Nin hubeysan oo xaaskiisa ku Dilay Duleedka Magaalada Jowhar

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa qori uu Duleedka Magaaladaasi ku Dilay Xaaskiisa.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Degaanka Tugaareey Duleedka Degmada Jowhar, kadib markii Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Isaaq Xasan iyo Xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran, Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle.

Weli lama sheegin hadii Ninkan uu ka tirsan yahay Ciidamada Maamulka Hirshabelle.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Hirshabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *