Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay Shaqada Ka Caydhiyaan Unia Emery & Tababaraha Badali Lahaa Oo Loo Sheegay

Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay in ay shaqada ka caydhiso tababaraha kooxdeeda ee Unai Emery 2 sano kadib markii ay kooxdu badal uga dhigtay tababaraha reer Spain iyada oo sidoo kale loo sheegay tababarihii ay ku badali lahaayeen.

Taageeraha weyn ee Adrian Durham sidoo kale ah daadihiyaha TalkSport ayaa Arsenal u sheegay in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Unai Emery isaga oo u sheegay in ay ku badalaan tababarihii hore ee kooxda Man United ee Jose Mourinho.

Gunners ayaa si xun ku bilaabatay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay kaliya 2 kulan 5-tii kulan ee ay ciyaareen ilaa haatan iyada oo laba badiyay hal kulan sidoo kale bar-baro galay 2 kulan oo kale.

Arsenal ayaa iska khasaarisay 2 gool oo ay qaybtii hore ku hor martay kulankii Watford iyada oo khalad daafacyada Arsenal ah sabab u noqdeen in ay Watford ku soo laabato ciyaarta Qaab ciyaareedkaas ayaa keentay in uu Durham su,aal iska waydiiyo in uu Emery yahay tababaraha saxda ah ee wakhti cusub ku hogaamin kara kooxda Arsenal.

“Wakhtiga aya ka dhacaya Unai Emery”Ayuu Durham u sheegay TalkSport.

“Waxa uu joogaa kooxda laba sano mana jirto wax is badal ah oo uu ku sameeyay Madawgii uu Arsene Wenger ka tagay”.

“Waxa Watford ku samaysay fursado ka badan midkii ay Man United ku samaysay kulankii 8/2”.

“Sidaas darteed wakhtigan waxa uu Arsenal u yahay wakhti xun, ugama dhawin u tartamista horyaalka markii uu Arsene Wenger joogay”.

Durham ayaa aaminsanin tababare Jose Mourinho oo soo maamulay kooxaha Man United iyo chelsea yahay tababaraha saxda ah.

“Miyaad garanaysaa cida ay Arenal u baahantahay? Jose Mourinho waa tababaraha saxda ku ah Arsenal, waa tababare bilaa koox ah”.

“Taageerayaasha Arsenal way Nacayaan waxa aan sheegayo laakiin waxa aan aaminsanahayin uu ka fiicnaan doono Unaa Wenger”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR