Ayax xaalufiyay dalagyadii beeraha ee gobolka Gedo

Ayax tira badan oo ku habsaday dhulbeereedyo ku yaala degaano ka tirsan gobolka gedo ayaa xaalufiyay dalagyadii beeraha ee gobolkaasi waxana sii kordheysa cabashada beeraleeyda ee Gedo.

Beeraleyda Soomaalida oo kujira kasoo kabashada dhibaatooyinkii ay kala kulmeen fatahaadihii dalka dhacay sanadkii hore ayaa waxaa ugu sii darsamay waxyeellada Ayaxa.

Dhanka kale Beeralayda Gedo ayaa sheegay inaysan helin wax ka gacan siiya dhibaatada uu Ayaxu ku hayo Beerahooda, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen inay  wax ka qabato dhibaatada Ayaxa uu ku hayo Gobolkaasi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR