Axmed Madoobe oo Shir Gudoomiyay kulan amniga & doorashada Jubbaland looga hadlay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada.

Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay sidii shacabka iyo Hay’addaha ammaanka uga wada shaqayn lahayeen sugida nabadgalyada inta lagu guda jiro doorashooyinka iyadoo loogu baaqay shacabka reer Jubbaland sidii lagu yaqaanay in Ciidamada ammaanka ay gacan buuxda ku siiyaan sugida amaanka.

Arimaha Doorashooyinka ayaa la isku raacay in wakhtigooda ay ku dhacayaan qof walbana uu xor u yahay in uu ka qayb qaato iyadoo la marayo hanaanka iyo sharciyada Jubbaland u yaala.

Shacabka ayaa loogu baaqay in ay Midnimo iyo wadajirkooda adkeeyan maadama ay u baahan yihiin howlaha culus ee horyaala in midnimo iyo walaalnimo looga gudbo iyadoo loogu baaqay dhamaan ururada Bulshada iyo haldoorka deegaanku in ay ka qayb qaatan Midnimada Bulshada sidii loo adkayn lahaa.

Magaalada Kismaayo oo dhawaan la filaayo inay ka qabsoonto doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaaladaasi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR