Arsene Wenger Oo Nasin Doona 7-Xidig Oo Waaweyn Kulanka Furitaanka Europa League Ee Ay La Ciyaarayaan Cologne.

Tababare Arsene Wenger ayaa gaaray go’aan uu kulanka habeen dambe ee furitaanka koobka UEFA Europa League ku nasinayo todoba (7) ka mid ah xidigahiisa ugu muhiimsan iyagoo ka hortagaya Cologne.

Petr Cech, Laurent Koscielny, Alexandre Lacazette, Danny Welbeck, Granit Xhaka, Mesut Ozil iyo Aaron Ramsey ayaan kasoo muuqan doonin kulanka ay kooxdooda ku furaneyso tartanka labaad ee ugu xiisaha badan leh yurub.

Jack Wilshere ayaa tababarka buuxa ee kooxda kusoo laabtay kaas oo Arsenal laga yaabo inuu u ciyaaro kulanka Cologne, waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu amaahda ku aaday kooxda Bournemouth.

Alexis Sanchez ayaa la rajeynayaa inuu kusoo bilowdo, kaas oo aan kusoo bilaaban ciyaartii ay kooxdiisa 3-0 ku dubatay Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Mirror ayaa fahansan in Arsene Wenger uu si daran uga fakarayo kulanka muhiimka ah ee ay Axadda la ciyaari donaan Chelsea kulamada isbuuca shanaad ee horyaalka Premier League.

Per Mertesacker, Theo Walcott iyo David Ospina ayaa la filayaa iney helaan fursad weyn oo ay ugu soo bilowdaan ciyaarta Cologne.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR