Alvaro Moratta! Barcelona oo kusoo biirtay loollanka loogu jiro weeraryahanka Chelsea!

Kooxda Barcelona ayaa waxa ay daneyneysaa lasoo saxiixashada weeraryahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata.

Laacibka Spanish-ka ah ayaa si aad ah u doonaya inuu ka tago kooxdiisa Blues, maadaama uu weli awoodi la’yahay la qabsiga horyaalka Ingiriiska.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa raadineysa weeraryahan beddelkiisa ah, taasna waxa ay gogol xaar u noqoneysaa inuu ciyaaryahankan ka haayo Chelsea.

Barcelona ayaa dooneysa in bishan January ah la wareegaan, ugu yaraanna ay qaab amaah ah kula wareegaan 26-jirkan.

Wargeyska Catalonia kasoo baxa ed Sport ayaa ku warramaya in Blaugrana ay kaga xirantahay in ciyaaryahankan ay lasoo wareegaan in marka hore ay iibiyaan Denis Suarez iyo Munir El Haddadi.

Wargeyska ayaa intaas ku daraya in weli aysan Barca gudbinin dalab rasmi ah oo ay Morata kula soo saxiixanayaan, hase ahaatee waxa ay diyaar u yihiin in Atletico Madrid iyo Sevilla kula dagaallamaan saxiixiisa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR