Akhriskii Kal Hore (WQ: Mukhtaar Xasan Maydhane)

Tan iyo markii aan bilaabay qormooyinka sannadlaha ah ee akhrisyadayda qaar ka mid ah (201420152016, iyo 2017), waxa igu soo noqnoqonayey faalooyin daaran dareenada togan ee laga qaatay. Guud ahaanba nolosheena hadda waxa aad looga dareemaa baahida bulshadu u qabto waxtar uu qofba meesha uu ka haqabtiri karo kaga aado. Waana isla dareenadaas lexejeclo waxa keena in marar badan inagoon diyaar wada ahayn, haddana aan la soo boodno inta kooban ee aan heli karno – illeyn waa halkii Carabtee, qofna ma baxsho waxaanu haysane.

Shan sanno ka hor, isla dareen noocaas oo kale ah ayuun bay ka dhasheen qormooyinkaasi. Imikase waxa ii soo baxaysa wax aanan marka hore ka eegayn, haddaanse ogaan lahaa maalintaan bilaabayey aanan marnaba ka hormariyeen ujeedadaas kore. Waxa ii soo baxay inay sanad kasta i xusuusiyaan kaalinta muga weyn ee ay tahay inuu akhrisku kaga jiro noloshayda iyo weliba inaan ka fikiro oo aan ku dhigo ereyo kooban oo buug waliba u noqon kara guudmar oo qof aan akhrin ka siin kara aragti uu ku go’aan qaadan karo inuu weli u baahan yahay akhriskiisa iyo in kale.

Faa’iidada koowaad waa ta keenaysa in aan sanad walba hoos isku idhaa, “Sanadkan kuuma suurtoobin inaad akhrido in kugu filane, kordhi.” Jiritaanka dareenka noocani ahi wuxuu lama huraan u yahay in dedaalka aan sii wado, ugu yaraan, ama aan ka sii badsho, waa haddii Rabi igu simo labada jeerbee.

Dhanka kalena, inaad buug dhawr boqol oo bog ah aad ku soo koobto tuduc, ma aha arrin sahlan. Mana sahlana marka sanadkii oo dhan buugtiisii qaar ka mid ah oo laga yaabo inaad badankooda akhriday bilowgii sanadka inaad soo koobto. Isxusuusinta khasabka ahi, ee mararka qaarna raadco iyo ka daba-tegid la socoto, waxay keentaa in aragtiyihii ugu muhiimsanaa aad hesho, isla markaana ay ku sii raagi karaan maankaaga. Waana faa’iidadan labaad ta hawsha u qalanti.

Sanadkani laba arrimood oo weyn ayuu kaga duwanaa sanadihii hore. Waa mare, waxaan bilaabay qaab cusub oo buugta haad loogu helo: Dhegaysi. Kani wuxuu kusoo kordhinayaa qaabka aan aqoonta ku korodhsanayo mid ku kordhiya afaaf cusub oo ay iga soo galaan aragtiyo aanan hore u hayn. Waxay suurtogelinaysaa anigoo lugaynaya ama gaadiid wata inaan buug dhammaysan karo anigoo maalaya dhegahayga.

Marka labaadna, sanadkan waxa igu badnaa akhriska qormooyinka si uun ula xidhiidha arrimaha aan u daneeyo shaqo ahaan iyo dan bulsho ahaan. Kuwani waxay isugu jiraan siyaasado, xeerar, warbixino, daraasado iwm. Marar badan waxay ka yar yihiin boqol bog inkastoon hubo dhawr ka badanna inay ku jireen oo qofku isweydiin karo inay buug yihiin iyo in kale. Wixii lagu sheegaba, waa qormooyin aqoonta aad u leedahay hadba shaqadaada iyo arrimaha bulshada ee aad danayso u noqon kara saldhig.

Dadku waxay ku kala duwan yihiin sida u haboon waxbarashadooda. Dadka qaar waxa u haboon maalidda araga, qaarna maqalka, qaar kalena gacan-ka-qabashada. Kala-duwanaanshaha saddexdani waa kuwa keenaya kala jeclaysiga sida qofba wax ku baranayo iyo sida kale. Korodhsiga aqoonta ayaa asalka ah. Wixii kale, waa kolba waxa aaladuhu inoo fududeeyaan. Waana aragtidaas tan sannadkan ku kordhisay aqoon-korodhsigaygii weji cusub, haba noqdo mid aan u leylisnayn sida akhriskayga’e.

AKHRISYADII

Tribal Leadership by Dave Logan, John King, and Halee Fischer-Wright; Leadership Secrets of Attila the Hun by Wess Roberts; Emotional Intelligence by Daniel Goleman; The Power of When by Michael Breus, PhD

Hormadani waxay siyaabo kala duwan uga kala hadlayaan hoggaaminta. Loogan iyo saaxiibadii waxay inoo sheegayaan in hoggaamin kasta ka dhex dhacdo ama ka hawlgasho bulsho/beel. Fikirka beesha iyo hoggaamiyuhuna marba heer ayuu joogaa iyagoo u kala saaraya shan heer. Ujeedada buugu muujinayo waa sida hoggaanka urur, shirkad ama umadeed uga guuraan heerka ugu hooseeya ee noloshaba nacsiiya ilaa heerka dhexe ee xafiltanka iyo ismuujintu maashaysay ilaa laga gaadhayo heerarka dambe ee midina in kooban lala ogol yahay libta, midna dadka oo dhan.

Halka Loogan iyo saaxiibadii ka soo dheeganayaan aqoontan hoggaamiyeyaal kala duwan, iyaguna qaabkan ugu dhigeen si fahamku u fududaado, waxa Roobertis uu inagu barayaa hoggaaminta isagoo adeegsanayaa tabihii Atiilaha reer Han (oo ahaa hoggaamiye duruufo kala duwan soo maray, ugu dambayntiina dunida galbeedka kaga caanbaxay kadib markuu ka magangeliyey Rooma burbur). Seeska aqoonta uu inoo soo gudbinayaa waa inuu shaqsiyadaa taariikhiga ah hoggaamintiisii inoogu dhigo qaab aan ugu adeegsan karno nolol, shirkado, iyo ururo aad uga duwan kuwii uu la noolaa. Markastana wuxuu qoraagu isku dayayaa inuu ku dhigo halka uu Atiila joogsan lahaa xaaladdiiba.

Buuga Goolmaan garanmaayo inta jeer ee aan akhriyey. Buugaas iyo midka ka dambeeyaba inta ay hoggaamin cid kale yihiin, oo iyada lafteeda aan laga waayeyn, waxa ka badan inta ay hoggaaminta nafta yihiin. Goolmaan isagu waaba weerar cad oo dhakada u rogaya aragtidii hore ee guusha nolosha dabar uga dhigaysay kolba sedka garaadka ee qofku leeyahay (IQ). Liitaynimada aragtidaas wuxuu u cuskanayaa in nolosha ay ka buuxaan intaan ku aragno dad garaad badan, haddana noloshoodii waxtar badan aan naftooda iyo bulshadooda toona u yeelan, halka cid dhexdhexaad ahi ay ka waxtar badan yihiin. Wuxuu ku doodayaa in sedka garaadka ee qofka (IQ) uu ka muhiimsan yahay sedka dareenku (EQ). Intaa wixii kasoo hadha waa buug aqoon saynis u badan maskaxda iyo dareenku maasheeyeen.

Kanse u dambeeya wuxuu ku doodayaa in wax badan waxay u guulaysan la’yihiin aanay ahayn dedaal, farsamo iwm. Wuxuu ku doodayaa in sida ay muhiim ugu tahay guusha sida wax loo qabanayo si la mid ah ay muhiim u gu tahay guusha goorta wax la qabanayo. Tusaale ahaan, wuxuu ku doodayaa jidhkeenu inuu leeyahay meerto bayoolajiyadeed oo dabiici ah (circadian rhythm) oo la socota cadceeda. Nolosha magaalada ee maalinta iyo habeenka ku khalkhalisay iftiin iyo daahba waxay jidhkeenii ka dhaqaajisay qaabkii uu u yaalay taasoo laga dhaxlayo waxyaabo caafimaad darro keeni kara iyo inaad kari waydo wax u fudud, sida hurdada inaad subaxa hore ka bul tidhaa. Buugan oo dadka u kala saaray noocyo uu ugu magacdaray afar xayawaan (yey, buti, libaax iyo hoombaro) isagoo mid kasta u cayimaya xilliga ugu haboon ee qaban lahaa hawshiiba, xataa ha ahaato jimicsibee.

The Problem of Ideas in the Muslim World by Malek Bennabi; The Challenge for Africa by Wangari Maathai

Maalig Binnabi buugiisan uu ku gorfaynayo dhibta ka haysta Muslimiinta hirdanka figraduhu waa mid aad ugu cufan aragtiyo middiiba muggeedu dheer yahay. Si kale marka loo dhigo, waa buugta kugu dagaya ereyo-koobni. Aragtiyiha ugu culus ee uu xambaarsan yahay waxa ka mid ah in soo waaridista aragtiyaha shisheeye laga dhaxlo dhibaatooyin kakan: iyagoo marka hore loo waayo waxyaabihii dhaqanka kale ku jirey ee ka badhxayey dhibta ka dhalata aragtiyahan la soo waaridey, iyo in aan si fiican oo dhab ah loo hirgelin. Sida uu ka digayo Maaligna, “aragti aan sideeda loo hirgelinna, wey aarsataa!” Waxa halkaas ka muuqanaya waa meehanow ku yimaad bulshadii muslimiinta ahayd ee aan toodiina ka run sheegin, tay qaateenna ka run sheegin oo ku dhex jahwareersan labadaas dhexdooda. Haddii, markay dadkeenu sharaxayaan sababta dad aan muslimiin ahayni u guulaysanayaan inta ifka la joogo, aad maqli jirtey “Waxay ka dhabeeyeen xeerkoodii,” wuxuu Maalig sheegayo aad ayey isugu dhaw yihiin haba ku daro in xeerkoodii oo duruuftooda kasoo baxay uu yahay.

Wangaari waxay taxaysaa waxa caqabado iyo duruufo horyaala dadka ku nool Afrika. Iyadu eegi mayso diin. Eegina mayso hal dal oo keliya. Eegina mayso hal qowmiyad. Marar badan inaad is tidhaa waxay ka hadlaysaa, haba ku afqabsato Afrika’e, waa dunida oo dhanna ma aha wax la qariibsado. Inta u gaar ah Afrika ee ay ugu horrayso dhibaatooyinka maamulka, musuqa, xisaabtan-xumada, wada noolaanshaha dadkeeda aadka u kala duwan (xusuusnow: marka laba qabiil oo Afrikaan ah laga hadlayo waxa laga hadlayaa waxay u dhigmaan waa laba umadood oo u kala duwan sida ay u kala duwan duwan yihiin laba dal oo Yurub ku yaala; walow labada qabiil ay wadaagaan hal qaran imika) iyo qodobo kaleba ayaa waxay uga hadlaysaa sidii hormood safka hore kaga jira la tacaalidooda. Hormood safka hore kaga jirayna way ahayd.

Dangerous Frontiers by Bryan Ray; Mossad by Micheal Bar-Zohar and Nissim Mishal; Conflict and Developmentby Eleanor O’Gorman

Buugan Baraayan ee Xuduudaha Halista Badan waxa igu dhaliyey akhriskiisa kadib markii uu Cabdiraxmaan Cige ii sheegay inay ku qoran tahay aasaaskii Boorama. Mudadanba waxa aan ku hawlanaa inaan ku wacyigeliyo dadweynaha in la xuso boqolguurada kasoo wareegtay aasaaskii Boorama, oo sida Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar sheegay ahayd 1919kii. Baraayan ayaa wuxuu soo maray Boorama 1949 isagoo sheegay in markii hore la aasaasay xero ciidan oo Gorayocawl ku taal dabadeedna Boorama la aasaasay 1921kii. Buugani wuxuu ka sheekanayaa wixii Baraayan uu u soo joogay mudadii uu Soomaalilaan joogay (ku darsoo waa wakhti aan dhulka Soomaali Galbeed lagu wareejin Itoobiya weli) iyo waayihii iyo rabshadihii uu la kulmay. Intaan akhriskiisa ku jirey, ee uu kolna igu soo hadalqaadayey qabiilada Soomaalida, waxaan isweydiinayey, “Mar uun may dhici inta la leeyahay “beesha Bariga Magaalo Heblaayo iyo Beesha Galbeedka Magaalo Heblaayo” ee magaalooyinkii iyo qabiiladii magacyada loo kala rarayo, car sida ninkaas cadaanka ama Soomaaliga aan wax qorin, car mar uun mala iska odhan Reer Hebel?”

Moosaad waa ururka sirdoonka ah ee Israa’iil. Buuganina wuxuu ka sheekaynayaa hawlgalo midiba mid ka yaab badan oo ururkaasi fuliyey. Waxa ka muuqata sida dadkaasi naftooda iyo wax walba oo kaleba oo ay karaan ugu hurayaan sidii dal ay leeyihiin ay ugu naaloon lahaayeen. Waxa ka muuqata waa sida arrinna uu ula yarayn. Tusaale ahaan, mid ka mid qisooyinka aan xiisaha badan lahayn ee yaabka badan waxa ka mid ah marka qoys ilmahoodii oo la joogay mocoydii iyo awowgii ay waalidkii oo doonaya inay ku daraan dugsiga ay awoowgii iyo mocoydii diideen iyagoo u arkayey fasahaad, dabadeedna waalidkii ka qariyeen ilmihii yaraa. Moosaadka waxa ka codsanaya inay hawshaas soo farogeliyaan raysalwasaaraha, waxana ay ku qaadanaysaa baadhitaan aad u adag. Laba jeerba waa yaab. Waa mare in arrinta uu ka gam’i waayo raysalwasaaruhu waa lexejeclo sare. Waa marka labaade, in waxa culays jira ee ka taagan Israa’iil, baadigoobka ilmahaa yar awgii laga leexiyo Moosaadka wixii kale ee ay ku hawlanaayeen oo loo jeediyo halkaasna, waa yaabka yaabkii. Horta miyaan tirada idiinku daray awowgaas iyo mocoydaas iyo bulshadii kale ee taageeraysay ee iyagoon lahayn awood u dhiganta Moosaadka haddana ka qariyey iyo heerka ay ka go’nayd in ilmahaas laga badbaadiyo “fasahaad aqoonta diinta ka madhan” ee dawladda Israa’iil? Waar meesha maxaa wax isku helay!

Buugan ugu dambeeya iyo Colaada iyo Horumarka waxa uu ka hadlayaa, si aqoonaysan (theoretical), sida nabada iyo horumarku iskugu sidkan yihiin. Waxa uu ka hadlayaa waa sida nabadu sees ugu tahay, walow aanay keenayn, horumarka. Hormadan buugan ayaa ugu adag. Waana buuga qudha ee si cilmiyeysan (academic) u qoran. Haddaan qofku wax ka baranayn arrimaha la xidhiidha xalinta khilaafaadka iyo horumarkana, wax badan ilama aha inuu ka dheefi karayo. Yaase og: wixii aniga igu adkaadaa ma khasab baa inuu adigana kugu adkaan!

Miyiga Ilaa Madaxtooyo: Socdaalkaygii Guusha wq Xirsi Cali X. Xasan

Buuga Xirsi, tan iyo maalintii la daahfuray, wax badan baa laga yidhi. Hadalhayntuna waxay la socotay shaqsiyadda Xirsi oo dhinac ah (sidii aan hore u sheegay, ma aha qof dhex laga noqon karo) iyo xusuusta laga dhawrayey inuu wax ka mid ah soo bandhigo oo dhawayd – sidaas darteedna la wada filayey inay saamayn yeelan karto. Sida ugu kooban ee buugaas loo sharxi karo waa buug xusuus qor ah, waxoogaa kooban oo noloshiisa ka horeeyeyna ay ku jiraan. Buuga waxa iiga muuqday in ay isku dhex qabsadeen laba ujeedo oo midiba sideeda u qurux badnayd, laakiin aan la isku wadi karin: inuu dhalinyarada guubaabiyo iyo inuu waayihii siyaasadeed ka waramo. Ta hore ayaanad moodaa inay aad uga jiidatay ta dambe. Aragtidayda, casharka ugu muhiimsan ee laga baran karo buuga Miyiga Ilaa Magaalo ma aha waxa ku qoran. Casharka ugu muhiimsani wuxuu ku jiraa in aad bulshada daawato siday u faaqidayaan adigoo akhriyey buugaas…

DHEGAYSIYADII

Building Social Business by Muhammad Yunus

Maxamed Yoonis wuxuu buugiisan inagu barayaa sida loo dhiso ganacsi-bulsheed, wuxuu ugu yeedhay. Kani waa ganacsi habraaciisu la mid yahay ganacsiyada kale laakiin kaga duwan isagoo leh ujeedooyin u danaynaya bulshada sida inuu la tacaalo faqriga iyo macaluusha, ama adeeg dadweyne siiyo danyar. Buuga gebigiisuba waa isku beegidda tabaha ganacsiga iyo qiyamka aadmiga iyadoo loo adeegsanayo ganacsiga si loogu qumiyo danta bulshada halkii uu ka ahaan lahaa mid macaash uun urursada.

Manuscript Found in Accra by Paulo Coelho; Adultery by Paulo Coelho

Haddii aad akhriday buuga Rasuul ee uu qoray Jubraan Khaliil Jubraan, buugan Koweeliyana waad akhriday. Haddana maad akhriyin. Buugan Koweeliyo wuxuu ku dhexgaynayaa, garo oo hadda waa male awaale, Qudus oo weerar ku soo beegan yahay, qarkana u saaran in la burburiyo isla markaana dadkii iskugu soo urureen fagaare oo weli siraadani su’aalahooda ka qancinayo. Su’aalaha waxay dadku ka weydiinayaan dhinac kasta oo nolosha u muhiim ah – ha noqoto jab, jacayl, walaac, qurux, keliyeysi, iwm. Murtiduna halkaasey ceegaagtaa: su’aalahaas iyo jawaabahaas dhexdooda.

Buugan dambe run ahaantii ma dhamaysan. Sidaan uga bartey Koweeliyana ma noqon. Wuxuu ka sheekaynayaa haweenay weriye ah oo nolosheedii daganayd intay saluugtay fawdo nafteeda iyo reerkeediiba gelisay. Waxa karkaarku sii weydaaranayaa marka ay waraysi ka qaado siyaasi dhallinyarnimo ay isku yaqaaneen. Halkaasey ka bilaabaysaa, “Alla waxaan daayey baan dib u bilaabay…” Inkastoo odhaahyo wax ku ool ah aad kala kulmayso, wax sii ridan sheeko ahaan kuma maqal. Ka digtoonow, wax badan oo aan akhris iyo dhego toona u roonayn inaad kala kulmayso sheekadan dhexdeeda (magacu “sino” ha kuugu filnaado digniin!)

Tao Te Chin by Lao Tzu

Buugan Laaw Suu oo falsafad ah waa aasaaska Dhawga (Taoism). Dhaw waxay ku macneeyaan inay tahay jid. Waa buug ka kooban 81 cutub oo si kooban u qeexaya sida ay tahay in nolosha loo wajaho kaga bilow dhul-is-dhigga, deeqsinimada, doonis la’aanta iqk oo intuba ku hagaya dadka guul. Waa buug murti badan, odhaahse kooban. Buugaani sidii lagu qoray taariikh ayey iyaduba leedahay. Murtidan jirta in ka badan 2,000 sanno waxa dadku u kala dhaxlayeen ayey qabtaa…

Gunaanad

Shan sanno oo hawshani soo socotay, waa qormooyinkan sannadlaha ahe, waxay lama huraan ka dhigaysaa in wax laga bedelo sidii awal loo soo waday. Qormooyinkani way jirayaan iyagoo wata isla cinwaankaa. Halkase buugta loo kala saarayo bedelkooda waxa qudha ee sanadkii mar la sheegayaa waxay noqonayaan aragtiyaha ama dhacdooyinka ugu muhiimsanaa ee ay xambaarsanaayeen buugtii aan akhriyey ama aan dhegaystay sanadkaasi.

Dhanka kale, waxa soo kordhaya laba shay oo kale. Mid waa in aan sameeyo taxa buugta aan ku talojiro inaan akhriyo sanadka soo socda. Taasi waxaan ka filayaa inay qaabayso akhriskayga. Ta kalena, waa in buug kasta aan ka qoro qormo gaaban (500 – 1,000 erey) oo soo koobta murtida laga weelayn karo buugiiba.

Allaha ila qabto…

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR