Dhacdo Argagax leh oo Sababtay Dhimasho oo ka dhacday Ceelasha Biyaha

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelasha Biyaha ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  halkaasi uu ka dhacday arin araggax leh ayna aad uga naxeen dad badan.

Sida aan Wararka ku heleyno Deegaanka lagu magacaabo Arbacow oo katirsan Ceelasha Biyaha ayaa muran ka dhashay dhul la isku heesto waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo Nin oo la sheegay in uu u dhaxeeyay muran ka dhashay dhul ay isku heestaan ayaa isla dhacay toorey, waxaana halkaasi ku dhintay labada nin oo meel xun isaga dhuftay toorey sida goob joogayaal ku warameen.

Dhacdadaasi kadib ayaa la sheegay in labo wiil ay dhaleen labada nin ee is dilay in iyana ay mar kale gacmaha iskula tageen iskuna dhufteen toorey, waxaana labadaasi wiil la sheegay in uu soo gaaray dhaawacyo culus oo ka dhashay tooreyda ay isku dhufteen.

Ciidamo katirsan dowlada oo ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa la sheegay in ay ku baxeen deegaanka Arbacow ee goordhaw uu dhacay dagaalka tooreyda la isku adeegsaday ay ka dhasheen khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

Dhulalka la isku heesto ayaa mararka qaar waxaa ka dhasha dagaal gacan ka hadal ah oo dhaliya khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhacdadan maanta ka dhacday Ceelasha biyaha ay noqotay mid dad badan ka naxeen aadna loo hadal hayo.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *