Agaasimaha Ciyaaraha Inter Milan Oo Ka Hadlay Haddii Uu Mauro Icardi Heshiis Cusub U saxiixayo Kooxdiisa Inter Milan.

Weeraryahankan heer caalami ee reee Argentine ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqayo kooxdiisa Inter Milan.

Icardi ayaa xiisa kahelaya kooxo hawr ah oo ay kamid yihiin  Manchester United iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay xidigaan kubxoojiyaan safkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Sky Sport Italia ayaa baahisay in agaasimaha ciyaaraha Inter Milan ninka lagu magacaabo Piero Ausilio uu heshis waqti dheer ah u saxiixi doono kooxda ku ciyaarta San Siro.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli kooxa badan oo reer yurub ah ay heegan ugu jiraan saxiixa Icardi kaas oo u muuqda mid aan kufaraxsanayn sii joogista talyaaniga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR