Azpilicueta oo shaaca ka qaaday qaabka ugu fiican ee looga hor istaagi karo Suarez inuu gool dhaliyo

Azpilicueta oo shaaca ka qaaday qaabka ugu fiican ee looga hor istaagi karo Suarez inuu gool dhaliyo

(London) 23 Feb 2021. Kabtanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Cesar Azpilicuita ayaa ka hadlay kulanka ay caawa kula ciyaarayaan naadiga Atletico Madrid Champions League.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa caawa ku wada dagaallami doona kulan ka tirsan lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka UEFA Champions League ciyaar ka dhici doonta garoon dhex-dhexaad ah oo ku yaalla magaalada Bucharest ee ah caasimadda dalka Romania.

Haddaba Cesar Azpilicuita oo ka hadlayay in Chelsea aysan soo gaarin wax guuldarro ah tan iyo markii uu kooxda ka tagay Frank Lampard isla markaana uu shaqada la wareegay Thomas Tuchel ayaa wuxuu yiri:

“Maalintiisii ​​ugu horaysay ayuu noo sharaxay waxa uu naga doonayo, iyo in natiijooyinka wanaagsan ay na siineynso kalsooni.”

“Atletico Madrid waa koox aad u adag waxayna hoggaamineysaa horyaalka Spain, dhawaan waxay la kulmeen natiijo xun, laakiin waxay khibrad badan u leeyihiin tartankan, waa inaan ku ciyaarnaa wadadeena, oo aan xakameynaa ciyaarta.”

Intaas kaddib Cesar Azpilicuita ayaa u gudbay inuu ka hadlo xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez, wuxuuna tilmaamay qaabka ugu fiican ee looga hor istaagi karo inuu gool dhaliyo, isagoo yiri:

“In laga fogeeyo goolka sida ugu macquulsan, waxay noqon doontaa dadaal wadajir ah, waa weeraryahan aad u wanaagsan oo meel kasta uu aadag goolal badan ku dhaliyay.”

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR