Home » Entries posted by naamii

Stories written by naamii

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug: “Mareykanku wuxuu soo celinayaa dagaalkii Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland”

Gaalkacyo (RBC Radio) Maxamed Xuseen Tahliil , oo sheegay inuu ka tirsan-yahay baarlamaanka dowlad-gobolleeka Galmudug ayaa ku eedeyay dowladda Marekanka inay dib usoo celineyso dagaalkii Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland. Xildhibaanka ayaa cambaareeyay howlgal ay ciidamada Puntland ka fuliyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo oo la sheegay in lugu qabtay ilaa shan ruux oo la sheegay inuu […]

DEG DEG: Madaxdii al-Shabaab ee gobolka Mudug oo lugu qabtay howlgal socday muddo bil ah

Gaalkacyo (RBC Radio) Howlgal socday muddo bil ah oo ay iska-kaashanayeen hay’adaha ammaanka ee dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa la soo  gabagabeeyay 48 saac ka hor,sida aan ka soo xiganey ilo xogagaal ah iyo idaacadda maxalliga ah ee Daljir. Inta uu howlgalka socday waxaa laga fuliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo deegaannada miyiga ah […]

Siilaanyo oo magacaabay ergeyga Soomaaliland ee wada-hadallada dowladda federaalka

Hargeysa (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaalilad,Axmed Maxamed Siilaayo ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee Soomaaliland u qaabilsanan doonna wada-hadallada ay kula jiraan dowladda dhexe ee federaalka ah. Haweeneyda Marwo Adna Aadan Ismaaciil ayuu madaxweynaha u magacaabay ergeyga wada-hadallada,sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Ergeyga waxaa ay si gaar ah ula shaqeyn doonta wasaaradda arrimaha […]

Baydhabo: Shaqaale gargaar oo dib xoriyadooda uga helay al-Shabaab

Baydhabo (RBC Radio) Shaqaale muddo u afduubna ururka al-Shabaab ayaa dib xoriyadooda u helay,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta deegaanka. Shaqaalaha oo ka koobna toddobo fuur oo afar ka mid ah ay dumaryihiin ayaa lugu afduubey 16 bishan duleedka magaalada Baydhabo,waxaana ay ka tirsanayeen hay’ad samafal oo lagu magacaabo GREDO. Sii deyntooda waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta […]

Maamulka gobolka Mudug oo ku shaqeynaya meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (RBC Radio) Guddoomiyaha gobolka Mudug,Xasan Maxamed Khaliif ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay maamulka inuu ku shaqeynayo meel ka baxsan xarunta gobolka ee magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha oo ay waheliyaan mas’uuliyiin kale oo gobolka ah ayaa muddo hadda ku sugan degmada Galdogob ee gobolka Mudug,wuxuuna sheegay si kumeel-gaar ah maamulka inuu ku shaqeynayo Galdogob. “Saaka waxaan […]

Baarlamaanka federaalka oo dib u celiyay sharciga la-dagaallanka musuq maasuqa

Muqdisho (RBC Radio) Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u celiyay sharciga la dagaalanka musuq maasuqa, kaasoo ay Wasaaradda Cadaalada ay hor-keentay baarlamaanka, Kalfadhiga Labaad kulankiisa afaraad ee mudaniyaasha golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka […]

Dhismayaal badan oo ku bur burey iyo barakac ka socda degmada Caluula,markii ay baddu ku soo rog-matay

Gaalkacyo (RBC Radio) Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa ka taagan degmada Caluula xaalad barakac ah,markii ay badda ku soo rog-matay magaalada,sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ku dhawaad boqol dhisme iyo 20 ka mid ah doomaha kalluumaysiga ayey baddu la tagtay,waxaana wali jirta cabsi laga qabo inay baddo gaarto qeybo kale oo degmada ka mid […]

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigey 10 ruux oo ay ku sheegeen al-Shabaab

Garoowe (RBC Radio) Ciidamada sida malateriga loo tababarro ee Daraawiishta Puntland,waxaa ay qabteen toban ruux oo ku safrayeey gaari kuwa raaxadda ah,kuwaas oo la sheegay inay ku sii jeedeen deegaanka buuraleyda ah ee Galgala,halkaas oo saldhig u ah al-Shabaab. Sarkaal sare oo ciidamada ka tirsan wuxuu sheegay 10 ruux ee ay qabteen inay haween ku […]

Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saartay dhibatada lugu hayo shacabka Falastin iyo dhacdooyinka ka dhacaya masjid Al Aqsa

Muqdisho (RBC Radio) Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreeysay soo bandhigtay bayaan ay uga had-layaan dhibaatooyinka ka dhacaya masjidka barakeysan  Al Aqsa oo ku yaalla magaalada Qudus. Bayaanka ka soo baxay hay’adda culimadda ayaa ka koobna lix qodob,waxaana ku jirey baaq loo jeediyay dowladaha islaamka iyo beesha caalamka oo ay culimada ku dalbadeen in […]

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ka wada magaalada Kismaayo wadatashi ah ku saabsan hannaanka dib-u-eegista Dastuurka

Kismaayo (RBC Radio) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hannaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland. Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, culumada, haweenka, dhaqanka, iyo dhalinyarada Jubbaland. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay […]

Page 1 of 41234