Afar sababood oo Barcelona ay kaga sarreyso Real Madrid xadka mushaar bixinta!

Maamulka La Liga ayaa soo saaray xadka ugu badan ee ay koox walba u bixin karto mushaar ahaa xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda Barcelona ay heysato baaxad ka weyn tan Real Madrid.

Barca ayaa heysata xad illaa 632.97 million oo lacagta Euro ah, halka kooxda ay xafiiltamaan ee Madrid loo ogolaaday 566.53 million oo Euro.

Sida caadiga ah, mar walba oo wax ugub ah ay kuso kordhaan horyaalka La Liga, waxaa si gaar ah loo taxliiliyaa saameynta ay ku yeellan doonto Los Blancos iyo Blaugrana.

Haddaba mareegta Marca ee kasoo baxda Spain ayaa qortay afar sababood oo ay Barcelona kaga baaxad weyntahay Real Madrid marka la eego xadka ugu badan ee ay mushaar ahaan u bixin karaan.

Sababta koowaad:

Dakhliga ay soo xareyso kooxda Barcelona ayaa ka madan kooxda Real Madrid, maadaama heshiis qaali ah ay ku jiraan shirkadda Nike ee sameysa qalabka Sports-ka, sidoo kalena shirkado badan ayay kula jirtaa heshiisyo xayeysiin ah.

Waxaana intaas usii dheer Barca inay lacago badan ka heshay dhowaanahan ciyaartoydii ay iibisay sida lacagaha laga helay heshiisyada amaahda ah ee Paulinho iyo Andre Gomes oo lagu daray iibka Gerard Deulofeu, Yerry Mina, Lucas Digne iyo Aleix Vidal.

Sababta labaad:

Qaybaha kale ee Sports-ka oo ay leeyihiin kooxaha ayaa ah mid kale oo xaddideyso xadka mushaar bixinta ee loo ogolyahay koox waliba.

Barcelona ayaa heysata koox ciyaarta Basket Ball, Futsal, hablaha kubadda cagta iyo kuwo kale.

Qaybahaas kale ayaa ku kordhinaya xadka loo ogolyahay Barca €15m.

Sababta saddexaad:

Lacagihii laga helay iibka Ronaldo ayaa ay Real Madrid u qoondeysay inay ka qayb dhigto mashruuca hormarinta garoonkeeda Santiago Bernabeu.

Sidaas darteed lacagihii ay Real Madrid ka heshay iibka Ronaldo kuma darsamaayo miisaaniyadda mushaaraadka.

Sababta afraad:

Akoonnada(Accounts) Real Madrid ayaa ay ahayd inay inay u ogolaadaan kooxda inay sare u qaaddo xadka mushaar bixinta miisaaniyadda ay ugu talo gashay xilli ciyaareedkan 2018-19.

Miisaaniyadda xilli ciyaareedka soo aaddan waa in lagu kordhiyaa €43.2m, taas ayaana wax ka beddeli karta xadka loo fasaxay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR