Dhagayso: Madaxweynaha H/Shabeelle oo Labo Qodob dul dhigay Dadka Buulo-burde

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka degmada Buuloburte u bandhigay inay kala doortaan laba arrimood.

Madaxweyanaha Hirshabeelle ayaa u sheegay reer Buuloburte inay kala doortaan  la shaqeynt ciidamada AMISOM ee Hiilwalaal iyo inay Alshabaab loo dhaafo oo uu ku tilmaamay inuu yahay Waraabe dadoow oo la wareega degmadooda.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA

Wuxuu u sheegay inuu sii joogi doono magaalada Buuloburte si xal looga gaaro xiisad ka dhalatay dil loo geystay askari ka tirsan ciidanka Jabuuti, wuxuuse si cad ugu sheegay inaan magaalada la joogi doonin haddii ay ka baxaan ciidamada AMISOM.

The post Dhagayso: Madaxweynaha H/Shabeelle oo Labo Qodob dul dhigay Dadka Buulo-burde appeared first on Baahin -News, Sports, Views, Entertainment, War On Terror, Health and Social Affairs.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *