Aubameyang oo ku dhowaaday inuu ku biiro koox Ingiriis ah – Ma London ayey ka dhisan tahay mise Manchester?

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu ku dhowaaday ku biirista kooxda Tottenham Hotspur waase sannadkii 2012kii.

Aubameyang ayaa u sheegay majaladda Bild ee dalka Germany inuu sannadkii 2012kii booqday xerada tababarka ee kooxda Tottenham wuxuuna markaas diyaar u ahaa inuu ku biiro Spurs, laakiin kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaan marnaba dooneyn inay heshiiskiisa dhammeystirto.

Markii dambe kooxda Borussia Dortmund ayaa ka faa’iideysatay iyadoo lasoo wareegtay xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon, kaasoo u dhaliyey 126 gool 195 kulan oo uu u saftay BVB.

Aubameyang ayaa u sheegay majaladda Bild ka hor kulanka ay caawa kooxdiisa BVB wajaheyso Spurs kana dhici doona Wembley Stadium: “Sannadkii 2012kii waxaan tegay xerada tababarka ee Tottenham si aan kooxdaan ugu biiro. Waxaana wadahadallo la yeeshay maamulka Spurs.

“Inkastoo aan kooxdaas xeradeeda tababarka safar ku tegay, hadana mardambe maamulka kooxdaas ilama soo xiriirin. Maadaama ay Tottenham igu gacan seyrtay inay ila wareegto 2012kii, hadda waxaan diyaar u ahay inaan caawa tayadeyda tuso, anigoo ka aargudanaya”.

Xiddiga reer Gabon ayaa waxaa haatan lagu qiimeeyaa 65 milyan oo ginni, waxaana xusid mudan in xagaagaan oo dhan ay kooxo waa weyn ku dagaalamayeen saxiixiisa.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR