Al-Shabab oo maanta mar kale toogatay 5 nin oo ay ku eedeysay in ay ahaayeen jaajuusiin + Magacyada

Saakow (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta fagaare ku yaalla degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku toogteen shan nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Qoraal kasoo baxay Shabaabka oo ay baahiyeen warbaahintooda, ayaa lagu sheegay in shanta nin ee la toogtay ay “u shaqeynayeen sirdoonnada dowladda Kenya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.”

Al-Shabaab waxay sheegtay in dhammaan ragga maanta lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagusoo eedeeyay ee ah in ay ubasaasayeen dhinacyo shisheeye. Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashadan.

Hoos ka aqri magacyada shanta nin ee la toogtay

1-Cabdi Raxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Max’med Yuunus Mad Keer
5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.

Maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale kooxda Al-Shabaab ay magaalada Jilib ugu dishay illaa 5 ruux oo ay ku eedeysay in ay ubasaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimad@live.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR