WAR DEG DEG AH: Dagaal culus oo caawa ka socda Galmudug

Wararka caawa inaga soo gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaal culus uu ka dhacay Halkaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Labo maleeshiyo Beeleed kuwaas oo ku dagaalamay Magaaladaasi,Waxaana Dagaalka ku dhintay Seddax ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah iyadoo ay ku dhaawac meen Toban ruux oo kale oo dad shacab ah ay ku jiraan.

Magaalada Ayaa waxaa ka jira Xiisad dagaal waxaana saacad kastaa la filan karaa in uu dagaalka dib u sii xoogeysto dhawaqa rasaasta ayaana daafaha magaalada ka dhaceysa, Dadka ayaa ku nagaaday Guryahooda.

WIXII SOO KORDHA LA SOCO INSHA ALLAH

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *