Farshaxan Laga Sameeyay Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Oo Isdhunkanaya Oo Lagu Soo Bandhigaya Barcelona Ka Hor Kulanka El Clasico

Wadada ugu qaalisan Barcelona iyo Spain ee Paseo de Gràcia ayaa waxaa lagu soo bandhigay farshaxan la yaab leh oo laga sameeyay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo isdhunkanaya kaliya labo maalmood ka hor inta aysan Real Madrid iyo Barcelona aysan ku kulmin kulan go’aamin kara horyaalka oo ka dhacaya Santiago Bernabeu.

Sawir gacmeedka waxaa sameeyay farshaxaniistaha Tvboy kaasoo lagu yaqaano inuu sameeyo farshaxan muran badan dhaliya. Waxaana uu sameeyay sawir foolxun oo labada xiddig ee La Liga ay isdhunkanayaan isagoo ciwaan uga dhigayay shaqadiisa ‘Jaceylka waa indho la’ yahay’.

Tvboy ayaa farshaxankaan ku sawiray wadada ugu caansan Barcelona xilli danbe habeenkii Arbacada.

Sawir gacmeedkaan waxa uu aad ugu dhow yahay mid uu sameeyay farshaxaniistaha Antonio De Felipe kaasoo ay sidoo kale labada xiddig isdhunkanayaan oo lagu soo bandhigay Madrid sannadii 2015.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let's block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *