Ammaanka Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha oo si aad ah loo adkeeyay

Muqdisho
(PP) ─
Cabsi dhanka ammaanka ah ayaa
la sheegayaa inay ka jirto garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo weliba xarunta
madaxtooyada oo ay dowladdu ku shaqeyso, iyadoo ciidammo badan la dhigay
labadan goob ee muhiimka ah

Wararka ayaa sheegaya in ciidammo
badan la geeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halka ciidamada ilaalada
Madaxtooyada Somalia banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka, si
ay uga hortagaan siku day walba oo la doonaoy in lagu weeraro.

Cidammo badan ayaa lagu arkayay
maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo wararka aan helayno ay sheegayaan
in tani ay ka dhalatay ciidammo la sheegay inay dhawaan mushaar la’aan uga soo
baxeen furumihii ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah gobollada shabeellooyinka.

Sidoo kale, Ciidamada gaarka
ah ee ilaalada madaxtooyada Somalia, ayaa dibadda loosoo saaray, iyadoo afarta
koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka, iyadoo
ciidamada halkaas la geeyay ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaas
ku daray in madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan
afar askari oo istaaf ah, iyadoo lagu war-geliyay wasiirrada inay dhimaan
ilaaladooda marka ay imaanayaan Villa Somalia.

Madaxtooyada Somalia ayaa
cabsi weyn ka muujiyay in isku day af-gamni ay sameeyaan ciidamadii dhawaan
kasoo baxay furumihii ay gobolada dalka uga jireen, inkastoo ciidamadan aanay
ujeedkoodu ahayn inay in-qilaab ka fuliyaan dalka.

Ugu dambeyn, Marka laga soo tago
ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegayaa in cabsida ay qayb ka tahay
Kooxda Al-shabaab oo ay dhici karto inay gudaha u soo galaan caasimadda dalka, haddii
ciidamadu ay furumaha soo faarujiyaan.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR