Ahmiyada Maalinta Degaanka aduunka

  

5ta bisha Juun sanad walba waa Maalinta Degaanka Adduunka (World Environment Day) waa maalin si aad ah u mudan in wax laga taabto guud ahaan degaanka dunida ee sii xumaanaya iyo gaar ahaanna dhibaatooyinka degaaneed ee heysta dalkeenna. Bishii Juun sanadkii 1972 ayey aheyd markii ugu horeysay oo la qabto Shir caalami ah ay Qaramada Midoobay (QM) qabanqaabisay oo looga hadlo degaanka bani’aadanka. Shirkaas (United Nations Conference on Human Environment) oo lagu qabtay magaalada Stockholm, Sweden, kama aysan soo qeyb gelin dowlado badan oo dunida sadexaad ah ayaga oo u arkayey in kulankaasi uu quseeyo oo kaliya dalalka warshadaha leh oo ah kuwa ay iyagu heysto dhibaatooyinka wasaqeynta degaanka. Si kastaba waxa uu shirkaasi noqday kulankii ugu muhiimsanaa ee bilow u noqday doodda calaamiga ee dhinaca degaanka.

Isla sanadkaas 1972 waxaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo baxay go’aanno dhowr ah oo degaanka ku wajahan: sida go’aankii lagu aasaasay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabisan Barnaamijka Degaanka ‘United Nations Environment Programme (UNEP)‘ oo ay xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa kaloo la go’aamiyey in sanad walba bisha Juun 5-teeda loo aqoonsado Maalinta Degaanka Adduunka. Waa maalin caalami ah oo adduunka oo idil laga xuso, loogana hadlo qiimaha degaanka uu leeyahay iyo arrimaha la xiriira degaanka dunida. Waxaad arrimaha degaanka ee sanadkan 2013 ka aqrisan kartaa boggaWorld Environment Day 2009.

Si kasta ha ahaatee, 20 sano ka dib ayaa sanadkii 1992 dunida oo dhan la xaqiiqsaday in degaanku uu yahay arrin leh mudnaan aad u sareysa. Taasina waxay dhalisay in sanadkaasi 1992 bishii Juun lagu qabto magaalada Rio de Janiero ee dalka Brazil shirkii dunida ugu weynnaa oo lagu magacaabo Rio Conferernce ama Earth Summit, oo noqday kulanka ugu caansan kulannada dunida ka dhacay. Kulankaas oo looga hadlaayey Degaanka iyo Horumarka Dunida (UN Conference on Environment and Development), waxaa soo qabanqaabiyeen Qaramada Midoobay waxaana ka soo qeyb galay dhamaan madaxda dunida ugu sareysa (178 hogaamiye dal), hey’adaha caalamiga iyo ururada aan dowliga aheyn, i.w.m. Nasiib darro, Soomaaliya waxa ay noqotay dalka kaliya ee aan kulankaas ka qeyb gelin, ayada oo markaasi uu dalkeennu ka socday dagaalkii sokeeye ee lagu hoogay oo si weyn u waxyeeleeyey degaanka dabiiciga. Natiijadii ka soo baxday kulankaas waxa noqotay dokumentiga maanta ugu caansan dunida ee loo yaqaanno AGENDA 21, oo ah mid loogu talagalay in dunida lagu horumariyo qarnigan 21-naad laguna dhowro degaanka dabiiciga ah.

Intii ka dambeysay shirkaasi la qabtay 1992, waxaa maalin walba sii kordhaya ahmiyadda iyo qiimaha degaanka. Inkastoo ay dhinaca kalena sii kordhayaan waxyeelada loo gesyto degaanka. Si kastaba ha ahaatee degaanku waxa uu noqday qodob ka mid ah qodobada ugu muhiimsan uguna mudnaanta sarreeya ajendaha siyaasadda caalamka, dhaqaalaha dunida iyo nolosha dadka.

Dhibaatooyinka ba’an ee dunida maanta ee dhinaca degaanka waxaa ka mid ah: 

(1) abaaraha iyo fatahaadyada sii kordhaaya;
(2) xaalufinta dhirta iyo dabar-goynta ugaarka;
(3) wasaqeynta biyaha iyo dhulka;
(4) tirada qashinka oo sii kordhaaya;
(5) wasaqeynta iyo kuleylinta hawada i.w.m.

Qiiqa faraha badan ee ay warshadaha iyo baabuurta sii daayaan, oo ah arrinta ugu daran ee maanta heysata degaanka dunida oo idil, waxa uu si ba’an u wasaqeeyaa hawada dunida, kaas oo isbeddel ku sameeya cimilada dunida, gaar ahaan kuleylinta hawada. Waxyaabaha ka dhallan Kara waxaa ka mid ah isbeddel ku yimaada roobabka, ayada oo meelaha qaar ay roobabkoodu yaraadeen, qaarnna ay fatahaadyadu ku bateen. In haddaba la yareeyo qiiqa ay sii daayaan waddamada warshadaha leh waa arrin illaa iyo hadda lagu heshiin la’ yahay, ayada oo ay waddamada reer galbeedka ay isla fahmi la’ yihiin qaabkii lagu yareyn lahaa qiiqa fara badan ee sii kordhaaya ee ay dalalkaasi sii daayaan. Arrintaasi oo ah mid dhaqaalaha waddamadaasi si xoog ah ay u saameyneysa ayaa dhowr kulan oo illaa iyo hadda la qabtay ay ka soo bixi wayeen wax natiijo ah. Muranka arrintaasi ku saabsan waxaa uu si weyn u dhexyaalaa waddamada Midowga Yurub iyo dalka Mareykanka, oo isagu ah dalka ugu badan dhinaca sii deynta qiiqa hawada wasaqeeya.

Ficilada ay bani’aadanku ku sameeyaan dhulka korkiisa ayaa ah arrin si weyn u rogtay isbeddel weynna ku ridday degaanka dabiiciga ah ee dunida oo idil. Ficiladaasi waxay qatar weyn gelinayaan mustaqbalka dadyowga dunida oo idil. Tusaale ahaan, xanuunka iyo dhimashada ku timaada qeyb weyn oo ka mid ah dadyowga ku nool dalalka faqriga waa arrin si toos ah ula xiriirta qurminta iyo wasaqeynta degaankooda dabiiciga ah. Waxaa soo baxday in 80% cudurada ku dhaca dadka dunida oo dhan ay yihiin kuwa ka dhasha isticmaalka biyo aan nadiif aheyn oo wasaqeysan. Waxka-qabsahada arrimahaasi waxay haddaba qeyb libaax leh ka yihiin halganka loogu jiro himilooyinka dhinaca la dagaalanka faqriga iyo xasilooni-darrada bulshadeed.

Ayada oo ay guud ahaan kororka dadka iyo horumarka dhaqaalaha ay yihiin arrimo culeys weyn ku haya degaanka dabiiciga ah, ayaa haddana faqriga iyo dagaalada sokeeye ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee dhaliya in degaanku uu qurmo. Faqrigu waxa uu si baaxad leh u baabi’iyaa degaanka, dhinaca kale degaanka-sii-xumaadana waxa uu dhaliyaa xasilooni-darrada bulshada siina kordhiyaa faqriga dadka ayaga markii horeba ceyrta ahaa, oo weliba si weyn ay noloshoodu ugu xiran tahay waxyaabaha ay ka helaan degaanka rabbaaniga ah. Degaanka oo qurma waxa uu dhaliyaa in ay xasili weydo nolosha aadanaha qatarna ay gasho jiritaankiisa. Sidaasi daraadeed, waxyaabaha ugu walwalka badan ee ku soo fool leh nolosha dadka waxaa ka mid ah degaanka-sii-xumaanaaya, ayada oo nasiib darro la la’ yahay nidaam wanaagsan oo arrintaas wax looga qabto. Waxaa haddaba la garan karaa in dhowridda degaanku uu yahay qodob moraaleed, arrin diineed, iyo amaanno Alle oo nalaga doonaayo in aan gaarsiinno jiilalka dambe. Degaanku waa mid aniga iyo adiga na wada quseeya.
Sanadahan dambe waxaa dunida si weyn ugu sii badanaaya garashada ay dowladaha dunidu ay garowstaan qiimaha uu leeyahay degaanka dabiiciga ah, ayada oo meelo badan oo dunida ka mid ah uu degaanku noqday mid ka mid ah arrimaha ugu mudnaanta sarreeya agendaha siyaasadeed.

SOMALILAND: Dal Degaan Ahaan La dayacay
Tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taageega 1991 waxa bilaabmay dhibaatooyin Kan dhan ah deegaanka dawladihii is xigayna kumay guulaysan ilaalinta iyo samynta siyaasad cad oo lagu ilaalinayo dagaanka.

Dalka Soomaaliland waxa uu ugu horreeyaa waddamaha sida ba’an u baabi’iyey degaankooda, si weynna ugu xadgudbay qaanuunka iyo baaqyada caalami aha ee ku wajahan dhowridda & daryeelka deggaanka dabiiciga ah.

Hoos udhaca dhaqaale iyo kor ukaca isticmaalka dhuxusha ayaa keenay in gabi ahaanba labaabiiyo dhirtii qiimaha lahayd taas oo sabab unoqotay abaaro baan oo soo noqnoqda iyo hoos udhac ku yimaada biyihii iyo badkii taas oo iyad saamayn ku yeelatay xoolihii noolaa iyo hoos udhaca dhaqaalihii wadanka.
Dhibaatooyinka degaaneed ee dalkeenna oo ah kuwa sii kordhaaya waxaa ka mid ah:

  1. Xaalufka baanee lagu hayo dhirtii waxtarka lahayd
  2. Koradhka nabad guurka oo sababay hoos udhaca wax soo saarkii beeraha iyo xoolaha
  3. Fahan laanta ahmiyada deegaanku u leeyahay nolasheena
  4. Koradhka faqriga iyo shaqa laanta
  5. Aqoon yarida waxaha deegaanka ee dalkeena
  6. Biyo la’aanta dhinaca hawada oo ku noqotay dalkeenna arrin si weyn u taabata nolosha dadka iyo xoolaha iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka oo idil, ayada oo ay biyuhu weligoodba ahaayeen arrimaha dhaliya colaadda sokeeyey ee dhex Marta bulshooyinka meel wada deggan ee ka wada biyo caba ceelasha miyiga;
  7. Dhoofinta ugaadhii waxtarka lahayd
  8. Wasaqda musqulaha iyo qashin-qubyada ee sida aan habbooneyn loo daryeelo oo wasaqeeya ceelasha biyaha laga cabo, taas oo saameyn xun ku yeealata caafimaadka. Wasaqeyntan oo iminka noqotay mid sii kordheysa.
  9. Sharcigii ilaalinta deegaanka oo aan wali la samayn iyo dhaqan galin laaanta siyaasadii deegaanka ee wasaarada deegaanka iyo reermiigu samaysay.
  10. Kaluumaysiga sharci darada ah oo aan waxba reebayn.

Saamaynta dhibaatooyinka deegaanku ku yesheen dalkeena.

  1. Hoos udhaca kuyimiday wax soosaarkii wadanka sida beerihii iyo xoolihiiba.
  2. Dabar go ku dhacay ugaadhii wadankeena
  3. Abaaro baan oo joogto noqday
  4. Dhirtii wax tarka lahayd oo baabayday
  5. Xaaluf baan oo ku dhacay tiradii iyo tayadii kaluunka
  6. Ceelasha biyaha oo aasmay

Haddaba waxaa muuqata in aan si fudud loo xallin Karin dhibaatooyinka laga dhaxlo degaankaasi sii xumaanaya ee dalkeena.

Waxaase muuqata in ay muhiim tahay in marka hore la joojiyo ficilada xun xun ee lagu baabi’in’ayo degaanka. Ayada oo markaasina ay lama huraan tahay in la helo arrimaha soo socda. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas:

1: Dardar galinta iyo dhiirigalinta barnaamijyada dibidhiraynta ah si loo joojiyo xaalufka

2: Waa in loo qaadaa Lana xoojiya aqoonta iyo maaliyada waxaha ilaalinta deegaanka

3: Waa in la dejiyaa istiraatijiyo hufan oo lagu shaqeeyo;
4: waa in la helaa maalgelintii wax lagu qaban lahaa;
5: waa in la helaa aqoonyahanno qibrad u leh ilaalinta iyo maaraynta deegaanka
6: waa in ladhiiri galiyaa lana kobciyaa wacyi galinta bulshada

Mr: Cabdi Casiis Maxamed Ahxmed ( Lataliye Deegan)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR