Al-Shabaab oo ku hingoobay qaskii ay kawadeen Goobaha ay maamusho dowlada

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa daboolka ka qaaday inay xaalad xun soo foodsaartay Maleeshiyaadka Shabaab.

Michael Keating, waxa uu sheegay in hoos u dhac ballaaran uu ku imaaday duulaanka ay Shabaab ka geysan jireen gudaha Somalia iyo Kenya.

Danjire Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Maleeshiyada Shabaab ay la kulmayaan cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhanka ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida oo si joogta ah ugu howlan soo afjarida dhaqdhaqaaqa Shabaab.

Michael Keating, ayaa cadeeyay in awooda Shabaab ay iminka gaarsiisan tahay meel hooseysa, halka dhowr sano ka hor ay ahaayen kuwo xoogan.

Dhabar jabka ugu badan ayuu sheegay inay kala kulmeen maleeshiyaadka ka garab dagaalama ee usoo goostay dhanka dowlada Somalia waxa uuna guul ku sheegay in dowladu ay kasbato Xagjiriinta kasoo horjeeda.

Sidoo kale, Michael Keating ayaa ballanqaaday in QM ay xoojin doonto is garabtaaga dhinacyada dagaalka kula jira  Shabaabka ku sugan Gobolada dalka.

Haddalka Michael Keating ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia oo garabsanaaya kuwa dowlada gacanta ku dhigeen Horjoogayaal iyo Saraakiil Shabaab ah.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR