City, qof walba ayaana dareensan in daciifnimo ka jirto daafacooda, Steven Gerrard oo door tababar looga dhiibay akadeemiga kooxda oo la hadlayay BT ayaa yiri:

“Waa kee kan aan ku fakarayo inaan u baahanahay, waxaan u dhaqaaqi lahaa iskuna dayi lahaa inaan dalab ka gudbiyo Van Dijk oo ka tirsan Southampton”

Si kastaba Gerrard ayaa dareensan in kooxiisa ay durba ka dharagtay ciyaartoyda Southampton isla markaana aysan markaan aqbali karin dalab laga keeno xidigaas.

Dhanka kale Southampton waxaa ka tagay bishaan January daafacooda reer Portugal Jose Fonte kaas oo ku biiray West Ham United.

Let’s block ads! (Why?)

Ibrahimovic: Waan ku faanayaa in aan isla gegi kula jiray Rooney kolkii uu dhigay taariikhda

(Manchester) 23 Jan 2017. Zlatan Ibrahimovic waxa uu dareemayaa in Weyne Rooney aan in ku filan looga bahadcelin kubadda cagta ee Ingiriiska, marka laga yimaado in uu yahay dhaliyaha ugu sarreeya koox iyo dalba.
Weeraryahanka Manchester United waxa uu dhaafay Sir Bobby Charlton dhinaca goolasha Old Trafford kulankii ay United Stoke 1-1 la gashay.
Hada waxa uu Red Devils u dhaliyey 250 gool halka uu jabiyey rikoorkii gool dhalinta ee England bishii September 2015 –  hada Rooney waxa uu dalkiisa u dhaliyey 53 []

Page 1 of 338123Next ›Last »