XOG: Shariif Xasan iyo CC oo dhabarka isku jeediyey Kadib Guushii Jawaari & Qorshe Cusub

Wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay kala jeensadeen Siyaasiin dhawaanahan aad iskugu dhawaa gaar ahaana Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo u sharaxan Madaxweynaha dawladda Soomaaliya iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, rajadiisuna maanta soo dhamaatay.

Siyaasiinta ayaa kala tagey markii maanta laga guuleystay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo si adag ay u dagaalameen CCC Sharmaake, ka dib markii ay xildhibaanada beesha Daarood si rasmi ah u diideen guddoonka baarlamaanka in ay ugu codeeyaan.

Shir xasaasi ah oo ay xalay labada siyaasi yeesheen ayay isku afgaran waayeen arrimahan, waxaana Sharmaake uu sheegay in aysan marnaba talaabadaas noqon doonin mid aan la mahdin doonin, loona baahan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka laabto.

Guuldaradda maanta ku dhacday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ahayd mid hore loo saadalinayey, laakiin guuldaraddan waxaa codkooda ku keenay Mudanayaasha beesha Daarood oo aan dhamaantood u codeyn Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Siyaasiintan kala Irdhoobay ayaa guuldarraddoda ka sokow, waxay kaloo lahaayeen balamo siyaasaded kuwaas oo aan la aqoon sida ay hadda u hirgalayaan, maadaama mid kamid ah uu la kulmay jabkii ugu horeyey.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *