Ninkii Dilay Askariga AMISOM oo la sheegay inuu Shabaab u galay

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in NInkii Maalmo ka hor Magaalada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan ku Ku Toogtay Askarigii ka tirsanaa Ciidamada AMISOM Faraca Jabuuti uu gaaray Magaalada Halgan oo ay Shabaab Maamulaan.

Arrintaan ayaa Su’aalo kala keentay,iyadoo Magaalada Buula-barde ay ka jirto Xiisad ka dhalatay Arrintaas.

Shalay Magaalada Buula-barde waxaa gaaray Wafdi ka socda Hirshebelle oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble iyo Saraakiil ka socda Ciidamada AMISOM iyo Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana ay u tageen in ay qaboojiyaan Xiisadda Taagan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabellee ayaa Warbaahinta u sheegay in Ninka Dilay Askariga AMISOM uu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Ee ku sugan Buula-barde,balse weli waxaa socda Baaritaan la Xariira Dilka Askariga AMISOM.

Let's block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *