XOG CULUS: Yaa Ku Guuleysan Doona Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka?

Doorashada Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa noqon doona mid loolan adag ka dhaco iyadoo ay u sharxan yihiin lix musharax oo ugu yaraan saddex ka mida aanay dab yar shideynin, sidaasoo ay tahayna saadaasha hore ayaa muujineysa in qaarkood ay cad-cad yihiin, halka qaarka kale ay boos buuxis noqon doonaan.

MUSHARIXIINTA TARTAMEYSA TAARIIKHDOODA IYO RAJADOODA HOOS KA AKHRISO

FAARAX SHEEKH C/QAADIR

Faarax Sheekh Cabdiqaadir wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyn sanadkii 1966-dii, aqoon ahaan wuxuu heysaa laba shahaado oo Master-ka oo kala ah Maamul iyo maareynta ee machadka (ESAMI)-Arusha iyo mid kale uu ka qaatey Jaamacadda Islamabad ee dalka Pakistan isagoo bartey Sharciga iyo Qaanuunka, wuxuu kas oo shaqeeyay hay’ado samafal sida Africa Muslim Agency xafiiskeeda Soomaaliya oo uu madax ka ahaa 1992-2007, Wuxuu siyaasadda ku soo biiray 2012 isagoo noqday Xildhibaan, kadibna wuxuu qabtay jagooyinka Wasiiru dowlada Madaxtooyada 2013 iyo wasiirka Garsoorka.

Khudbadii musharaxnimada ee uu Baarlamaanka ka horjeeday ayaa ahayd tii ugu saameynta badneyd oo si weyn loogu faafiyay baraha Bulshada waxaana saadaashu tahay inuu safka hore ku jiro, kuna guuleysan karo xilkan.

KHADIIJA MAXAMED DIIRIYE

Khadiijo Diiriye waxay ku dhalatay Muqdisho 1964-tii, waa hooyo leh 5 caruur ah, Jaamacadda Hope ayey 2014-kii ka qaadatey shahaadada koowaad ee Public Adminstration. Khadiijo waxat Xildhibaan noqotay dowladdii Carte 2000 iyadoo ilaa iminka kursiga ku fadhida, waxay soo qabatay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeen, iyo wasiir.

Waa markii ugu horeysay ee haweeney xilkan isu taagto, waxaana ku hor gudban caqabado diini ah iyo kuwo bulshadeed, inkastoo ay shacbiyad aan yareyn ku leedahay Baarlamaanka, haddana waxaa laga cabsi qabaa inaysan xilkan ku soo bixin.

JEYLAANI NUUR IIKAR

Jeylaani Nuur Ikar Sh. Suufi wuxu Muqdisho ku dhashay 1955-tii, wuxuu 1978-dii ka baxay Jaamacadda umadda isagoo bartay dhaqaalaha. 1980-kii wuxuu maamul iyo maareynta ka Akaadimiyad Talyaaniga ku taallo. Shaqooyinka uu soo  qabtay waxaa ugu muhiimsan xogheyaha guud ee ururkii SANU, Xubin Baarlamaanka wixii ka dambeeyay 2008-dii, waxaana guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka loo doortay 2012-kii.

Jeylaani Nuur Iikar wuxuu dhibaato kala kulmay inuu dib ugu soo laabto Baarlamaanka cusub, waxaana la saadaalinayaa inuusan codad badan ka heli doonin, kuna soo bixi doonin jagada uu doonayo inuu mar labaad ku guuleysto.

CABDIWELI SHEEKH IBRAAHIM MUUDEY

Cabdiweli IbraahimMuudey wuxuu ku dhashay degmada Qoryooley/Sh-hoose 1964-tii, Wuxuu ka qalin jabiyay Machadka SIDAM 1988-dii. xilalka uu soo qabtay waxaa ugu muhiimsan isagoo 2004 ka mid noqday Xildhibaannada dowladdii KMG aheyd. Sanadkii 2012-2010 waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka. Xildhibaan ayuu noqday 2012, wuxuuna soo noqday Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey oo gacan saar la leh Shariif Xasan wuxuu ka mid yahay musharixiinta ugu cadcad xilkan, waxaase caqabad weyn ku ah taariikhdiisii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa oo ka reebtay in mar kale la doorto sanadkii 2012, waxaana la saadaalinayaa inuu wareegyada dambe haddii la isla gaaro soo geli karo.

KHAALID MACOW C/QAADIR

Khaalid Macow waxaa magaalada Muqdisho ku dhashay sanadkii 1950-kii, Aqoontiisa wuxuu ka qalin jebiyay Jaamacadda Urbino iyo Akaadimeiyadda fanka ee Ravenna iyo taqasusaadkiisa Saxaafadda uu ka bartey Urbino Italy. Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa uu macalim ka ahaa Jaamacadda Umadda, Jaamacadda Sanca iyo Jaamacadda Bologna, waxaa kaloo uu noqdey agaasimaha waaxda warfaafinta ee xisbigii XHKS. Golihii shacbka 1985-1990, waxaa uu tifaftire ka noqdey Ogaal iyo Kasmo.

Khaalid waa Aqoonyahan qunyar socod ah oo la saadaalinayi inuusan meel fiican ka geli doonin doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

SACIID XUSEEN CIID

Saciid Xuseen Ciid, waxaa uu dhashay sanadkii 1973. Wuxuu Master ka diyaariyay American International Open University ee Qaahira, India ayuu labo Master ka diyaariyay, shaqada waxaa ugu muhiimsanaa 2016 waxaa uu 2014-ahaa  wasiirka xanaanada xoolaha, waxaa kaloo uu muddo ka shaqeeyey rugaha ganacsiga dalka sida Puntland.

Siciid Xuseen Ciid waxa uu ka soo jeedaa beelaha shanaad ee dega Puntland, waana markii ugu horeysay ee shaqsi la mida isu sharxo xilkan, waxaana la filayaa in codadka uu helo aysan ku filnaan doonin guul uu ka gaaro doorashada.

 

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *