Al-Shabaabkii ugu badnaa oo gudaha u galay Gobalka Bari & Cabsi soo wajahday maamulka PL


Garoowe (Caasimada Online)- War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay tuulooyin hoos taga Buuraleyda Galgala ee Puntland.

Al-Shabaabka galay tuulooyinkasi oo aan horay loogu arag ayaa wata gaadiid dagaal waxa ayna arrintani qalqal galisay dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in ay soo wajahday cabsi badan oo ku aadan In Al-shabaab ay dil u geystaan ama halkaasi uu dagaal ku dhexmaro iyaga iyo ciidamada maamulka.

Maleeshiyaadkan ayaa ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana aad looga cabsi qabaa inay weeraro ku qaadan xarumaha maamulka ee halkaa ku dhow dhow.


Ciidamada maamulka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan kawada qeybo kamid ah Gobolka Bari.

Amaanka magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona laga cabsi qabo weeraro ay Shabaab iyo Daacish halkaasi ka geystaan.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegaya in ay howlgalo ka sameeyen deegaanada xeebta dhaca, una dhaw degmada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay heleen xogo ku aadan weeraro ay qorsheynayaan Shabaab iyo Daacish.

Docda kale, Cabsida ugu badan ayaa ah in maleeshiyaadka ay maamulka kala wareegan deegaano iyo xarumo hor leh oo uu ku shaqeeyo maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR