Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqogalinta oo ka waramay Qorshahooda shaqo abuurka qaranka

Wasaaradda shaqagelinta iyo arrimaha bulshada ayaa soo qabanqaabisay Kulankii Saddex Bilood laha ahaa ee Shaqo-abuurka Qaranka (National Employment Forum) oo ay badi ka soo qayb galaan hay’adaha ka shaqeeya shaqo abuurka, tabobarada farsamada gacanta, maal galinta hal abuurka ganacsiga, Ururada Shaqaalaha (Trade Union), Sharaaiga gaar ka loo leeyahay iyo hay’adaha dawladda ee arrimaha kobcinta shaqo abuurka iyo shaqaalaha ku hawlan.

Waxa kulanka lagu soo bandhigay warbixin ku aadan Saamaynta Xanuunka COVID-19 uu ku yeeshay shaqada iyo shaqaalaha iyo  Xog ururin laga sameeyay saamaynta Xanuunka COVID-19 ee dhaqan iyo dhaqaale ee bulshada Somaliland iyo saamaynta uu ku yeeshay xanuunku Ganacsiyada Dadban oo ah kuwa shaqo abuurka u badan abuura dalkeena.

Dhanka kale, Waxa kulanka lagu soo bandhigay Xoggaha mashaariicda Shaqo abuurka ee sannadkan dalka laga hir gelin doonno, kuwaasi oo ku aadan maal galinta hal abuurka ganacsiga dhalinyarada iyo tabobarada Farsamada gacanta.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan:

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR