AQOON-YAHAN MISE FARSAMO YAQAAN

Shiki kuma jiro in marka aad maqasho ereyga aqoonn-yahan ama qof lagu tilmaamaayo sifadan, in waxa ugu horeeya ee maskaxdaada ku soo dhacaaya u yahay in oqfka sifadan lagu tilmaamaayo uu yahay amaba ay tahay qof sita shahaado jaamacadeed. Gaar ahaan gayigeena soomaalida. Laakiin halkan waxaa ka dhalanaysa su’aal muhiim ah: ma daruuribaa in qofka aqoon-yahanka ahi uu sito shahaado jaamacadeed? Hadiiba uu sito ma tahay mid ku filan in uu helo amaba la siiyo sifadan ? waa maxay sifooyinka ay tahay in uu yeesho aqoon-yahanku ?

Bal dib aynu u jaleecno macnaha ereygan aqoon-yahan “intellectual” amaba “المثفق” qofba sida uu u yaqaano, inaga oo ka fiirinayna macnaha balaadhan ee ereygani leeyahay.
Ereyga intellect ama intellectual wuxuu tilmaamaa inta badan indheer garadnimo ama xeeldheerid dhinaca fahanka,fasiraada xaaladaha kala duwan, hadii ay tahay dhacdooyinka,fikirka, ama mid arrin. Sidaa darteed qofka inta badan leh sifada nuucan ah ayaa lagu tilmaamaa “intellectual” waana erey isir ahaan ka soo jeeda qaarada yurub. Bulsho walbaana waxay u turjumatay ereygan afkeeda, laakiin ka bulsho soomaali ahaan ilaa imika ma jiro erey uga dhaw “ aqoon-yahan” (ma hubo in ereygaasi ku filan yahay iyo in kale).

Dadka intiisa badan labo ayay u qaybsamaan, maskax-maal iyo muruq-maal. Aqoonyahanku waxa ugu wayn ee uu kaga duwanyahay bulshada maskax-maalka ah inteeda kale waa dhawr arrimood.

DAREENKA MAS’UULIYADEED “ intellectual responsibility” bulsho walbaa waxay leedahay god-daloolooyin u baahan in la tilmaamo lana daweeyo, hadii ay tahay mid bulsho,dhaqaale,siyaasad ama mid dhaqameed. Aqoonyahankuna waakan tilmaama sheegana khataraha ku soo socda bulshadiisa iyo sida looga gudbayo. Halkan ayaynka ku kala milmaan kan(tan) jaamiciga ah een waxba dhibayn ama dareemayn iyo qofkan ka damqanaya dhibaatooyinka la darsaaya bulshadiisa.

HAYBTA “Affiliation”marwalba aqoon-yahanku ku abtirsado waa xaqiiqda kolba jirta,isagoon iska dhigayn in uu yahay kan kaliya ee og xaqiiqda, balse hogo tusaalaynaaya.

WUXUU MATALAA “ representative”cidda aan haysan cid matasha, oo uu codkooda yahay(Edward saed). gaar ahaan bulshada qaybaheeda hoose.
MADAX BANAANIDU “ Freedom” waxay u tahay lama huraan,waana qof aan la iibsan Karin,diyaarna u ah in uu wax walba u huro mabaadi’da uu rumaysanyahay. Ha ugu horeyso xorriyada,sinaanta iyo cadaalada.

GUULWADE “ Mercenery” na maaha, inuu qiil wade u noqdo kolba cidda xukunka haysatana waa mid aan meesha oolin, balse waa run iyo xaqiiq wade aan cidna ka gaban.

Masuuliyada ugu culus ee hortaala aqoon-yahanka ayaa ah sidii uu u baraarujin lahaa wacyiga bulshadiisa amaba uu u dhisi lahaa. marnaba raali kama aha xaaladda lagu jiro,wuxuuna si joogta ah u dhaliilaa kolba xaaladda taban ee jirta.
Dhisidda wacyiga bulshadu waa mid uu eeg sidii qof geed meel ka goynaaya oo geed kalena ku beeraaya.

Baraarujinta,beeridda ama wax ka badalka wacyiga bulshadu waa shaqada ugu adag ee uu aqoon-yahan ku qabto, sidoo kale waa dhibaatada ugu adag ee la soo darista.

Saamaynta deegaanku marwalba way ka muuqanaysaa aqoon-yahanka, meel walba oo uu tago, laakiin taasi kama dhigna in deegaanka kale ee uu tagay uu u matali karo sidii bulshadiisa oo kale.

Raadinta raali ahaanshaha dadku waa mid aan ku jirin xisaabta aqoon-yahanka, xataa hadii ay dadkaasi yihiin dadka ugu dhaw isaga, ama qoysiikiisa, waayo shaqada uu hayaayi waa shaqada (jabhadka) oo kale, maaha jabhadaka qoriga sita, waxna duminaaya, balse waa jabhad diidan kolba xaaladda taban ee bulshadiisu ku jirto.

Qof mas’uuliyad intaas leeg qaaday amaba dareensan shiki kuma jiro in ay caqabado aan xad iyo xuduud toona aan lahayn ay ka hor imanayaan, tanina waxay “isaga” hor dhigaysaa laba arrimood midkood uun, in uu isku dhiibo waaqica jira ama uu wado dagaalkiisa ilaa inta uu ka dhaminaayo.

Hadaan ka nimaadno xadhkaha iyo xayndaabka ay innagu xidhayaan macnaha ay xambaarsanyihiin ereyada qaar sida “aqoon-yahan” oon raad raacno oo kaliya sifooyinka aynu soo sheegnay,walaw ayna intan ku koobnayn, waxaan ogaanaynaa in deegaan walbaa uu leeyahay aqoon-yahan kiisa aqoon-yahan kastaana uu leeyahay deegaankiisa,Balse ayna daruuri ahayn in uu sito shahaado jaamacadeed.

Xataa hadii uu yahay jaamici misena ka arradan yahay sifooyinka aynu soo tibaaxnay, waxaan xaqiiqsanaynaa in qofkaasi yahay maskax maal yaqaana farsamo uu ku shaqaysto (professional) balse aanu ahayn maskax maal aqoon-yahan ah (intellectual).

Mukhtaar gurguurte

mukhtaarmxd@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR