Arsene Wenger oo kalsooni buuxda ku qaba inuu joogi doono xidiga diirada u saaran Man United ee heshiiskiisa dhici doona dhawaan.

Tababare Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka quusan doonin Mesut Ozil inuu kusii haayo garoonka Emirates Stadium inkastoo ay jiraan warar xan ah oo la xiriirinaa Manchester United.

Xidiga u dhashay wadanka Jarmalka waxaa heshiiskiisa kaga haray kaliya lix bilood sidaas darteed waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay doorbido iney lacag kaash ah ku hesho bishaan halkii ay bilo kadib si xor ah ku lumin laheed.

Balse arinkaas waxaa gaashaanka u daruuray Wenger oo shaaca ka qaaday in wali ay jirto rajo uu  xidigii hore Real Madrid ku saxiixi karo heshiis cusub oo kusii heyn kara waqooyiga London.

Wargeyska The Telegraph ayaa baahiyay in wali wadahadalo heshiis kordhin ah oo lala yeesho Mesut Ozil ay banaan tahay, kooxdana ay isku dayi doonto wax walba oo ay ku qnacin karto xidigaan u dhashay wadanka Jarmalka.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR