Al Shabaab hubeysan oo lagu arkay tuulooyin hoostaga Buuraha Galgala

Wararka aan ka heleyno Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in xoogag ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab lagu arkay tuulooyin hoostaga buuraha Galgala ee maamulkaais, halkaasi oo aysan horey u joogin.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Dhacdo.com u xaqiijiyeen inay arkeen dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab, islamarkaana ay dareemayaan cabsi ku aadan in korkooda lagu dul dagaalamo.

Sarakiisha ciidanka maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay ka war hayaan xogtaasi, sidoo kalena ay ku tala jiraan sidii arrintaasi si deg deg ah wax looga qaban lahaa.

Waxaa heegan buuxa la geliyay ciidanka ammaanka ee ku kala sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Qorsho, si ay uga hortagaan weeraro ay suuragal tahay inay geystaan Al Shabaab.

Kooxda yare ee Daacish iyo Ururka Al Shabaab ayaa ku dhuumaleysanaya meelo ka mid ah buuraha Galgala, halkaasi oo dhawr mar ay kula dagaalameen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR