Ciidamada Kenya oo lagu eedeeyay Dilka Dad Shacab ah oo ku sugan Gobolka Gedo

Maamulka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay dhibaatooyin ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya in 4 Ruux oo dhalinyaro ahaa ay ku Dileen Gobolka Gedo.

Guddoomiye Sahal ayaa carabka ku adkeeyay in Ciidamada Kenya ay beegsanayaan Shacabka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Ciidamada Kenya aysan waxba ka qaban howlihii ay u yimaadeen gudaha Soomaaliya balse ay dhibaatooyin xoogan ku hayaan Shacabka.

Sikastaba, Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa geysashada tacadi ka dhan ah Shacabka, tan iyo waxii ka dambeeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Ciidamada Kenya ay ku la haayeen Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *