Afarta qaybood ee hiraalka dadka (WQ: Mubarak Maxamuud Saleebaan “Mubarak Hadi”)

Marka laga hadlayo hiraalka (Vision) iyo qaybihiisa, dadka waxay u qaybsamaan afar qaybood:

Qaybta koowaad: waa dad aan hiraal ba lahayn (meel ay hiigsanayaan). Waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin rabitaanno koobkooban oo aan baahiyahooda nolol-maalmeed ba dhaafsiisnayn, laakiin malaha hiraal u muuqda iyo kob cosob leh oo ay doonayaan in ay noloshooda ku hoggaamiyaan.

Qaybta labaad: waa dad hiraal leh, nasiib xumo se, masii daba galaan waxaa ay ku riyoonayaan. Waxaa laga yaabaa in ay sawirtaan, kuna riyoodaan heer ay doonayaan maalin uun in ay gaadhaan, laakiin ma aha kuwo sii daba gala oo ka midho dhaliya waxaa ay ku riyoonayaan.

Qaybta saddexaad: waa dad leh hiraal, misna la yimaadda dedaalkii ay ku gaadhi lahaayeen hiraalkaa, dabadeed na xaqiijiya oo ku noolaada noloshii ay ku  hamminayeen.

Qaybta afaraad: waa dad iyana hiraal leh, misna raacdeeya oo sii daba gala riyadooda. Kolka ay gaadhaan halkii ay ku riyoonayeen na, waxay dadka ugu yeedhaan, kuna gacan siiyaan sidii ay iyaguna u gaadhi lahaayeen. Qoladan afaraad, waa hoggaamiyeyaal. 😍

— Mubarak Hadi

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR