Hirshabelle oo la wareegtay Qaadkii la keeni jiray Muqdisho & DF oo Tilaabo qaadeysa..

Maamulka Hirshabeelle ayaa la wareegay maalintii labaad Qaadkii kasoo degi jiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ganacsatada Qaadka intooda badan ayaa qaatay go’aan ay diyaaraha Qaadka uu wareejiyeen garoonka magaalada Jowhar oo shalay iyo maanta uu kasoo degay Qaadkii imaan jiray Muqdisho.

Gaadiid badan oo ka baxay Muqdisho ayaa Qaadka kasoo qaada magaalada Jowhar, waxayna wararku sheegayaan in canshuur jaban uu maamulka Hirshabeelle ka qaado ganacsatada Qaadka.

Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale fiican ka heli jirtay Qaadka yimaada Muqdisho ayaa hadda ka fekereysa tallaabadii ay ka qaadi lahayd ganacstada Qaadka oo diidan canshuur dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *