Barbaarinta Ubadka Q.1aad (WQ: Mukhtaar Cali Sheekh)

Banii Aadamku waxa la yidhaa waxay isku af-gartaan Hadalka iyo wax isu sheegga, Xayawaan kuna urta. Waxa hubaal ah in waalidkeen inna jecelyihiin isla markaana innala jecel yihiin waxa wanaagsan, Sidaa si la mid ah carruurtuna waa ay jecel yihiin waalid kood.

Qormadan waxa aan ugu talo galay in aan ku soo bandhigo isla markaana ku iftiimiyo dhibaato xooggan oo dhextaal waalidka iyo ilmaha ay dhaleen.

Ilmuhu  waa uu dhashaa ka dib marka uu warkani soo yeedho waxaa la is waydiyaa ilmaha dhashay ma wiilbaa mise waa Gabadh? tahniyadda ka imanaysa asaxaabta iyo Ehelka ayaa Bilaabanta, ilmahan ay ka qayb qaadanayaan Soo dhawayntiisa Asaxaabta iyo Ehelkuba waxa  bilaabanta in korintiisa, kobcintiisa iyo kool-koolintiisuba halkaa kasii socoto.

Haddaba ilmahan sidee ayaa loo korinayaa?

Jidhkiisa iyo Caqligiisa sidee la isugu miisamaya?

Waxa aynu aragnaa Waalidka oo Amarro kala duwan faraya ilmihiisa wiil ha ahaada ama gabadh ha ahaatee  (Tusaale ahaan, Ax, kadaa, Car, Xuux IWM).

ilmaha Sanadka ilaa Shan  sano jira Usamee Sidan:-

1.   Ku ammaan waxa wanaagsan ee uu sameeyo/ay samayso.

2.   Bar hadalka oo hadduu kalmada badh sheego badhka kale u dhammaystir.

3.   Ku dadaal in ay indhihiisu qabtaan waxa wanaagsan ee ay samaynayaan dadka kawayn ee guriga joogaa.

4.   Bar sida wax loo akhriyo loona qoro isaga oo jooga guriga.

5.   Bar Quraanka Kareemka ah.

6.   Uga sheekee waxa wanaagsan  waxa xuna ka reeb kuna bar-baari sidaaa.

Horta waa hubaal qofka ilaahay waaniyaa waansan, qofka ilaahay hadeeyo ayaa hadaysma. waxa jira ubad badan oo aan helin barbaarin wanaagsan haddan ka wanaagsan kuwo helay in badan oo aynu kasoo sheekaynay balse, waxa hubaala wixii lagu cel-celiyaa inay noqdaan sidaa loogu celceliyey oo ay midho dhalaan.

Sida aynu wada ogsoonahay ilaahay ha innoo hadeeyo ubadkee xilligan caruurtu waxay marayaan meel ilaahay uuni ogyahay, hadda ha umalayn carruurtani inay tahay dad ay waalidkood dayaceen ama aanay siin daryeelkii loo baahnaa balse waxaaba laga yaabaa inay yihiin dad xufaada oo xifdiyey Qawlka Eebbe Sidoo kale kasoo baxay ama dhigtaba Dugsiyo aad ugu wanaagsan barbaarinta ubadka ilaahay ayaa wax barbaariyee.

Hadaba, halkay sartu ka qudhun tay?  Ma waalidkaa qaldan?

Ma macalinkiisa ayaa qaldan?

Ma manhajka ilmahan ayaan ahayn mid ku haboon?

Waa suaalaha ka dhex guuxaya dhammaan bulsha-waynta Somaliland.

Bal sheekadan ila eeg:

‘Maalin dhawayd anoo ka xiiranaya Timo-jare ku yaal Xaafadda aan ka deggan ahay magaalada Hargeisa ayaa waxa Rayislaha soo galay Nin Oday ah iyo Wiil uu dhalay aabbuhu waxa uu Rabaa inu ka xiiro timo aad u dhaadheer oo uu wiilku labaxay, Da’ ahaan wiilku waa ilaa 15 jir ama ka yarba Rayislihii ayuu aabbuhu amar siinayaa isagoo leh “dhammaan kaxiir timaha oo ka dhukur” wiilkuna waaba maroora dilaacsanahay Ugu danabayn laga xiir wiilkii walaw aanu ku qanacsanayn sida laga yeelay oo uu dareemayey Afduub iyo Jujuub Wiilka yari waxa uu Ugu hanjabayey aabbaha in uu wax samayn doono anuu aan markaa u maleyey inuu leeyahay hadaan baxsan  waayo ama wax lamida’ .

Wiilkaas yar Malaga yabaa inu aabuhu ka eego meel aanu mahadin?

Malaga yabaa in uu samayn karayey Hab kale oo ka fudud inu inankiisa kusoo Dhawaysto?

Aniga Ahaan waxan odhan lahaa malaha wuu Xalin kari lahaa waanu soo dhawayn kari lahaa wiilkiisa inta aanay lumin kalsoonida ka dhaxaysaa.

Bal aynu kala qaadnee horta hablaha iyo wiilashu waa kala korriin iyo ilaalin duwan yihiin oo dee hablaha ayaa ka adag oo Nabigeena suubbani NNKH waa kii xadiis ku lahaa “Waalidka koriya Saddex Hablood ee Ku toosiya Dariiqa saxda ah jannada ayuu galayaa”.

Waxa uu ogaa nabigu NNKH in ilaalin iyo toos toosin badan ay u baahan yihiin habluhu. Wiilashu iyagu waa ay ka duwan yihiin marka loo eego dhinacyo badan laakiin iyagaba waqtgian la joogo ma hawl yara korintoodu.

Wiilku marka uu soo Gaadh0 hilaadahan waxa dhacda inta badan in uu waalidku ka qariyo hayntiisa, hantidiisa,Shaqadiisa iyo wax kasta oo uu qabto, kaliya aabaha ilmahan dhalay waxa uu ku dadaalayaa In uu ku hayo waar waxbaro waliba waa aabbaha ugu wanaagsan wakhtigan aynu joogno.

Tani waa ta dhasha marka danbe inay isu qabsadaan caruurtu hantidii uu lahaa aabbohood isaga oo nool ama ay isaga laftiisa ku qabsadaan hantida uu u hayo iyaga taasoo sababta in ay walaaluhu birta iska aslaan ama ay waalidkoodba dilaan ama dhaawacaan.

Maanta immisaa walaalo ah oo aan dabka kala qaadan?

Immisaa waalaalo ah oo aan is bariidin?

Immisaa walaalo ah oo aan iyagu isbixinayn?

Waxas oo dhan waxa ka masuul ah waalidka dhalay ubadkan sababta oo ah ma ay barin wax wada lahaanshaha, Mana ay barin In ay hantidan iyagu leeyihiin islamarkaana wada manaafacaadsaaan, umanay sheegin hantidani halka ay taalo iyo sida ay u shaqayso hadday u sheegaanna mid ama laba kamid ah ayaa og ee dhammaan caruurta Xaafadda ka dhalataa ma wada oga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR