Madaxweyne Cosoble oo lagu dhegan yahay (Maxaa Cusub?)………

Xili Madaxaweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Casoble  uu Safar shaqo ku joogo Magaalada Baladweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan islamarkaana uu wado qorsho uu hanaanka maamulkiisa kaga dhaadhicinayo Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo Madaxweyne Cosble.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cadoow oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in socdaalada uu Madaxweynaha Maamulkaasi ku bixinayo Gobolka Hiiraan ay tahay mid aanu shaqadiisa ahayn balse taas bedelkeed looga fadhiyay in uu soo Magacaabo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Xildhibaanaka ayaa intaa ku daray in aysan suura gal ahayn in ay isha ka fiirsadaan Hanaan  Kaligii Talisnimo u muuqda islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay ogolyihiin kaliya Heshiis iyo Nidaam.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa looga fadhiyaa in uu dhawaan soo Magacaabo Golahiisa Wasiirada iyadoo si weyn looga sugayo Magacaabista.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *