Home » Entries posted by Aadan Fowsi (Page 2)

Stories written by Aadan Fowsi

Abiy oo ku dhowaaqay in dagaalka Tigray uu galay wejigii ugu dambeeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhowaaqay in ciidamadiisa ay bilaabi doonaan dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu qaadayo Tigray, si meesha looga saaro ciidamada TPLF ee dagaalka ka wada halkaasi. Abiy Axmed ayaa dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi uu galay wejigii ugu dambeeyey, isaga oo amary ciidamada inay […]

“Farqi weyn ayaa u dhexeeya Real Madrid iyo Inter Milan” – Antonio Conte

(MIlano) 26 Nof 2020. Tababaraha Inter Milan ee Antonio Conte ayaa qirtay in kooxdiisa ay aad uga fogtahay heerka Real Madrid, kaddib ciyaartii labada koox ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Giuseppe Meazza. Real Madrid ayaa guul ka soo heshay 10 xiddig oo Inter Milan ah kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-2, waxaana goolasha u […]

Xukuumadda Oo Shaaca Ka Qaadday Caddaalad Darrada Dalka Biyo Dhigtay, Siyaasiyiin Iyo Tujaar Kufsiyo Gaystay Oo Maxkamaduhu Sii Daayaan Iyo Dadka Jilicsan Oo Noqday Kaliya Kuwuu Sharcigu Qabto

Hargeysa, November 26, 2020- (CE)- Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland Mujaaid Maxamed Baruud Cali ayaa si adag waxa uu uga hadlay xaaladda caddaalad darro ee dalkeena maanta ka taagan iyo sida sharcigii dalka u yaallay uu kaliya u qabanayo dadka Nugul ee aan waxba haysan halka kuwii Ladnaa iyo Kuwii Siyaasiyiinta ahaa marka dambiyo […]

Xusuusta Ereygii Halku-Dhegga Noqday “Fartayda Eeday” Ee Madaxweyne Muuse Ku Tiraabay Saacado Kadib Doorashadiisii 2017

Hargeysa, November 26, 2020- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay muddo xileedkiisa la soo doortay u dhammaadeen saddex sannadood oo gow ahi waxa dad badani wax iska waydiiyaan kaftan siyaasadeedna ka dhigtaan hadallo shalay oo kale saddex sano ka hor uu ku tiraabay Madaxweynuhu afar maalmood uun kadib markii lagu dhawaaqay natiijada […]

Madaxweynaha Jabuuti Geelle Oo Walaac Ka Muujiyay In Baarlamanka Soomaaliya Ay Alshabaab Qabsato

Jabuuti, November 26, 2020- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaac weyn waxa uu ka muujiyay in Baarlamanka waddanka Soomaaliya ay qabsadaan kooxda Alshabaab ee dagaalka adag kula jirta dalalka Soomaaliya iyo Kenya taasi oo saamayn weyn ku yeelan karta doorashada dalkaasi laga qabanayo bisha soo socota, kadibna keensan kara xildhibaanno ay dusha […]

Sargaal Ka Tirsan CIA-da Mareykanka oo Lagu Dilay Soomaaliya

WASHINGTON(HALBEEG)-Sida ay qortay New York Times sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa ku geeriyooday Soomaaliya kaddib markii uu ka qeybgalay howlgal ka dhacay koofurta Soomaaliya. Warbaahinta oo soo xigatay mas’uul hore oo warkaas xogtiisa haya ayaa sheegtay in aan weli la shaacin magaca sarkaalka, balse uu ka tirsanaan jiray ciidanka sida gaarka […]

Ra’iisalwasaarehii Hore Ee Sudan Al Mahdi Oo Geeriyooday

Ra’iisul wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq Al Mahdi ayaa ku  geeriyooday Imaaraadka Carabta, kadib markii Covid-19 loo dhigay Isbitaal ku yaalla wadankaasi, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xisbigii isagu uu ka tirsanaa ee NUP. Waxaana isbitaalkan la dhigay kaddib markii 21 qof oo ka tirsan qoyska ra’iisalwasaare  Al Mahdi ay qaadeen cudurka safmarka ah ee COVID-19 […]

Jürgen Klopp oo ka hadlay guuldarradii Liverpool ka soo gaartay kooxda Atalanta

(Yurub) 26 Nof 2020. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa aaminsan in Reds ay u qalantay in laga adkaado kulankii xalay ee Champions League. Kooxda kubadda cagta Atalanta oo marti ku aheyd garoonka Anfield ayaa ku soo adkaatay 0-2, waxaana goolasha u dhaliyay xiddigaheeda Josip Ilicic iyo Robin Gosens, xilli ay ciyaartaan […]

Somaliland oo toogasho ku fulisay 6 qof + magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fuliyey lix nin oo lagu eedeeyey inay horey dilal uga geysteen maamulkaasi. Lixda nin ee toogashada lagu fuliyey saaka oo Khamiis ah ayaa waxaa horey xukun dil ah ugu riday maxkamadaha Somaliland oo la horgeeyey marar kala duwan. Sidoo kale waxaa saxiixay […]

Sudan’s former PM Sadiq al-Mahdi dies from coronavirus in UAE

Thursday November 26, 2020  Leading Sudanese politician and former prime minister Sadiq al-Mahdi died from a coronavirus infection three weeks after being hospitalised in the United Arab Emirates, according to family sources and a party statement early on Thursday. Mahdi, 84, was Sudan’s last democratically elected prime minister and was overthrown in 1989 in the […]