DEG-DEG: Isku Aadka Wareega Semi Finalka UEFA Europa League Oo La Sameeyay.

Isku aadka wareega semi finalka UEFA Europa League ayaa la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo adag oo la wada sugi doono, waxaana finalka tartankaan lagu qaban doonaa wadanka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm.

Manchester United ayaa ku aaday kooxda Spain ee wacdaraha ka dhigeysa tartanka Celta de Vigo taasoo heysata weeraryahanka xirfadda badan ee Iago Aspas kaas oo ku fashilmay horyaalka Premier League markii ay soo qaadatay kooxda Liverpool, balse dib ugu laabashadiisii Spain ay u noqotay mid kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Ajax Amsterdam iyo Olympique Lyon ayaa isku beegmay kuwas oo ah laba kooxood oo ka kala socda France iyo Netherlands

Dhanka kale UEFA waxey shaacisay in kulanka Semi Final 1 ee ay isaa hor imaanayaan Ajax iyo Lyon uu yahay midka kooxdii soo baxda ay noqon doonto kooxda martida loo yahay finalka ka dhici doona Sweden.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Ajax FC vs Olympique Lyon 

Celta de Vigo vs Manchster United

Kulamada lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 4-ta May, halka lugta labaad la ciyaari doono 11-ka May, finalkana dabcan waxaa la ciyaari doonaa 24-ka May.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let's block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *