Arsenal oo ku dhow inay Liverpool ku garaacdo saxiixa goolhayahan.

LEVERKUSEN, GERMANY – FEBRUARY 25: Bernd Leno of Bayer Leverkusen during the German Bundesliga match between Bayer Leverkusen v Schalke 04 at the BayArena on February 25, 2018 in Leverkusen Germany (Photo by Peter Lous/Soccrates /Getty Images)

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa lasoo werrinayaa inay isu diyaarineyso inay ku dhawaaqdo saxiixa Brend Leno maalmaha soo aaddan.

Laacibka Bayern Leverkusen ayaa si aad ah loola xiriiriyay ku biirista kooxda Liverpool iyo si la mid ah naadiga reer Italy ee Napoli.

Si kastaba ha ahaatee, SPORTBILD ayaa sheegtay in goolhayan ay baacsigiisa ku guuleysatay Gunners isagoo booska goolka ka bedeli doono xiddigga daalay ee Petr Cech.

Leno ayaa ku fadhiya £20m, waxaana kooxda ka dhisan wuqooyiga London ay ku dhowdahay inay Leverkusen iyo ciyaaryahankan ay isku af gartaan heshiiska uu ugu soo dhaqaaqayo horyaalka Premier League-ga.

Unai Emery oo majaraha Arsenal qabtay markii Arsene Wenger uu gabagabeeyay 22 sano uu ka arrimnayay Gunners ayaa doonaya inuu nasiyo Cech kaasoo qanadaraaskiisa Emirates uu a harsanyahay keliya hal sano.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR