Aabbaha dhalay Bill Gates oo ku geeriyooday da’da 94

WASHINGTON (HALBEEG) – Aabbaha dhalay aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates oo lagu magacaabo William H. Gates II, oo ahaa Garyaqaan iyo samafale kuna magac dheeraa BillGates aabbihii ayaa ku geeriyooday da’da 94 sano.

William H. Gates II ayaa Isniintii si nabad ah ugu geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla xeebta gobolka Washington ee dalka Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa.

Wuxuu muddo la dhibaatoonayey cudurka Alzheimer oo ah cudur saameeya maskaxda iyo xusuusta qofka .
Marka la eego aasaaska qoyskiisa waxaa ka muuqatay cadaalad u sameyn dhanka dhaqaalaha ah taas oo mar walba qoyskiisu ku amaani jireen.

Sidoo kale qoyskiisu waxa ay xuseen in uu lahaa fikirka lagu aas-aasay Hay’adda Bill & Melinda Gates si wax looga qabto caafimaadka adduunka.

“Aabbahey xikmaddiisa, deeqsinimadiisa iyo naxariistiisa waxa ay saameyn weyn ku dhex laheyd adduunka oo dhan” ayuu qoraal ku yiri Bill Gtaes.

Wuxuu dhashay 1925, Gates Sr. wuxuu ku koray magaalada Bremerton, ee gobolka Washington, halkaas oo waalidkiis ay ku lahaayeen dukaan lagu iibiyo alaabta guryaha (Furniture).

Wuxuu ku biiray Ciidanka ka dib sanadkiisii koowaad ee Jaamacadda Washington, ciidankaas oo ku sii jeeday Japan 1945.

Wuxuu sanad ka soo shaqeeyay Tokyo oo dagaalo ay ka socdeen ka hor inta uusan ku laaban Mareykanka oo uu dib u bilaabay waxbarashadiisa, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Ka dib markii uu qaatay shahaadada sharciga ee 1950, wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo shaqooyinka gaarka loo leeyahay gelinna waxa uu ku shaqeysanayey Qareenimo magaalada Bremerton.


Post Views:
21

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR