Dagaal u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed oo ka dhacay Magaalada Caabud-waaq

Wararka aynu ka heleyno magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu dib uga qarxay dagaal beeled u dhaxeeya labo maleeshiyo.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaray maleeshiyo kasoo jeeda labo beel oo aano qabiil ay u dhaxeysay horayna xurguf ay usoo dhexmartay.

Inta la xaqiijiyay dagaalka waxaa ku geeriyoday 5 Ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah halka tiro intaa badan ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaan ayaa waxa uu kusoo beegmaya iyadoo maalmo ka hor magaaalada Caabud-waaq ay heshiis ku kala saxiixdeen Odayaasha labada beel ee horay ugu dagaalamay Caabud-waaq lamana oga Cida Heshiiska jabisay.

Xaaladda Magaalada Caabud-waaq ayaa cawada kacsan waxaana jirta Cabsi xoogan oo dadka Rayidka soo foodsaartay maadama labada maleeshiyo beeled ay dhici karto in ay beegsadan dadka Beri mageedada ah ee Labada beelood ku abtirsada.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *