Home » Entries posted by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO"

Stories written by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO"

Portugal Oo Guul Ka Gaartay New Zealand & Mexico Oo Dhinaceeda Dhulka Dhigtay Russia – Yaase Kasoo Baxay Group-ka A?

Xulka Portugal ayaa guul muhiim ah ka helay New Zealand kulankii sadexaad ee wareega group-yada ciyaar kusoo dhamaaday 4-0, halka Mexico ay qudhooda 2-1 ku dileen xulka martigalinaya tartanka ee Russia.

Portugal iyo Mexico ayaa si wadajir ah ugu gudbay wareega semi final-ka tartanka Confederation Cup waxeyna sugi doonaan labada xul ee ugu sareeya group-ka B oo habeen dambe ciyaari doona.

Xulka Portugal guul muhiim ah ayey gaareen waxeyna sadexda gool kaga mahad celinayaan kabtan Cristiano Ronaldo, Bernardo Silva, Nani iyo Andre Silva – inkastoo laba gool ay heleen qeybta koowaad.

New Zealand waxey noqdeen xulka kaliya ee isaga haray koobka isagoon wax dhibic ah qaadan inkastoo ay hal gool ka dhaliyeen Mexico ciyaartii labaad ee wareega Group-yada kulan 2-1 lagu suldaaray.

Dhanka kale Mexico ayaa usoo gudubtay wareega semi final-ka tartanka markii ay 2-1 ku dhufteen xulka Russia – Nestor Araujo iyo Hirving Lozano ayey laba gool ka heleen waxeyna jawaab cad u ahaayeen goolkii ay ku hormareen Russia ee uu dhaliyay Aleksandr Samedov.

Natiijooyinkii kasoo baxay Group A waxey ka dhigan tahay in Portugal ay kusoo baxeen kaalinta 1-aad ee Group A, halka Mexico ay kusoo baxeen kaalinta 2-aad.

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Man United Oo Saxiixa Fabinho Ku Garaaceysa Juventus – Gianluca Di Marzio Oo Ka Warbixiyay Sida Ay Red Devils Ugu Dhawdahay Heshiiskiisa.

Man United ayaa kusii dhawaaneysa iney ku guuleysato saxiixa kubad burburiyaha reer Brazil Fabinho kaas oo ka mid ahaa awoodahii ay Monaco heerarka wacan ku gaartay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.Fabinho wax badan ayaa lala xiriiriyay Manchester Unit…

Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Sabti Ah Loogu Hadal-Heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkaan Ka Aqriso Liiska Oo Dhameystiran.

Salamu calaykum waraxmatulaah, Ramadaan Kariim dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maanta oo Sabti ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmaya 1-da July waxayna koox kastaaba si hordhac ah ugu dadaaleysaa iney hesho saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.

Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.


Jermain Defoe ayaa wali laga saari la’yahay halka ugu sareysa maadama sheekadiisa ay noqotay mid wali jiitameysa, xidigaa Bournemouth ayuu ogolaaday inuu ku biiro balse wali.

Hal talaabo ayey Real Madrid u jirtaa iney dhameystirto saxiixa daafaca Atletico Madrd Theo Hernandez tiiyoo ay jirto iney la tacaaleyso xaaladaha Ronaldo, Morata iyo James.

Sandro Ramirez arintii la xiririneysa Everton hoos u dhac ayaa ku yimid maadama labadaan bari aysan labada kooxood dar-dar galin howsha xidigaan ku maqan Poland.

Chelsea waxey todobaadka dambe dhameyn doontaa saxiixa Bokayoko, balse waxaa lasoo warinaya inuu ogolaaday Blues sidaas darteed liiska meelaha hoose ayuu ka hogaaminayaa.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xiriirinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Go’aanka Uu Horacio Gaggioli Ugu Guuray Magaalada Barcelona Oo Real Madrid Ka Hor Istaagay Iney Hesho Lionel Messi. (Xog Daaha Laga Qaaday).

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa 30-jirsaday maanta, balse wargeyska reer Brazil ee Globoesporte ayaa ka dhawaajiyay in xidigaan reer Argentina uu ku dhawaaday ku biiritaanka Real Madrid isagoo xiganaya wakiilkiisii ugu horeeyay Horacio Gaggioli.

Horacio Gaggioli oo ka mid ahaa dadka deegaanka Rosario ayaa go’aansaday inuu usoo guuro dalka Spain, balse wuxuu inyar ka sheekeystay halka uu dooran lahaa Madrid & Barcelona, inkastoo markii dambe uu go’aansaday inuu u guuro gobolka Catalan.

Sheekadaan xaqiiqada ah oo uu ka sheekeeyay wakiilkii ugu horeeyay xidiga reer Argentina ayaa tilmaameysa in kaliya dorashada degenaashaha Barcelona ay ka hor istaagtay Real Madrid iney xidigaan hesho.

“Iyadoo la eegayo duruufaha nolosha, waxaan u dhaqaaqay inaan ku noolaado Barcelona, waxaan u keenay Barcelona si uu tijaabo u maro, balse waxaan ku dhawaa inaan ku noolaado Madrid” ayuu yiri Gaggiolii oo la hadlayay Globoesporte.

“Hadii ay taas dhici laheyd, waxaan u geyn lahaa Madrid si uu tijaabo ugu maro, taasina waa nolosha, Lionel Messi wuxuu noqon lahaa ciyaariyahan Madrid ah, dabcan qoyskiisa waxey doonayeen iney yimaadaan Spain iyo magaalo aan ka caawin karo aniga” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba Messi iyo Gaggioli waxey wada shaqeeyeen kaliya shan sanadood ka hor inta aysan kala qeybsamin.

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Arsenal → Lacazette, PSG → Aguero, Chelsea → Bakayoko & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah.

Arsenal ayaa wadahadalo dheeraad ah oo ku saabsan weeraryahanka 26-jirka ah ee Alexandre Lacazette kaas lagu heli karo 49 Malyan oo Pound. (Telegraph)

Gunners ayaa dalab dhan 44 Malyan oo Pound ka gudbisay weeraryahanka reer France Alexandre Lacazette iyadoo imaatinkiisa ay albaabka u fureyso Olivier Giroud oo 30-jir ah. (Guardian).

Paris Saint Germain ayaa isku diyaarineysa iney dalab dhan 60 Malyan oo Pound u gudbiso Man City iyadoo ka dooneysa Sergio Aguero oo 29-jir ah. (Times)

Arsenal ayaa heshiis hordhac ah la gaartay 22-jirka Monaco & qaranka France Tiemoue Bakayoko waxaana la rajeynayaa iney dhameystirto saxiixiisa 35.1 Malyan oo Pound. (Evening Standard).

Man United ayaa wadahadal la bilowday Real Madrid iyadoo dooneysa iney ka hor 9-ka July dhameyso heshiiska 24-jirka reer Spain Alvaro Morata. (Marca)

Liverpool ayaa dalab u diri doonta 18-jirka As Monaco Kylian Mbappe hadii ay aaminaan in xidiga reer France uu daneynayo horyaalka Premier League. (Times).

Tababare Arsene Wenger ayaa si toos ah ula hadlay Mbappe isagoo kala hadlay imaatinkiisa Emirates iyo qorshahiisa mustaqbalka. (L’Equipe).

Bayern Munich ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato 23-jirka reer Belgium Yannick Carrasco kaas oo lagu qiimeeyo 50 Malyan oo Euro. (AS)

Real Madrid tababaraheeda Zidane ayaa u sheegay Mbappe inuu iibin doono mid ka mid ah weeraryahanadiisa si uu ugu soo biiro kooxda. (L’Equipe)

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

RASMI: Daafacii Hore Real Madrid & Liverpool Alvaro Arbeloa Oo Isaga Fariistay Kubadda Cagta. 

Daafacii hore Real Madrid & Liverpool Alvaro Arbeloa ayaa iska siibay kabaha kubadda cagta kadib markii uu xilli ciyaareed aan sidaas u fiicneen ku qaatay West Ham United.

34-jirkaan heerka caalami ayaa 58-jeer u saftay qaranka Spain wuxuuna nasiib u yeeshay inuu ku guuleysto koobkii Aduunka 2010 iyo sidoo kale laba jeer oo koobka qaramada yurub ah 2008 iyo 2012.

Alvaro Arbeloa sidoo kale wuxuu kasoo muuqday kooxda Deportivo, balse waayahiisa wuxuu kusoo afjaray West Ham kaliya afar kulan ayuuna u saftay.

“Waa waa waqtigii aan macsalaameyn lahaa” ayuu yiri Arbeloa, “Jir ahaan waan u fiyoobahay inaan ciyaaro”

Dhanka kale Alvaro Arbeloa wuxuu ka dhawaajiyay inuu dib ugu laaban doono Real Madrid si uu door aan garoonka aheyn uga qabto.

“Madrid waa kooxda nolosheyda, waligey ma wicin si aan shaqo u weydiisto, balse mar walba waxaan diyaar u ahay inaan nafteyda ka dalbado”

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Miyey Ciyaartoyda Barcelona Soo Dhaweyn Lahaayeen Kubad Sameeyaha PSG Marco Verratti? Neymar Ayaa Ka Jawaabaya.

Weeraryahanka Barcelona Neymar Junior ayaa ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay raacdada ay kooxdiisa ugu jirto kubad sameeyaha Paris Saint Germain Marco Verratti.

24-jirkaan reer talyaani ayaa si ba’an loola xiriirinayaa Barcelona xagaagan iyadoo tababare Ernesto Valverde uu doonayo inuu xidigaan heerka caalami ku xoojiyo khadka dhexe si ay kooxda u noqoto mid miisaan leh.

Lama garanayo hadii Barcelona ay heli karto xidigaan muhiimka u ah Paris Saint Germain, balse warbaahinta Spain ayaa ka dhawaajisan in kooxda ka dhisan Catalan ay diyaar u tahay iney hesho xidigii hore Pescara.

“Dabcan waan jeclaan lahaa inuu Verratti yimado Barcelona, waana jeclaan lahaa, waa xidig sare kaas oo leh tayo farsamo oo aan caadi aheyn” Ayuu yiri Neymar oo la hadlayay Sport.

“Hadii Barcelona ay lasoo saxiixato Verratti, waxaan hubaa in kooxda dhan ay ku farxi doonaan madama uu ciyaariyahan cajiib ah yahay”

Dhanka kale Barcelona waxey ku raad joogtaa ciyaartoy kale oo ay ka mid yahiin: Nelson Semedo, Hector Bellerin & Ousmane Dembele.

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Saxaafadda Ingiriiska Oo Isku Khilaafay Wararka Sheegaya In Nemanja Matic Uu Heshiis Shaqsi Ah La Gaaray Manchester United.

Manchester United ayaan wax heshiis shaqsi ah la gaarin burburiyaha reer Serbia iyo Chelsea Nemanja Matic sida ay ku warameyso jariiradda The Telegraph ee England kasoo baxda taasoo jawaab cad siiday wargeyska Manchester kasoo baxa ee Manchester Evening News.

28-jirkaan ayaa lagu soo xan warramay inuu isaga hayaami doono garoonka Stamford Bridge hadii uu kooxda kusoo biiro Tiemoue Bakayoko.

Manchester Evening News ayaa shalay ka dhawaajisay in xidigii hore Benfica uu heshiis shaqsi ah la gaaray Red Devils isla markaana uu diyaar u yahay inuu la midoobo Jose Mourinho.

Balse jaiiradda Telegraph ayaa qortay in Manchester United aysan wax heshiis shaqsi ah la gaarin xidiga reer Serbia.

Jose Mourinho wuxuu si ba’an u baadi goobayaa ciyaariyahan khadka dhexe ka ciyaara oo lagu lamaaniyo Ander Herrera iyo Paul Pogba walow uu heyssto Fellaini iyo Carrick.

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Man United Oo Wadahadalo Ku Aadan Heshiiska Alvaro Morata La Furtay Real Madrid- Goorma Ayaa Lasoo Gabagabeyn Karaa?

Sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Spain – Manchester United ayaa wadahadalo ku aadan saxiixa Alvaro Morata la bilowday dhigeeda Real Madrid.

Ciyaariyahankaan reer Spain wuxuu noqday bartilmaameedka ugu horeeya ee Jose Mourinho tan iyo markii lagu fashilmay Antoine Griezmann kaas oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa.

Wargeyska Marca ee Spain laga leeyahay – wuxuu ku waramayaa in labada kooxood ay haatan si toos ah uga wadahadlayan arinta xidigaan.

Waxaa la fahansan yahay in 24-jirkaan uu maamulka Los Blancos u sheegay rabitaankiisa ah inuu aado Old Trafford.

Alvaro Morata wuxuu xilli ciyaareedkii dhamaaday ahaa mid kursiga keydka daris la ah balse wuxuu noqday gooldhaliyaha labaad ee kooxda Real Madrid.

Sidoo kalana warbixinta waxaa lagu sheegay in xidigaan heshiiskiisa lasoo afjari doono ka hor inta aysan Manchester United u duulin waqooyiga America halkaas oo ay kulamo kusoo ciyaari doonto.

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Hordhac: New Zealand vs Portugal – Selecção Oo U Baahan Dhibic Qura Si Ay Wareega Semi Final-ka Confederation Cup Ugu Gudbaan.

Portugal ayaa caawa la ciyaari doonta New Zealand iyadoo u baahan dhibic qura sidoo kalana soo bixi karta hadii ay guuldaro soo gaarto, balse waa in markaas ay Mexico guul ka hesho Russia.

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu koob kale oo muhiim ah u qaado qarankiisa waana markii ugu horeysay oo ay tartankaan kasoo qeyb galayaan.

Portugal waxey fooda dari doonaan hadii ay soo gudbaan midkood Jarmalka & Chile oo la filayo iney kasoo bixi karaan group B.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: New Zealand vs Portugal

Tartanka: Confederations Cup (Group A)

Garoonka: Krestovsky Stadium

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Macalin Fernando Santos ayaa laga yaabaa inuu caawa nasiyo Cristiano Ronaldo isla markaana hogaaminta kulanka u dhiibo Nani.

Sidoo kale waxaa laga filayaa inuu isbadal weyn ku sameeyo shaxdiisa madaama New  Zealand ay goor hore isaga hartay taranka.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Waa markii ugu horeysay oo ay labadaan xul is arkayaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

New Zealand:

Marinovic; Doyle, Smith, Durante, Boxall, Colvey; Thomas, Tuiloma, Lewis; Wood, Rojas

Portugal:

Patricio; Semedo, Neto, Fonte, Eliseu; Gomes, Danilo, Adrien Silva, Bernardo Silva, Andre Silva; Nani

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Page 1 of 512345