Dhageyso: Xukuumada Somalia oo ku dhawaaqday qorshe lagu sugayo Amaanka Muqdisho..

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta marti ku ahaa Barnaamij si toos uga baxayay TV-ga Dowladda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay Dowladda Federaalka in mudo kooban ay ku diyaarisay Qorshaha Amniga Qaranka, Qorshaha Amniga Caasimadda, taasi oo loogu tala galay in lagu xasiliyo Amniga.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay soo sheegaan Qofka sameynaya waxyaabaha lidiga ku ah Amniga, si loo gaaro nabad iyo Amni loo dhan yahay.

Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay Amniga in keliya aysan sugi karin Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda, lana ogaado in Qof walba Amniga uu masuuliyad ka saaran yahay.

Magaalada Muqdisho mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaasi oo loo geysto Askarta iyo Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana Hay’adaha ammaanka ay wadaan dadaalo looga hortagayo falalka Amni daro ee ka dhaca Muqdisho.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *