Afar saxiix oo uu sabab u noqon karo Cristiano Ronaldo!

Sheekooyinka Ronaldo iibkiisa la xiriira ayaa dhinacyo badan taabanaya sidaas darteed waxaan eegi doonnaa afar saxiix oo dhici karta kuwaas oo Ronaldo dartiis u dhici kara.

4- Difaaca Real Madrid ee Marcelo ayaa la filayaa in Ronaldo waddadiisa uu qaado maadaama uu yahay saaxiibka ugu dhow ee uu laacibka Portugal ku lahaa Bernabeu.

3- Weeraryahanka Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa ka dhaqaaqi kara kooxdiisa maadaama laacibkan uu shaki geli doono booskiisa, sidoo kalena Juventus ayaa ku qasbanaan karta iibinta laacibkan iyadoo eegeysa inay lacag usoo laabato.

2- Eden Hazard ayaa noqon kara laacib kale oo uu saxiixiisa sabab u noqdo Cristiano Ronaldo, waxaana Los Blancos ku raad joogtaa xiddiggan muddo sidaas darteed, waxaa suuro gal ah in hadda ay tallaabo u qaaddo gacan kusoo dhigistiisa.

1- Laacibka Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale laga yaabaa in naadiga reer Spain ay soo xero geliso, waxaana uu noqon doonaa saxiix kale oo Ronaldo awgii u dhacay, maadaama uu noqon karo bedelkiisa garoonka Bernabeu.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR