Antonio Conte oo xaqiijiyay inuu todoba (7) sano ka hor isku dayay Alexis Sanchez – miyuu hadda u dhaqaaqayaa?

Tababare Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayay saxiixa Alexis Sanchez dhawr sano ka hor gaar ahaan markii uu la wareegay xilka tababaranimo ee Juventus, xilli xidiga reer Chile uu ku sugnaa kooxda Udinese.

Alexis Sanchez wuxuu sanadkii 2011 ku biiray Barcelona isagoo ku sugnaa ilaa 2014 isagoo go’aansaday inuu kusoo biiro kooxda Arsenal, balse haatan xaaladda ayaa ku xun wuxuuna doonayaa inuu isaga guuro Emirates Stadium.

Antonio Conte oo ku jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Leicester City ayaa qiray inuu isku dayay xidigaas saxiixiisa, isla markaana uu aad u xushmeeyo.

 “Aad ayuu u garanayaa inaan xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyay ee Juventus isku dayay inaan lasoo saxiixdo, balse wuxuu go’aansaday inuu aado Barcelona” ayuu yiri Conte.

“Aad ayuu u yaqaanaa sida aan u xushmeeyo, waxeyna aheyd fursad fiican oo aan ku salaamo” isagoo ka jawaabayay dhabar ka taabashadii uu ku sameeyay ka hor kulankii London Derby ee Carabao Cup.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR