Aqri qodobka 72-aad – Ma qodob dastuuri ah ayaa mataaladda Muqdisho lagu diiday mise sad-bursi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aankii baarlamanka Soomaaliya ku ansixiyey in gobolka Banaadir uu matalaad ka helo Aqalka Sare, wuxuu si shaacsan usoo bixiyey tuhunkii mar walba la qabay ee ahaa in Puntland iyo beelaha Harti ay sad-bursi ku hayaan siyaasadda Soomaaliya.

Markii go’aankaas la ansixiyey ayaa xildhibaano kasoo jeeda dhinacyadan, oo ku fashilmay inay xeerka hor-istaagaan, waxay qabteen shir jaraa’id oo ay ku mucaaradeen go’aanka baarlamanka, ayaga oo dood ka dhiganaya qodob dastuuri ah.

Xildhibaanada oo si qosol leh ula baxay magaca “Kutlada sharci-dhowr”, waxaa u hadlay Cabdicasiis Qamdi, waxaane ku jiray wasiir Jamaal Maxamed Xasan, Wasiir Cabdullaahi Bidhaan iyo xubno kale, ayada oo maamulka Puntland uu gadaal ka riixayo.

Waxay ku doodeen in go’aanka baarlamanka uu yahay sharci-darro, maadaama uu ka hor-imanaya qodobka 72-aad ee dastuurka oo dhigaya sidan:- Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, tiradoodana waa ugu badnaan 54 Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii.”

“Kutlada sharci-dhowr”, ayaa ku dooday in maadaama qodobkaas qoraya in Aqalka Sare ka koobnaado 54 kursi, aan waxba lagu dari karin, haddii kale taas ay dastuurka jebineyso. Dooddooda ayaa sharci ugu muuqan karta qof kasta oo aan dastuurka aqrin, balse ayagan u dhageysta.

Waxaase yeeb leh in kooxdan, iska daa inay soo wada bandhigaan dhammaan farqadaha qodobka 72-aad, ay xitaa jumlada koowaad ee dastuurka ay kala reebaan, ayaga oo dantooda qabyaaladeed un eeganaya. Isla jumlada ay cuskanayaan ayaa waxaa ku jira in xubnaha Aqalka Sare ay ka yimaadaan 18-ka dal ee dalka. Xagee jireen markii Gobolka Banaadir aan la siin xubnihii uu dastuurka siinayey?

Kasoo gudub taas. Aqalka Sare, Puntland waxay ka haysataa 11 xubnood, halka dhammaan maamul goboleedyada kale ay haystaan min 8 xubnood, ayada oo gobollada waqooyina la siiyey 11. Balse fiiri waxa ku qoran farqada b) ee qodobka 72-aad ee dastuurka oo u dhigan sidan:- (b) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah. Mar labaad, xildhibaanada Puntland iyo Harti xagee jireen markii la jebinayey qodobkan dastuuriga ah, maxayse arrintan uga hadal saddexda sano iyo barka ay fadhiyeen baarlamanka.

Sidoo kale, farqida c) ee qodobka 72-aad ee dastuurka waxaa ku qoran:- Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshadu. Balse Aqalka Sare hadda sidaas ma ku dhisan yahay? Beelaha Daarood waxay haystaan 17 xubnood, Dir 14, Hawiye 13, Digil iyo Mirifle 8, Beeshan Shanaad-na Laba kaliya. Maxaa looga qeylin waayey jebintan lagu sameeyey qodob dastuuri ah iyo sad-bursiga intan le eg, si gaar ah xaqdaradda weyn ee lagu sameeyey beelaha shanaad.

Intaas oo dhan waxaaba kasii daran, oo weli raadkeedu muuqdaa, maalmo ka hor, inta aan la meel-marin xeerka matalaadda gobolka Banaadir, wuxuu baarlamanka ansixiyey xeer dhigaya in kuraasta hadda ay ku fadhiyaan haweenka aysan rag u tartami karin. Balse qodobka 22-aad ee dastuurka farqida 2-aad waxaa ku qoran sidan:- (2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

Markaad eegto qodobkaas, in la yiraah kursi gabar ku fadhiso wiil uma tartami karo, waxay si cad u jebineysa qodob dastuuri ah, waxayna muwaadinka [ragga ah] ka hor istaageysa xuquuqdiisa aas-aasiga ee ah in la doorto ama uu wax doorto.

Xildhibaanada la baxay kutlada sharci-dhowr, Puntland iyo Faroole, xagee jireen markii qodobadan dastuuriga ah la wada jebinayey. Sharci-dhowrka qeyb kama ahan miyaa in la wada difaaco qodobada dastuuriga ah dhammaantood, mise hal qodob oo kaliya ayaa kutladan loo dhisay.

Xaqiiqda ayaa ah in dastuurka dalka uu qabyo yahay, islamarkaana qodobo badan oo ku jiro la baal-maro, ayada oo xal la raadinayo, islamarkaana wax la xeerinayo, xuquuqda gobolka Banaadir la siiyeyna taas kama duwana. Kaaga daran’e gobolka Banaadir, waa kan dowladda oo idil ay ku dhisan tahay canshuurtiisa iyo dhaqaalihiisana lagu maareeyo. Puntland maxay ku sheegataa dowladda federaalka, oo buuq iyo qeylo aan ahayn? Iyo marka laga reebo in ayada lacag looga diro Xamar?

Puntland, Harti, iyo kutlada Sharci-dhowr uma socdaan ilaalin dastuur iyo sharci, ee waxay doonayaan inay sii dheereeyaan sad-bursigii ay horey u sameeyeen, iyo xuquuqdii ay ka hor-istaagaan gobolka Banaadir. Waxaase maanta ilaah mahaddii ah in umadda oo idil ay u wada jeedo. Talada ugu wanaagsan waxay tahay in ceebta ay dhex-joogaan aysan kusii fogaan, oo ay kasoo laabtaan.

Faalladii – Qeybta tifaftirka Caasimada Online 

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR