Af Aanad Lahayn Lama Qabto by Cabdi-shootali

Af Aanad Lahayn Lama Qabto ( Dr Daacad Alle Yaqqan)!

Wakhtiyaddii raggii hore ay noolaayeen IHN), ee afkan aynu ku hadlayno inoo sameeyeen, waxa jiri-jirey dad laga ilaaliyo gebi ahaanba, in ay gole la isugu yimi, macfal, xataa haddii dacwad doonaayo in uu ka hadlo, oo uu gar u sheeganaayo ruux kale, waxa dhici jirtay dadka qaar in laga ilaaliyo hadalka, oo qof aan isaga ahayn, la odhan jirey u hadal, imika buu is dhex-qaadayaa markuu bilaabo waxa uu is leeyahay dhehe, waayo ma yaqaan qaabka shir looga khudba-deeyo looga, ama dad wax looga sheego ee wuu isku dhex gubtaa, halkii uu wax ka sheegan lahaa bay hadaladu ka dhac-dhacaan, waxana ka soo baxa af-lagaadooyin fara badan, dabeed waa kuwa ku maahmaahay ” Ruuxii agnaan ahi hadalka wuu gagabiyaaye” wax aan loofadhiyin baa ka soo boodda, markaas baa intii la socotayba naxdin awgeed dhabanadda qabsadaan, oo raggii is lahaa gar baad leedihiin ay ku ceeboobaan meeshii.

Nin baa beri, inta uu la yaabay nin ay wadda socdeen, ereyadda ka soo yeedhay, oo uu shoog qaaday yidhi ” Illaahaw wax walba ha naga keenin” waxan uga socdaa, Iyaba waa yaabe, Musharaxa Xusbiga Kulmiye, baa isaga oo ka hadlaaya gole weyne ay ku kulmeen taageera-yaashiisu, is yidhi wax u sheeg, ku lahaa doorashadan wax ku tartamaaya “Gobtii” ummaddii meesha fadhiday dhamaantood mar qudh ah bay afka kala qaadeen, dhegahana faraha geliyeen, oo yidhaaheen maxaa meesha idin keenay, intay bisinka iyo saliga qabsadeen ay albaabka boobeen. Muwaadin su’aalaha ay dadkii is waydiiyeen, ee la rabo in uu jawaab ka bixiyo Musharaxa Kulmiye, waxa ay yihiin kuwan hoos ku yaala:-

(1) Gobta tartamaysaa ma 3dan Magaado baa ( Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Iyo Muuse), haddii uu ujeed-kiisu sidaa yahay ( Magaado), ma inta kale ee reer Somaliland baa gun ah?, oo magaado oo qudha baa gob ah.
(2) Mise wuxu ujeedda, Gobta tartamaysaa ee uu sheegayaa waa Isaaq oo qudha? markaana maxay yihiin Samaroon, Dhulbahante, Warsan-geli, Ciise, Gabooye? waxa uu ku sheegaayo baa laga rabaa, ilayn sidda uu hadalka u dhigay, qaar gun ah baa jira’e.
(3 ) Miyaanay gob ahayn, markii ay tartamayeen Madax-weynihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin, Faysal, iyo Siilaanyo. berigaaba waakii ololaha kaambaynka ku jiraye, muxuu u odhan waayey ” Gobtii baa tartamaysa.
(4) Ma Habar jeclo buu u jeedaa, oo uu leeyahay tartanka kuma jiraan, oo iyaka buu ku qotomaa hadlkiisu?
(5) Waxa layidhi, halka aad qof ka qaada-taba qof kale baad kaga tagtaaye, malaha cid ku beer-laxawso buu is lahaaye, wayse kaa murkucatay arintu, kaana bariiqday hadal-kuye, cadeeyoo yaan Gob ahayn ee aan tartanka ku jirin?.
(6) Oodweyne wuxuu ka yidhi ” Msshu waa Oodweyne oo gobtii baynu u nimi” Waa kuwee kuwa aan gobta ahayn ee uu soo maray?
(7) Balidhiig wuxu ka yidhi ” Waxa aynu aakhirkii soo gaadhnay dadkii uurka xaadhnaa, ee qalbiga ka nadiifta ahaa” Yaa hadaba uurka boogo ku leh, oo qalbigoodu wisikh yahay?

Waxa caado noqotay, in musharaxa kulmiye, marka uu afka kala qaado-ba, ay dadka qaar dareeraan, oo uu u qaadan-waa ku dhaco, hore buu u tegay Berbera oo uu yidhi:-

(a) Reer Berberaw dadkii way idinka baqayaan, oo cidi iman mayso, waayo kabaha iyo mobileka baa ka baxaysaan.
( b) Boorame iyana wuxu ka yidhi jaamacadda Camuud, waad ku khasaban naydeen, in aan waxa aad gocanay-saan, ee dagaalkii halgankii SNM, aan sameeyo, waayo cadw baad ahaydeen, ee ay ardayddii mar keliya inta auy is eegeen, ka dareereen shirkii.
(c) Diiwaan-gelintii Burco, waxa aad ka tidhi, Togdheer reer baa iska leh, oo cidi kuma ahysato, waana reerka jeegaantii Siilaanyo ku soo baxay aanu ku nahay dan wadaagta.
(d) Gebiley, wuxu ka yidhi, cid aan aniga ahayn, oo soo geli kartaa ma jirto, aniga uun baa sidaan doono u dhex qaadi kara, Waar Saw Sidaas Maaha Reer Gebilayaw. hadlkaas awggii, waatii laysku hor taagay, Marwo Faadumo Saciid iyo Jamaal clai Xuseen, oo wakhtigaa ka tirsanaa Ucid, Kaantaroolka laga soo galo Magaaladda.
(e) Gobolka Sool, magaalo madaxdiisa waa laascaanoode, wuxu ka yidhi kaadh qaadashaddii:- Cidi idinka soo dooran mayso Maadx-weyne/ku/xigeen, waayo boqol-kiiba-boql ma foodaysaan ( 100%), taasi waa sababta keentay in awdal laga soo doorto Madax-weyne/ku/xigeen kasta, ka dibna waa kuwa dhabarka jeediyey, intii dhegaysa-naysayba.
(f) Waxa aad la wadda socotaan, xaajooyinkii hore, loogu haystay, ee ahaa ” Anigoo wax dili kara Duco qaadan-maayee, Debci qorigu hay faro”
(G) Hargaysa gudaheedda isaga oo khudbad ka akhriyaaya baa wuxu yidhi ” Laga soo bilaabo Sanaag ilaa bariga hargaysa , kuwii is dhici jirey, ee is dili jirey, iyaka baa maanta dad ugu liita ( Isaga oo ka hadlaaya abaartii faraha xun ku dhigtay gobol;adda bari ( Kuwuu ka hadlayaana waa Dhulbahante, Warsan-geli, Hbar Jeclo, Habar yoonis)

Nin-kani miyaanu lahayn la taliya-yaal hagga, oo khaladka ka qabta, mise iyaka baaba jar ka sii riday, oo sacabka uun bay u garaacayaan, oowaxay leeyihiin adiga uun baa sax ah, ilayn xilbay ka quud-daraynayaane. Waxan ugu dambayn kula talin lahaa dadka taageera Kulmiye, in ay mushara-xoodda ( Ina Biixi) cid shirarka uga hadasha u yeelaan, oo uu aamuso, waayo khasaare uu idiin keeno iyo af-xumo lagu kala guuro mooyee wax kale ka soo bixi maayaan, waa haddii ay idinka dhab tahay waxa aad u sheegaysaan. waxa la yidhi ” Illaahay-na la kala beyi og, hadal-kana la kala odhan oge, inta ku xeereey, ee durbaanka u garaacaysaay, ma garan waydeen u ii qora waxa uu la shir tegaayo inta aanu halkiisii marin?

Qore:- Cabdi-shootali
Manchester

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR