Gudomiyaha Barlamanka Galmudug oo Sir Culus Banaanka soo dhigay +COD

Share

Xili inta badan ay si Caro leh uga soo hor jeesteen warsaxaafadeedka Madaxweynaha Galmudug Xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaasi ayaa Madaxda Galmudug ka hor yimaaden Go’aanadii ka soo Baxay Kulankii Xildhibaanadu ku yeesheen meel ka Baxsan Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado,

Gudoomiyaha Baarlamanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa wareysigan waxa uu kaga hadlay dhamaan waxyaabaha uu Salka ku Hayo Muranka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Galmudug iyo Xildhibaanada Baarlamaanka,

Gudoomiye  Casir ayaa sheegay inaysan Gudoomin karin Shirka Golaha ku xigeenadiisa isaga oo jooga Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay inaysan sharci ahayn dhaman Go’aanadii ka soo Baxay kulankii Ixldhibaanadu yeesheen markii loo diiday Madaxtiiyada Cadaado,

Kulankasi ayaa Xildhibaanadu ku dhaariyeen Xildhibaan Cusub oo ka mid Noqonaya Golaha baarlamaanka kaasi oo horay loo qorsheynayay inuu ku soo Biiro Xildhibaanada Galmudug,

Waxa uu Digniin Adag u jeediyay dhamaan Xildhibaanadii ka dambeeyay inay Baarlamaanku yeeshaan Shir uusan Gudoomiyaha Raali ka ahayn isaga oo sheegay inuusan Madaxweyne ku xigeenka la Ogeyn inuu Madaxtooyada ka hor istaago Xildhibaanada.

 

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *