Al Shabaab oo ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Khayre


Warbaahinta Al Shabaab ayaa sii deysay cod maqal ah oo laga soo duubay Afhayeenka guud ee Al Shabaab Cali Maxamuud Raage, kaasi oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, sidoo kalena ka hadlay Ciida.

Afhayeenka Shabaab ayaa ku sheegay sababta ay isku Khilaafeen Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali khayre inay tahay waxa uu ugu yeeray la dagaalanka Diinta Alle.

Cali Dheere ayaa sheegay dad kasta oo ku heshiiya sida uu yiri la dagaalanka Diinta Alle inay si fashil ah ku kala tagayaan.

“La dagaalanka diinta allaah oo ay heshiis ku ahaayeen kama dheefin wax aan is khilaaf iyo kala carar aheyn, wax badan bulshada u sheegayeen dad dalkooda u daneynaya maanta waxay la soo baxeen wajigooda dhabta ahaa, waana la daawanayaa sida midba midka kale u eedeynayo inuu danihiisa gaarka fushanaya, badankood baasaboor shisheeye ayay wataan, nin walba tikidkii uu ku dhoofi lahaa jeebka ayuu ku heystaa si uu dib ugu laabto halkii uu ka yimid”ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Shabaab ayaa sidoo kale ka hadlay duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka ay ka gaystaan deeganada Shabaab ay joogaan, waxaana uu sheegay duqeymahaasi in lagu dilay dad badan oo carruur ay ku jiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR